Khilaafyada Dhinaca Biyaha Ee Ka Jira Bariga Dhexe. Q:7aad. W/Q: Cabdixakiim Mukhtaar Cali. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Khilaafyada Dhinaca Biyaha Ee Ka Jira Bariga Dhexe. Q:7aad. W/Q: Cabdixakiim Mukhtaar Cali.
December 5, 2015 - Written by Editor:

Guud ahaan caalamka, biyuhu waxa ay yihiin muhiimadda kobaad ee nolosha Aadamaha. Dhinaca kale, waxa ay yihiin  khayraad ay dawladuhu uga faa’idaystaan dhinacyo badan, kana sameeyaan dhaqaale badan.  Biyahu, iyagoo ay muhiim u yihiin nolosha  Aadamaha, iyo dalalka dunidaba, haddana geesta kale waxa muhiimad sii kale leh gobaha ay ku  badan yihiin ee laga helo. Bariga dhexe, sida aynu hore uso iftiiminay, waa goob ay maraan wabiyaasha ugu badan, uguna caansan dunidu, sidoo kalana waa goob istraateeji ah, wana arrimaha keensaday in aad lo hadalhayo, sidoo kalana ay khilaafyada dhinaca  biyuhu ee ka taagan goobaasi ay soo noqd-noqdaan.

Marka aynu si guud uga yara haddalno, Dadyow badan oo dunida ku nooli waxa ay laayihiin biyo, iyaga oo qaar badanina ay helaan biyo wasakhaysan oon nadiif ahayn, iyadoo sidoo kale ay  biyahaa aan nadiifa ahayni   galaafeen  nololasha dadyow badan oo ku nool dunida. Marka aynu guud ahaan dunida eegno, in ka badan 1 Bilyan oo qof ayaan helin biyo nadiif ah, sidoo kale 2.5 Bilyan qof ayaan helin nadaafad iyo fayadhawr. Boqolkiiba 80% xannunada ku dhaca dadka ku nool dalalka soo koraya, waxa ay ka abuurmaan dhinaca biyaha. Celcelis ahaan maalintii, inta u dhaxaysa laba qof  illa tobban qof oo u badan carruura yar- yar iyo dadka waawayn ayaa u dhinta xannuuno ay sababeen biyaha wasakhaysani, iyo sido kale daadad ay sababaan biyuhu sida wabiyada oo kale.

Haddi aynu uso noqono xiisadda ka taagan bariga dhexe, iyo khilaafyada dhinaca biyaha, waxa hubaal ah, in khilaafyada biyaha ee ka jira mandaqaddasi ay yihiin kuwa aan dhammaad lahayn, haddii ay sii xogaystaan saamayn ku yeelanaya dunida ineeda kale, maaddaama bariga dhexe ay tahay goob aad muhiim u ah oo xidhiidhisa saddex qaaraddood oo waawayn, sidoo kalana qayb wayn ka ciyaarta dhaqaalaha iyo siyaasadda dunida. Khilafyadan ka taagan dalalka dhaca mandaqada bariga dhexe, waxa ay ahayeen kuwa dagan wakhiyadii hore, marka lo eego wakhtiyadan dambe, waxaana jiray arrimo sabab u ahaa in khilaafyadu  xooggaysaan, innaga oo qaarkood hore usoo xusnay. Waxaan jeclahay bal innaynu sidoo kale xusno, arrin  iyaduna saamayn ku leh in khilafyadani soo af- jarmi waayaan.

 Is-beddelka Cimilada.

Is-beddelka cimadu, waxa uu saamayn ku yeeshay guud ahaan hab nololeedka dunida, xag dhaqan dhaqaale, waxanu sido kale saamaynku yeeshay  dhinaca siyaasadda caalamka . Is-bedelka cimaadu, waxa uu geesta kale kor u qaaday arrinta khilaafka dhinaca biyaha ee ka jira bariga dhexe. Waxa ay qayb ka noqdeen, ammaba ay sababeen, in uu yaraado roobabkii ka di’i jiray ee ay heli jireen dadalka Mandaqaddu. Waxa geesa kale dhashay, abaarro baahsan oo ku dhuftay dad iyo duunyo wixii ku nool bariga dhexe, kuwaaso yimid markii ay dhacday biyo la’aan.

 Is-beddelka cimaladu, waxa uu horseday, in ay yaraadan biyihii laga heli jiray mandaqadda bariga dhexe, waxaana dhinicii nolosha dadyowgu gashay halis, maadaama noloshu dadku ay ku xidhan tahay biyaha. Dhinaca kale, waxa iyaduna mesha ka baxday dhaqaale badan oo dalalka bariga dhexe ay ka heli jireen dhinaca wax soo saarka beeraha, maddama beerihii loo wayay biyo ku filan.  Arrimanani, waxa ay sababtay in dal walaaba u cararro, sidii uu u bad-baadin lahaa nolosha dadkiisa, sidoo kalana ay u ilaashan lahayeen dhinaca wax soo saarka, haddaba si ay ugu helaan biyo ku filan oo ay labada arrimoodba uga faa’idaysaan, waxa dal kastaaba xoogga saaray, sidii uu isagu u hantiyi lahaa, una maamuli lahaa khayraadka biyaha ee mandaqadaas, sida Wabiyada mara bariga dhexe, taasina waxa ay keentay khilaaf hor leh oo ka dhex dhasha dalalka dhaca mandaqadda bariga dhexe.

Haddii Eebe Idmo, maqaalka dambe, waxa aynu kusoo qaadan  doonna heshiisyaddi ay gaadheen qaar kamida dalalka bariga dhexe, kuwaso xal loogu raadinayey, laguna dajinaayey  khilaafkan ka taagan bariga dhexe ee salka ku haya dhinaca khayraadka biyaha.

La soco qaybaha dambe in sha allah.

W/Q: Cabdixakiim Mukhtaar Cali.

Tixraac:

War peace and International Relation (Colin S. Gray)

Water conflicts in the Midlle East, Between Present and Future ( Dr. Ghassan Abu Ju’un):

 Couse for conflict or co-operation (Irna van der Molen & Antoinette Hildering)

Addis Ababa, Ethiopia.

COMMENTS
LINKS