Khabiir Bartay Cilmiga Macdan soo Saarista Oo Wasiirka Macdanta ku Eedeyey in uu Lunsaday Malaayiin Macdan ah Oo laga soo Saaray Siimoodi, Loona Dhoofiyey Shiinaha. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Khabiir Bartay Cilmiga Macdan soo Saarista Oo Wasiirka Macdanta ku Eedeyey in uu Lunsaday Malaayiin Macdan ah Oo laga soo Saaray Siimoodi, Loona Dhoofiyey Shiinaha.
December 1, 2015 - Written by Editor:

“Hantida Macdanaha ee sida sharcidarada ah loo dhoofiyey waxay Gaadheysaa in ka baddan  Malaayiin” Ahmed Maxmed Biixi

Hargeysa(Wajaalenews) Ahmed Maxmed Biixi oo ah Khabiir Bartay Cilmiga Dhulka iyo  Macdan soosarista ayaa Wasiirka Macdanta iyo Tamarta  ku eedeyey in uu lunsaday Macdan Fara baddan  oo Shirkad Shiine ahi ka soo saartay  Buurta Siimoodi, isla markana loo dhoofiyey Macdantaasi Dalka Shiinaha.

MACDANTA

Khabiirkan ayaa Soo bandhigay Daraasad uu ka sameyey Macdantaasi uu sheegay in Wasaarada Macdantu u dhoofisay Dalka Shiinaha.

Ahmed Maxmed Biixi Qoraal dheer oo uu ka  diyaariyey arrintaasi ayaa waxa uu u dhignaa sidan. “African Mining Corporation (ARC) oo ah shirkad marna la  leeyahay Shiinaha  leh marna la leeyahay Xukuummada Somaliland iyo Shiinaha  isku baheysatey Macdan ka soo saarida Siimoodi.

Shirkadaas oo marnaba Wasaarda Tamarta iyo Macdantu siin rusqada  macdan soo saarid (Mining license) ayaa ila 2013  macdan soo saarid ka wadey  Buuraha Siimoodi.

Inkastoo Wasiirku ku andacoonaayo inan macdan la soo saaray aanay jirin, liisanka  Shirkada la siiyeyna uu yahay  macdan baadhis keliya, balse  xaqiiqdu waxay tahay  in macdano kala jaad ah  oo ay ka mid tahay  beryllium oo ah macdan aad u qaaliga loo dhoofiyey dalka Shiinaha.

Saddexda marxaladood ee hoos ku xusan ayey shirad kasta ku khasban tahay inay marto markay macdan baadhis iyo soo saarid ka waddo  Somaliland:

Marka u horeysa  waa in uu Wasiirku siiyo ARC sharciga macdan baadhista (Exploration license) isga oo cuskanayaa Xeerka Macdanta Somaliland Qodobkiisa 27 oo dhigaya macdan la ma sahamin karo fulila’anta Qodobkan (No prospecting without a permit).

Wasiirku  waxa uu Shirkadaasi  ARC siiyey sharci macdan baadhid oo gaar ah (Exclusive Exploration license) bishii December 2014  laakiin  shirkadu si sharci darro ah ay u dhoofineysay macdano ilaa sanadkii  2013 iyado jebisey Qodobka 33 Xeerka Macdanta Somaliland.

Macdan soo saarid(Mining) waxay ku xidhan tahay fulitaanka qodobada 27 iyo 33 oo labadaba ARC jebisey. Qodobka 39 ee Xeerka  Macdanta Somaliland waxa uu dhigayaa” macdan lama soo saari karo rukhsad la’anta Qodobka 39 (No mining without a permit).

Waraysi  (interview) oo Wasiirku siiyey wariye madax banana oo maxali ah ayuu si adag ugu andacooday in aan macdan soo saarid (mining)  Simodi haba yaraate jirin  oo ARC ay ku howlan tahay balse hawsha ay haysaa ay tahay  sahan macdan baadhis oo keliya.

