|
|||||
WAJAALE NEWS
Hadii Madaxwayne Silaanyo Noqday Hulaago, Gaandi library Noqon Maayo Bagdaad Libarary,
December 19, 2015 - Written by Editor:Gaandi Library waxa laga iibiyay ganacsade ku iibin doona TIMIR & BISCUIT . Taariikhdu way soo noq-noqata. HULAAGO wuxu ahaa Abaanduulahi watay ciidamo kasoo duulay “Mongolia” oo cagta mariyay dunida inteeda badan.Waxa loo yaqaanay “ THE BARBARIANS ”. Sanadkii 1257, Hulaago wuxuu qabsaday Baqdaad oo ahayd caasimada khilafaadi islaamiga ahayd ee cabaasiyiinta “ Abbasid Caliphate” . Marku gacanta ku dhigay Baqdaad, wuxuu amar ku bixiyay in la gubo dhamaan Maktabadaha “ libraries” ku yaalla BAQDAAD, kutubtana la raaciyo webiga “ Tigris “. Waxa la sheegay in midabkii biyaha webiga TIGRIS isu rogay madhow . ” The Mongols swept into Bagdad city on 13th February 1257 and began a week of destruction. The Grand Library of Baghdad, containing countless precious historical documents and books on subjects ranging from medicine to astronomy, was destroyed. Survivors said that the waters of the Tigris ran black with ink from the enormous quantity of books flung into the river. .// http://en.wikipedia.org/wiki/Hulagu_Khan// Halkaa waxa ku shuf-beelay qayb wayn oo ka mid ahayd kaydkii xadaarada iyo aqoonta Islaamka . Waxa bilaabmay casragii la odhan jiray “ Dark Ages” oo dunida dhawr qarni geliyay mugdi iyo jahli. Waxa nasiib darro ah in Madaxwayne Siilaanyo, oo kasoo qalinjebayay Manchester University, oo maanta ku dhaqaaqo talaaboyinkii “ HULAAGO “ ku dhaqaaqay 1257. Waxaynu aragnaa hoygii hablaha lagu baraayay farsamooyin kala duwan, kumanaan ardayNA wax ku akhrisanaayeen, in laga eebiyay ganacsade ka dhigi doona Bakhaar . Bulshada Reer Hargeisa ee jecel ilbaxnimadda , aqoonta ,fanka, iyo Suugaanta, waxa inay mudaaharaad selmi ah ku cabiraan dareenkooda. Waxa loo adeegsan doona RRU, SPU, OPU , laakinse waa inay difaacaan hoyga aqoonta “ Gaandi Library”. Haddii Madaxwayne Siilaanyo noqday Hulaago, Hargeisa noqon mayso Baqdaad. Drs Hoodo Yusuf, London, UK. yhoodo@yahoo.com COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|