Ka Daa Qaladka Hooyada Uma Qalanto Xumahee!!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ka Daa Qaladka Hooyada Uma Qalanto Xumahee!!!
December 16, 2015 - Written by Editor:

Maansadii Saldhigii Aqoonta Erayadii Iyo Qalinkii  Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle

Haka suulin garashada

Dulmigana ha saacidin

Suubanaanta dqankana

Soohdintooda dhawroo

Sodohaha ha faalayn

Inkastoon saboolnahay

Waajibaa ku saarane

Haku raadin sooryoo

Sii jeedka ha ku tabin

Gafka Iyo Meel Ka Dhaca Ka Soo Burqanaya Qaar kamida  Dhalinyarada Qalinka U Qaadatay In Ay Rayigooda Ku Cabiraan   Baraha Internetka Iyo Shabakadaha Wararka Ee Qoraalada Lagu Baahiyo Waa Mid Aan La Soo Koobi Karayn  Sidoo Kale Waa Waxaan Loo Dul Qaadan Karin  Xubno Ciroole ah Qaladaadka  U Badheedhay   Qalinkana U Qaatay   In Uu Ku Ceebeeyo Hooyada  Waxaana La Gaadhay Waqtigii Bulsho Waynta S/land Loo Soo Bandhigi Lahaa Magacyada Iyo Muuqaalada Shaqsiyaadka U Badheedhay Ceebaynta Hooyada Sidoo Kale Waxaa La Gaadhay Waqtigii Bulshada Loo Sheegi Lahaa  Baraha Ay U Adeegsadaan Baahinta Qoraalada Foosha Xun Ee Diinta  Iyo Milgaha Dhaqanka Soomaaliyeed Meel Ka Dhaca Ku Ah Sidoo Kale Waxaa La Gaadhay  Waqtigii Gacmaha La Qaban Lahaa Qalinka Laga Qaadi Lahaa Ama Laga Mamnooci Lahaa In Uu Wax Qoro .

Waxaana Wax Laga Xumaado Ah  In Marwo Hooyadaa Oo Kale Ah Lagu Cambaareeyo Xillka Uu Qaranka U Hayo Odaygeedu Sidoo Kale waxaa Gaf Iyo Meel Ka Dhac Ah In Muwaadin Xaq U Leh In Uu Qaranka Xill Ka Qabto Lagu Ceebeeyo Xidhiidhka Qoysnimo Ee Ka Dhexeeya Madaxwaynaha  Waana Dhacdo Ku Soo Noqnoqota Warbaahinta Baraha Intenetka Lagu Baahiyo  Qoraaladaas Oo Dhamaantood Male Awaala Waxayna Gaf Iyo Meel Ka Dhac Ku Yihiin Diinteena Islaamka Ee Furqaan Iyo Dhaqanka  Soomaaliyeed Waxaana Xumahaa La Wadaaga Kuwa U Sacab Tuma Ee Siyaasiyiinta Mucaaradka  Sheeganaya Dadwaynahana  Ka Doonaya In Ay Doortaan Oo Barito La Ceebeeyo Lana Caayo Dumarkooda Iyo Qaraabada Ugu Dhaw Lab Iyo Dhidigba .

Iyadoo Ay Lagama Maarmaan Tahay In Lala Xisaabtamo Masuuliyiinta Xilalka Qaranka Haya  Lana Dhaliilo Qalinkana  Lagu Saxo Waxaa Lagama Maarmaana In Maanka Iyo Maskaxda Ku Hayso In Masuulka Aad Tilmaamayso Ama Aad Dhaliilayso Aanu Qalinkaagu U Gudbin Qaraabada Balaadhan Ee Ku Xeeran Masuulka Xilka Qaranka Haya Ilayn Maaha Geed Meel Ka Baxaye.

Sidoo Kale Waxaa Hubaala In Hooyada Ama Gabadhu Xurmo Iyo Qadarin Aad U Badan  Siiyay  Waxaanad Moodaa In Dhaqankii Noocaas Ahaa Maanta Wax Magarato Qalin Qaadatay Ay Maydhayso Milgihii Iyo Maamuustii Guud Ahaan Dhaqanka Soomaaliyeed Dumarka Iyo Qaraabadu Gaar Ahaana Odayga Beesha Dumarkiisa Iyo Qaraabadiisu Ku Lahaayeen Beesha Dhexdeeda Waxaana Waqtigii Gacmaha La Qaban Lahaa Qalinkana Laga Qaadi Lahaa Kuwa Edebta Darran  Ee U Badheedhay Ceebaynta Iyo Cambaaraynta Marwo Hooyadii Oo Kale Ah Isagoo Baraha Internetka U Marinaya Weedho Aanu U Dulqaateen Hadii Hooyadii Ama Habaryarti Ama Walaashii Iyo Gabadhiisa Lagu Weerari Lahaa .

Sidoo Kale Marwada Qaranka Xilka Ka Haysaa Waxay La Wadaagtaa Masuulka Ninka Ah In Lala Xisaabtamo La Saxo DhaliilI Haday  Jirtana Loo Sheego  Balse Waxay Kaa Mudan tahay Asluub Gaara Oo Salka Ku Haysa Dhaqanka Soomaaliyeed Waana Waajib Saaran Qof Kasta Oo Qalinka U Qaatay In Uu Saxo Qalad Uu Arkayo Ama Fikir Uu Ku Kordhiyo Marwada Xilka Haysa Isku Soo Wada Duuboo Waxaan Qormadan Ku Soo Af Meerayaa In Abwwanku Arkayo Gafafka Iyo Meel Ka Dhacyada Ay Caadaysteen Wax Ma Garatada Qalinka U Qaatay Ceebaynta Hooyada Waxaana Abwaanka  Waajib Ku Ah In Uu Talaabo Ka Qaado Isagoo Difaacaya Karaamada Hooyada Diinta Islaamka Iyo Dhaqanka Suuban Uguna Jawaab Celin Doono  MURTI Diiwaanka  U Gali Doonta Hadii Ay Ka Waantoobi Waayaan.

ABWAAN SACAD GADHLE

QALINKII ABWAAN SACAD X MAXAMUUD GADHLE

 

COMMENTS
LINKS