Kulankii Safiirka Mareykanka Iyo Siyaasiyiinta Isbahaysiga KULMIYE + Daymadda Madaxtooyadda + Dareenka Muuse Biixi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kulankii Safiirka Mareykanka Iyo Siyaasiyiinta Isbahaysiga KULMIYE + Daymadda Madaxtooyadda + Dareenka Muuse Biixi
December 18, 2015 - Written by Editor:

Nairobi(Wajaalenews)-Warar Wargeyska Yool ka helay magaaladda Nairobi ayaa tibaaxay in xubno kamid ah isbahaysiga Dimuquraadiyad doonka KULMIYE ay durba kullamo la bilaaben Safiirka Dawladda Mareynkanka u fadhiya Magaaladda Nairabi Ambassador Robert F. Godec. Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay oo kullankaas kasoo baxay, hase-yeeshee Warar Wargeysku ka helay ilo-dIblumaasiyadeed ayaa shaaca ka qaadeen in kullanku ahaa mid dhex-maray Wasiirkii hore ee arrimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis, Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe iyo Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Md. Xirsi Cali X Xasan, waxa iluhuu intaa ku dareen in Safiirka kulanka ay ku weheliyeen saraakiil ka tirsan wasaaradda arrimaha dibeda iyo waaxda gaashaandhiga Pentagon.

KOOXDA ISBAHAYSIGA

Geesta kale, nuxurka kullanka laba geesoodka ah, ayaa sida xoggaha lagu sheegay waxa labada dhinac kusoo hadal qaaden arrimo door ah oo ay kamid yihiin habsimi u socodka arrimaha doorashooyinka, geedi socodka arrimaha dimuquraadiyadda, iyo sidoo kale khilaafkii ka dhashay doorashadda musharraxa Xisbul-xaakimka KULMIYE, waxa kaloo xogguhuu intaa ku dareen in kullaanka labada dhinac kullan kale maanta yeelan doonaan.

Docda kale, Wararka laga helayo, Magaaladda Nairobi ayaa tibaaxay in Xubnaha isbahaysiga dimuquraadiyad doonka ay kulamo kale, la yeelan doonaan safaarado badan oo ay kamid yihiin Ingiriiska, Talyaaniga iyo Faransiis. Sidoo kale-na waxa jira warar isla amuurtan la xidhiidha oo qaarkood tibaaxen in safaaraddaha waddamada Mareynkanka iyo reer Yurub ay walaac weyn ka qabaan in doorashaddu ku qabsoonto waqtigii loogu talo galay ee loo asteeyey, taasina sababtay in safaaraddaha dalalkaasi xoggo dheeraad ah u raadshaan suurto galnimada arrintan. Waxa kaloo, iyana jira walaac laga qabo in doorashaddu u qabsoonto si xor oo xalaal ah, iyo inay dalka u horseedo qulqulatooyin rabshaddo wata, taasoo haddii ay dhacdo sababi karta in amniga iyo kala danbeyntu meesha ka baxdo, oo dalku galo xaalad aan wanaagsaneyn.

Dhanka kale, safarkan xubnaha isbahaysigu ku joogan dalka dibadiisa, ayaa sas iyo anfariir waxa uu ku riday Isbahaysiga Cusub ee Xukuumadda iyo Xisbigeed, kuwaasoo qolo waliba geesteeda baqo uga qabto in safarka xubnahaas uu kaga soo baxo wax iyaga khatar ku ah. Tusaale ahaan, sida dadka qaarkood qabaan Xukuumadda ayaa geesteeda u araagta

Safarka kooxdan in faddeexado hor leh oo ku saabsan arrimo musuqmaasuq kaga soo baxaan, halka Musharraxa iyo hoggaanka Cusub ee Xisbigu iyana dhankooda u arkaan Safarka Isabahaysiga mid fashilin ku keeni kara, xaaladdaha kala guurka is huwan ee Xukuumadda iyo xisbiga ka dhexeeya.

 

COMMENTS
LINKS