Ma U Qurux Badan Tahay Ninka Damacu Kaga Jiro Talada Dalka(Muuse-Biixi) Inuu Yidhaa Anagoo Reer Saaxil Ah? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ma U Qurux Badan Tahay Ninka Damacu Kaga Jiro Talada Dalka(Muuse-Biixi) Inuu Yidhaa Anagoo Reer Saaxil Ah?
December 28, 2015 - Written by Editor:

Inkastoo aanay marnaba ka aheyn hadal xaqiiq ahaan lagu tilmaami karo in uu  Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ahna Murashaxa xiligan ee Kulmiye u taagan jagada Madaxweyne uu Gobolka Saaxil noqon karo mid uga jiidh damqada dhibaatooyinka iyo Hadimooyinka lagu dhaxal wareejiyay Halbowlayaasha ay u shaqo tagi jireen Kumanaan muwaadiniin ah oo ay kamid tahey Haamaha Shidaalka Keydka Berbera oo Xukuumadu ku wareejisey Shirkado Madax banaan oo ka wakiil ah Ganacsato Carbeed,taas oo hada kaabiga usoo taala in lagu xijisiiyo Dekedda Weyn ee Berbera,marnaba may dhicin in Muuse Biixi ka hadlo xaalada adag ee Reer Saaxil ka gaws qabsadeen ee ay ku shaqo waayeen Muruqmaal iyo xoogsato ka shaqeyn jirey Haamaha Shidaalka balse tani wey ka beydhay .

Inkastoo Muuse Biixi Cabdi Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye wakhtigan xaadirka ah cod ka doonayo Guud ahaanba Shacbiga Somaliland meel kasta oo ay joogaan Degmo iyo Gobolba waxaa dad badani u fahmeen hadalka uu isugu lamaaneeyay Gobolka Saaxil in ay tahey mid uu ku beer laxawsanayay madaxda Madasha uu joogay taagnaa haba kamid ahaadeen Qoyska Madaxweyne Siilaanyo,e laakiin halkaa waxa kaga dhacey gu, kale maadaama ay dadka aqoonta badan u leh shaqsiyadiisu ku tilmaameen in uu ku lumin doonto hadalada Docbeydhka ah ee Muuse ka bur fakada wakhtiyada qaar kuwaas oo sawiro khaldan iyo meel ka dhac muuqda markiiba ay u fasirtaan kumanaan kun oo Bulshada Reer Somaliland ah.

Had iyo jeer Shacbiga Reer Somaliland ee ku nool Gobolada iyo Degmooyinka dalka oo caweysinkii dhacdooyinka maalintii kala socda Warbaahinta Talafishanada ayaa mar kaliya ka milicsadey shaashada Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi oo ku dhawaaqaya hadaanu Reer Saaxil nahey waxaas iyo waxaas ayuu noo qabtey Madaxweyne Siilaanyo hadalkaas oo dhinacyo badan ka jabnaa marka xaqiiq ahaan loogu dhabo galo Xubinta hadalka iyo munaasibka isaga ku haboonaa Muuse ahaan maadaama uu yahey Murashax u taagan jagada Madaxweyne ee Kulmiye Xisbiga Dawlada ee Madaxweyne Siilaanyo Kursiga kusoo fuuley in aanu habayaraatee, kala jeclaysan Gobolada iyo Degmooyinka dalka,iyadoo sheegashadiisa uu Shacbiga iyo Bulshada iyo Siyaasiyiinta kale ee Reer Somaliland ee uu Saaxil ka sheeganayo aanu gar iyo gardaro midna daw ugu laheyn balse ay uga lexejeclo badan yihiin kuwa kale oo badan oo kasoo jeeda Gobolada iyo Degmooyinka  kale ee dalku,waxaanay had iyo jeer hadalada  kasoo dhaca ah ee Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi sida sibiqa ah uga soo fakadaa ay gayeysiiyaan waagii alla keenaba in ay kaga beydhaan Shacbiyad badan oo markii hore u tuhunsanaa in uu yahey nin wax u laaban yihiin balse ku rumeysta cid kasta oo arimihiisa ka dardaar warinaya.

Sikastaba ha ahaatee waxa uu hadalkani lamid yahey kii uu ku iba furey khudbadiisii u horeysay markii Murashaxa jagada Madaxweyne ee Kulmiye loo cumaamadey oo uu sigaar ah ugu xaqirey Murashax dhigiisa ahaa ee Dr Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe), oo uu ka reebay ragii ay isku ardaag kasoo wada jeedeen waxaana marag madoon ah in hadalkiisa uu maanta ka horjeediyay Madaxweyne Siilaanyo ee uu ku lahaa “Anagoo Reer Saaxil ah”in Bulsho dhan iyo umad dhami kaga beydheyso walow dad ka ag dhawi sheegaan in aanu Muuse Biixi Shacabka Reer Somaliland codba uga fadhiyin laakiin uu doonayo in uu Axmed Siilaanyo u boobo Doorsahada soo socota.

Diirada Wajaalenews

Wajalenews@gmail.com

Hargeisa Office

COMMENTS
LINKS