Gaadiid Ay Gaar u Leeyihiin Madaxweyne Silaanyo Iyo Ku-xigeenkiisa Oo Nidaam Musuqmaasuq Kaga Baxay Dekedda Berbera. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gaadiid Ay Gaar u Leeyihiin Madaxweyne Silaanyo Iyo Ku-xigeenkiisa Oo Nidaam Musuqmaasuq Kaga Baxay Dekedda Berbera.
December 20, 2015 - Written by Editor:

Berbera(Wajaalenews)-Gaadiid nooca qaaliga ah ee loo yaqaan V8 oo ay leeyihiin Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Silaanyo iyo Ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici, ayaa sifo sharciga baal-marsan looga saaray Dekedda Berbera.

gaadhi-MUSUQA KUSOO BAXAY

Gaadiidkan oo aan ahayn Hanti Qaranku leeyahay ee ay gaar u leeyihiin Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa, ayaa Bishii hore waxaa Dekedda bilaa cashuur lagaga saaray gaadhi uu leeyahay Madaxweyne Silaanyo, oo midabkiisu yahay Madow nooca V8ka ah, halka gaadhi kale oo uu leeyahay ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici oo isna V8 ah uu todobaadkii hore ka baxay dekedda iyadoo habayaraatee aanay jirin wax cashuura oo laga qaaday, waxaana lagu dhejiyay taarikada shacabka.

Dhacdadan iyo kuwo la mid ahiba waxay muujinayaan musuqmaasuqa iyo luunsiga xukuumadda Madaxweyne Silaanyo ku caadaysatay ku takrifalka hantida ummadda ka dhaxaysa, iyadoo dhaqaale darro aanay haysan ee ay iska bixin karaan cashuurta ku waajibtay, maadaama gaadiidkani aanay ahayn kuwo qaranku leeyahay ee ay tahay Hanti gaar ahaaneed. Intaa waxaa dheer gaadiid tiro badan oo Masuulliyiinta xilalka kala duwan ka haya xukuumaddu ubadkooda ama ehelkoodu leeyihiin oo iyagana aan wax cashuura laga qaadin ee ammar sare uun kaga baxa dekedda bilkasta. Kuwaasoo ay u fududeeyaan Maareeyaha Dekedda Berbera Cali Xoor Xoor iyo Maamulaha Kastamka Berbera Cabdi…. Gurxan oo iyagu ah marinka loo adeegsado musuqmaasuqa ugu badan ee ka dhaca kastamka iyo Dekedda, una fududeeya masuulliyiinta tirada badan.

Waa Ayaan darro iyo qoomamo iyo ciil in madaxdii dalka u sarraysay ay sharciga baalmaraan

 

XIGASHO WAHEEN

COMMENTS
LINKS