|
|||||
WAJAALE NEWS
Lix Qodob Oo Kamida Dhaawacyada Madaxwayne Siilaanyo Soo Gaadhsiiyay Qaranka Somaliland Iyo Habdhaqanka Dawladnimo & Tilmaamaha Lagu Xasuusan Doono Saban Xileedkiisa.
December 25, 2015 - Written by Editor:LIX NABUR OO SOO GAADHAY QARANKA SOMALILAND SABAN XILEEDKA XUKUUMADA SIILAANYO .FAALO HARGAYSA(Wajaalenews( Wakhti kasta oo yimaadaa waayihiisa ayuu leeyahay, maalmaha ilaahayna maalin maalinta kale lamid ahi majirto oo quraankeena ayaa lagu sheegay sidaas darteed gayiga ilaahay inagu uumay waxa inagusoo maraya duruufo kala duwan mid taban iyo mid toganba mid dheef leh iyo mid dhib lehba. waxa ay soomalideena oo ahayd umad reer guuraa ah oo aan waxba qorin odhan jireen marka ay waqtiga lasoo dhaafay cabirayaan “hebel wuxu dhashay sabankii ay abaar heblaayo inagu dhacday ama sabankii barwaaqada ahaa iyo saban heblaayo saban noocaas ah ayuu ahaa marba sida waqtiga ay cabirayaan ahaa ama waxa ay ka xasuustaan sabankaas ha noqoto dhib ama dheef. Qaranka jamhuuriyada somaliland ayaa wuxu isla qaatay oo lagu go,aamiyay distoor ay u codeeyeen 95% in la samaysto Axsaab uu kasoo baxo madaxweyne xilkiisu dhan yahay shan sano balse waxa si dadban ugu hoos jira kordhin laba sano ah taas oo keentay in hogaamiye kastaa todoba sano ku fadhiyo kursiga waxaana hogaamiye kasta lagu xasuustaa ficilo badan oo dhaxal u noqon kara kolba raadka uu ka tago maamulkaas. hadaba waxa aynu ku jirnaa saban aakhir ah oo xukuumad uu Madaxweyne ka yahay Axmed Maxamed Siilaanyo tan iyo july 2010 markii uu xilka kala wareegay xukuumadii hore ee uu gadhwadeenka ka ahaa Daahir Rayaale Kaahin kadib food ay u codeeyeen 45% xisbiga imika muxaafidka ah ee Kulmiye oo ay kaga guulaysteen xisbigii Udub. Haatan oo uu madaxweyne siilaanyo baarka ka jaray sanadkii lixaad una hadhsan tahay sanad kaliya ayaa lagasoo gudbay inta badan saban xileedkiisii iyada oo is dhalan roga ayaamaha, bilaha,iyo sanadkuba ay waayahooga lahaayeen markhaatina ay ka yihiin shacabka Somaliland Afcaasha xukuumada oo isigu jira mid ay mahadiyaan iyo mid kalaba waxan aynu halkan kusoo bandhigi doonaa todoba nabur oo soo Gaadhay gogosha qaranka ee uu ku fadhiyo madaxweyne Siilaanyo 6 dii sano ee uu xilka hayay waxaana kamid ah
Waxa dabeecad noqotay oo ay dhagaha shacabku kadaaleen khaarajinta saraakiisha ciidamada khaasatan ciidamada qaranka oo mudoyinkii u danbeeyay si taxanaha ah uga dhacayay gobolada kala duwan ee dalka oo uu ugu danbeeyay sarkaalkii ciidanka policeka ka tirsanaa ee uu khaarajiyay Askarigiisu wiigan horaantiisii. Fawdadan ayaa la kawsatay xukuumada uu madaxweynaha ka yahay Siilaanyo taas oo kamid noqon doonta dhaawacyada qarannnka soo gaadhay ee lagu xasuusan doono xukuumada. 2.Bixinta Hantida Guud Waxaa sii daba yar hantidii guud ee dawlada sida guryaha iyo wareejinta wakaaladaha dawliga ah. Waxaana shaqsiyaad gaara lasiiyay dhamaan guryihii hantida guud oo xiligan ku dhaw gabogabo. Waxa la wareejiyay wakaalado badan oo qaranku lahaa sida haayadii tamarta laydhka,haamaha shidaalka iyo kuwa kale oo muhiim ah taas oo kamid noqon doonta dabeecadaha laga dhaxlay xukuumadan casar joogta ah.
Waxa dabeecad noqotay bixinta mashaariicda waawayn in si qof iyo qabiil jeclaysi ah loo bixiyo iyada oo la garab maray nidaamkii qandaraaska ee qaranka Tusaale ahaan waxaa wadanka ka fulay 7 marshuuc oo waawayn intii ay xukuumadani joogtay Dhamaantoodna waxaa loo bixiyay nidaam sharciga baal marsan waxaana si badheedha loo siiyay ashkhaas madaxtooyada ah Waxaana kamid ah mashaariicdaa A. E pastport B.horumarinta Airportska Dalka C.shirkada diwaan galinta muwaadiniinta d.qandaraaskii shidaal baadhista 4-In Aan Xilka Laga Qaadi Karin Wasiir Kasoo Jeeda Beesha Madaxweynaha Waxa dabeecad u noqotay madaxwaynaha in aanay qabanin isku shaandhayntiisa golaha wasiiradu xubnaha kasoo jeeda beeshiisa iyada oo afarta wasiir ee ay isku beesha yihiin madaxweynaha ay xilka hayaan mudo lixsano ah halka wasiirada kale ee beelaha kale kasoo jeeda xilka lagaga xayuubiyay wax kayar 2 bikood taas oo noqon doonta nabur soo gaadhay qaranka maadaama ay ku jirto eexasho laguna xasuusan doono xukuumada siilaanyo ee casar joogta ah 5.Gole Wasiiro Oo Ku Dhisan Kala kooxaysi Waxa marag madoon ah in tan iyo guushii kulmiye in golahii wasiirada ee uu soo dhisay madaxweynuhu Ahaayeen kuwo ku kala awood roon madaxtooyada iyada oo qaarkood awood u lahaayeen inay saameeyaan isku shaandhaynta madaxwaynaha taas oo baqdin galisay golaha keentayna in loo guul Wadeeyo wasiirada qaar maadaama xilka ay ka qaadi karaan kuwa kale Waxaanay kamid tahay mid kamida naburada soo gaadhay qaranka mudadii ay joogtay xukuumadan casar joogta ah 6-Xusul Duubka nidaam Xisbi ku Dooran karo Musharixiisa Madaxweyne Iyo Ku Xigeen Waxay Xukuumadani xusul duub badheedh ah ku samaysay xisbigeegii ay kaga dayan lahaaheen axsaabta kale taas oo ay u xidhay xisbigii musharax kaliyaata waxaanay taasi garabyo kala fog u kala jabisay xisbigii kadib khikaaf badan oo ruxay wadanka madaxweynuhuna tahli kari waayay in uu cadaalad kusoo dabaalo iyada oo aakhirkii madaxweynuhu garabka saaray musharax kaliyaata waana cadaalad daradii u waynayd ee xisbi sameeyo taariikhda wadanka waana boog kamid ah boogaha soo gaadhay qaranka. Dhamaan qodobadani waa qaar kamida tilmaamaha dhaxalgalka u noqday ee lagu xasuusan doono saban xileedka aakhirka ah ee Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo. WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE WAJAALE STAFF EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|