Waxa uu sheegey Wasiirku in uu ogolaaday in Shiinaha loo dhoofiyo hal Kontaynar oo labaatan kun oo kilo ku jirto si loo  ogaado tayada macdanta” taana lama odhan karo waa ganacsi” ayuu yidhi Wasiirku”. Macdan waxa la soosaari kara marka sahanka Joolojiga  lagu ogaado  keydka (reserves) macdanta goobtaa hoostiisa  ama dushiisa ku jirta oo tayada keydka cilmi ahaan la xaqiijiye.

David oo ah maamulaha shirkada ARC wuxu ku qiyaasey keydka beriiliyum ku jira Siimoodi  500,000 tons ama 500 bilyan kilo. Qorraal ku taariikhysan 2 August, 2015 waxa u ku  sheegey in shiinaha  loo dhoofiyay hal kontaynar oo macdan ah taas oo u ku tilmaamamey in taariikh ahaan bilaabantey macdan soo saaridii(mining) Somaliland(eeg fashaxan #1). Waxa Maamuluhu  iska indho tirey in ARC macdano ka badan 45 ton oo isgu jira beryllium, titanium, columbite iyo marble ay sharcidaro u dhoofisay intii muddada u sheegey  ka horeysay.

Sharciga Macdan Soo Saarida(Somaliland Mining Law ee 1990) wuxuu dhigayaa in shirkadii macdan keliya soo saari karto oo dhoofin karto ARC xataa haddey sharci heysto xaq u ma laha in ay macdanaha badan ka ganacsato.

War uu siiyay Wasiirku Websedka  Somalilandsun waxa uu yidhi”, Waxaanu booqaney goobo badan oo hadda macdanaha laga soo saaaro Gobolka Lubumbashi ee Democratic Republic of Congo. Waxaan ka heley macluumaad wax ku ool ah oo i hagaya sida loo maamulo macdan soo saarista (mining operations) delkeena.” Qoraalka Wasiirka wuxuu ku tusayaa in u og yahay in macdan soo saarid ka socda Siimoodi. Sawirada hoos ku xusan waxay cadeenayan in macdan soo saarid(mining) casri ihi ka socoto Siimoodi.

Farshaxan 1. Waxaanu shiinaha bishan u dirney hal konteynar oo ah kii u horeyey ee aanu Somaliland ka dhoofino. Waa arrin taariikh ah oo micnaheedu  yahay taariikh ahaan wey bilaabantey macdan soo saaridii Somaliland.

Farshaxan2 sample beryllium ore

Farshaxan3 Buur jaf iyo qodniin (excavation)

Farshaxan 4 Conveyor belt

Farshaxan 5 Mineral Processing

Farshaxan 6 Electrical Control Board

Farshaxan 7. Office work facility

Farshaxan 8 waxu ku tusayaa qadarka iyo macdanaha beryllium iyo columbite (tantalite) ee ARC loo ogolaadey in ay ka dhoofiso Berbera.

Farshaxan 9 wuxu ku taariikheysan yahay 2014 wuxu ku tusayaa waraaq u ogolaanaysa in ARC dhoofiso 25 ton oo decorative limestone.

Farshaxankani 10.  Wasaardu waxay u ogolaatey 20 tons oo ah beryllium iyo titanium in ay ARC ka dhoofiso Berbera.

Macdanta  beryllium loo dhoofiyey Shiinaha  07/11/2013  = 140,114 kg

Columbite/ tantalite                                                                   =     7,000 kg

Macdanta  beryllium/ tatanium dhoofey 25/09/2013    =  20,000 kg

Isugeyn                                                                                           = 167114kg

Intani waa qadarka la ogyahay laakiin wararku  waxay tibaaxayaan in 167114 kg  in ka badan la dhoofiyey.

Hantida macdanaha si sharcidaro lo dhoofiyey waxay gaadheysa in ka baddan  millions.

Wasiirkii lagu aaminey illalinta iyo dayactirka kheyraadka dabiiciga ayaa noqotey nin  si sharcidaro ah u dhoofiya Hantidii Qaranku lahaa. Hanti dhawrka Qaranku waa in u baadhid balaadan ku sameya hantidaa la lunsaday.

Prof. Ahmed M. Behi

International Geological Expert

 

 

COMMENTS
LINKS