Gudomiyaha Barlamanka Somaliland ahna Gudomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah Ee Wadani Oo Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyay Magaladda Jigjiga . | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudomiyaha Barlamanka Somaliland ahna Gudomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah Ee Wadani Oo Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyay Magaladda Jigjiga .
December 13, 2015 - Written by Editor:

Jigjiga  (Wajaalenews) Gudomiyaha Barlamanka Somaliland ahna Gudomiyaha Xisbiga Mucaradka Wadani Cabdiraxmaan Maxamed C/Laahi (Cirro) Oo Maalmihii u Danbeyayba Safar ku Joogay Dalka Ethiopia ayaa Maanta si baladhan loogu soo dhaweyay Magaladda Jigjiga.

wadani 2 soodhawaynta wadani wadani 3

Gudomiye Cabdiraxmaan Maxamed C/Laahi ayaa Waxa Garoonka Diyaradaha Magalada Jigjiga ku soo Dhaweyay Madaxwayne ku Xigenka Dowlada Degaanka Somalida Ethiopia Mowliid Xayir ahna Wasiirka Waxbarashada, Madaxwayne kuXigenka Dowlad Degankaasi Cabdicasiis Maxamed Cabdi ahna Madaxa Xafiiska Xisbiga Waxaanay Gaba-gabadii Gudomiyaha u Galbiyeen Aqalka Martida Jigjiga Oo Uu Gudomiyuhu ku Sugnaan Doono inta ku Sugan Yahay Magaladda Jigjiga,

wada3333 wadani 4

 

Socdaalkani Uu Gudomiye Cirro ku Yimi Magalada Jigjiga ayaa waxa ku Wehelinaya Mujaahid Axmed Cumer Xamarji Oo ka Mid ah Madaxda Xisbiga Mucaradka Wadani,

Safarkani Uu Gudomiyaha Barlamanka  Somaliland ahna Gudomiyaha Xisbiga Mucaradka Wadani Cabdiraxmaan Maxamed C/Laahi Cirro ku Yimi Magalada Jigjiga ayaa Ujadadiisu DaaranTahay Marti-Qaad Rasmiya Oo Uu Madaxwaynaha Dowlad Degaanka Somalida  Ethiopia u Fidiyay GudomiyeCirro.

 

Ugu Danbayntii Safarkani Gudomiye Cirro ku Tagay Dowlad Degaanka Somalida Ethiopia Ee Jigjiga ayaa ku Soo  Beegmaysa Wakhti Uu Dhawaan Gudomiye Cirro kaQayb-Galay Xuska Qowmiyadaha Ethiopia Oo ka Dhacay Kililka Gambeela.

 

 

COMMENTS
LINKS