|
|||||
WAJAALE NEWS
GABILEY MAAHA MEEL XISBI KALIYA AHI LEEYAHAY EE WAA MEEL U FURAN XISBIYADA OO DHAN.
December 5, 2015 - Written by Editor:Waxaan qalinka u qaatay inaan ka jawaabo dhacdadii maalmihii u danbaysay saxaafada ku soo noq-noqonaysay ee ahayd in xisbiga wadani magaalada Gabilay lagaga mudaharaaday. Haddaba, aniga oo ku hadlaya afka aqoonyahanka Gobolka Gabilay iyo cid kasta oo caqli saliima ku fikiraysa waxaan jecelahay inaan beenino isla markaana aan raali-gelin buuxda ka bixino wixii lagula kacay xisbiga wadani oo ah xisbi qaran isla markaana leh xasaanadiisa iyo karaamadiisa in la dhawro. Dhacdadan mudaharaadka iyo imaatinka Madaxda xisbiga wadani maaha mid xidhiidh leh balse waa laba dhacdo oo waqti fog kala dhacay. Imaatinka waftiga wadani waa jiray manaanu maqal wax rabshad ah oo lagu sameeyay balse hawshoodii ay u socdeen si wanaagsan oo nabadgalyo ah ay ugu dhamaatay.
Waxaan mar labaad iyo mar saddexaadba u sheegayaa dadwaynaha reer Gabilay inaanu jiri karin haba yaraatee xisbi loo diidi karaa inuu gabilay yimaado oo uu xafiis ka samaysto/furto.. Iyada oo ay taasi jirto, waxaan raali-galin buuxda ka bixinaynaa arrintaas xajiinta leh oo dhalinyaro sheeganaysa inay afka reer gabilay ku hadlayaa sheegteen in aanay waxba ka jirin. Waxa kale oo aan xasuusinayaa cid kasta oo ku lug leh ama soo abaabushay sawiradaa la isku keen keenay in aanay kulmiye waxba u tarin balse ay wax wayn u dhimeen. Waayo, Soomaaliland waa beelo wada yaala sidaa daraadeed, ogsoonow in fal kasta oo aad samaysaa saamaynteeda yeelanayo. Ugu danbayn, waxaaan ku soo gaba-gabaynayaa maah-maahda soomaaliyeed ee tidhaahda “Booraan hadimo ha qodin ku dhici doontaana mooye”!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!.
Qalinkii : C/khaddar Cilmi Cabdilaahi
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|