Hay’adda UNICEF Oo Hoos U Dhigtay Meeqaamka Madaxbannaanida Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hay’adda UNICEF Oo Hoos U Dhigtay Meeqaamka Madaxbannaanida Somaliland
December 29, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa (Wajaalenews)- Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan carruurta ee UNICEF oo soo saartay war qoraal ah ayaa ka hadashay markii ugu horaysay tiro koob ka dhana carruurta ku dhalata Somaliland,  iyadoo somaliland ku tilmaamtay maamul, isla markaana ku sheegtay qoraalkeeda inay diwaangelinayaan muwaadiniin dawlad Soomaaliyeed markii ugu horaysay tan iyo 1991-kii.

Hay’adda oo sheegtay inay la shaqaynayso waxay ugu yeedhay maamulka Somaliland iyo WHO waxay sheegtay inay caruur gaadhaysa 270,000 diwaangalinayso islamarkaana siinayso warqadda dhalashada oo ay ku qoran tahay magaca iyo dalka uu u dhashay, hase ahaatee hay’adda oo habka qoraalkeedu la mid yahay sida xukumadda Somalia ula macaamisho Somaliland ayaan la hubin magaca dalka ay carruurta ugu qorayso dalkooda dhalashada, maadaama qoraalkeeda ay ku badan tahay Maamulka oo ay ku daahday waxay ugu yeedhay dawladda Soomaaliyeed.

unicef

Qoraalka ay baahisay UNICEF oo ku qoran luuqadda Ingiriisida iyo Soomaaliga(Af Xamar) ayaa u muuqda mid aanay shaacintiisa ka wada shaqayn wasaaradda caafimaadka ama xukumadda Somaliland, marka loo fiirsado habka hadal qoraalka oo aad moodo in cid Somalia taabacsan ama u xaglinaysaa qortay, hase ahaatee masuuliyiin wasaaradda caafimaadka ka tirsan ayaa saxeexa warsaxaafadeedka la raaciyay.

Somaliland oo ay ku sheegtay dawlad soomaaliyeed.

“UNICEF ayaa maamulka Somaliland ka taageertey diiwaangelinta carruurta dhalata oo tijaabo ahayd bishii Nofembar 2014” ayaa ka mid ah habka qoraalka ee hay’adda UNICEF. Qoraalka UNICEF oo sii socda ayaa lagu sheegay in markii ugu horaysay Dawlad soomaaliyeed iyadoo loola jeedo Somaliland ay ku dhaqaaqday diwaangelin madani ah oo carruurta ah, waxaana lagu yidhi  “waxaanay tani ahayd markii ugu horreysey ee Dowlad Soomaaliyeed ay ku dhaqaaqdo hawl diiwaangelin madani ah tan iyo markii ay burburtey dowladdii dhexe sanaddii 1991”

Hawlgelinta madaniga ah ee ay sheegtay UNICEF ayaa sida qoraalkeeda ku cad ay barbar waday mashruucan la dagaalka ama xakamaynta Jadeecadda, iyagoo bartilmaameed ka dhigtay carruurta ku dhalata cisbitaaladda waaweyn ee Somaliland iyo guryaha laftooda oo xogta laga soo ururinayo, balse ay ku sheegeen degmooyin

“Tan iyo markii dhammaadkii 2014-kii la bilaabey mashruucan hadda socda, kooxda lala beegsanayey waraaqaha dhalashada waxaa ay ahaayeen carruurta dhowaan dhashey oo xiriir la sameeyey hannaanka caafimaadka (yacni ku dhashey isbitaal) ee lix degmo oo ka tirsan Somaliland; Boorama, Burco, Berbera, Caynabo, Gabilay iyo Hargeysa. Ilaa hadda arrintan waxaa ka dhalatey in la diiwaangeilyo carruur dhashey oo waxyar ka tiro badan 5,300 wixii loo soo gaarey bishii Nofembar 2015” waa sida lagu sheegay war-saxaafadeedka UNICEF.

 

Intaas oo kaliya kumay koobin qoraalkooda iyagoo ka hadlay yoolkooda iyo tiradda ay rabaan inay ka dabar gooyaan xanuunka jadeecadda ayey mar kale somaliland ku tilmaameen maamul

“Maamulka Somaliland, iyo la-hawlgalayaasha caafimaadka kala shaqeeya ee UNICEF iyo WHO ayaa wada ololaha ka daba-tegga jadeecada ee lagu beegsanayo in ka badan hal malyan (1,051,054) carruur ah oo da’doodu u dhaxayso 9 bilood 9 sanadood”

Degmooyinka iyo qoraalka UNICEF

Mudada u dhaxaysa 24-ka iyo 28-ka bishan December ee 2015 ayey sheegeen in hay’addu ay ka hawlgeli doonto Hargeysa, Boorama, Berbera iyo gobolo kale oo ka tirsan Somaliland oo ay ku tilmaameen degmooyin:

“Muddada u dhaxaysa 24-28 Disembar, dhammaan degmooyinka waaweyn (Hargeysa, Boorama, Berbera, Burco, Laas-caanood iyo Ceerigaabo) ayaa laga hawlgeli doonaa. Muddada u dhaxaysa 31ka Disembar ilaa 4ta Januwari degmooyinka Gabilley, Balligubadle, Baki, Lughaya, Seylac, Sheekh, Caynabo, Oodweyne, Buuhoodle, Xuddun, Taleex, Ceel-Afweyn iyo Badhan ayaa laga hawlgeli doonaa” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka UNICEF.

 

COMMENTS
LINKS