Dawladda Jabuuti Oo Xidhay Wasiirkii Hore Ee Diinta & Awqaafta Oo Dhaawac Ah 32 Qof Oo Kale. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawladda Jabuuti Oo Xidhay Wasiirkii Hore Ee Diinta & Awqaafta Oo Dhaawac Ah 32 Qof Oo Kale.
December 31, 2015 - Written by Editor:

Jabuuti (Wajaalenews) – Dowladda Djibouti ayaa shalay Xabsiga dhigtay Wasiirkii hore ee Diinta iyo Awqaafta Xaamud Cabdi Suldaan oo dhawaan ku dhaawacmay rabshadihii ka dhacay degmada Belbela ee duleedka Caasimadda Djibouti.

Wasiirka-la-xidhay

Afhayeenka dallada Mucaaradka ah ee USN Daahir Axmed Faarax, ayaa VOA u sheegay in Xaamud ay ciidammadu ka kaxeysteen albaabka hore ee Cisbitaalka Shalay markii uu ka soo baxay.

Waxa uu sheegay inay ka walaacsan yihiin xaaladdiisa caafimaad madaama weli aanu bogsoon oo uu baahan yahay dhakhtar in uu arko maalin walba.

 Dowladda ayaa sheegtay inay xabsiga dhigtay 32 qof oo uu ku jiro Wasiirkii hore ee Arrimaha Diinta iyo Aqaafta.

Xeer-ilaaliyaha guud ee Djibouti Maki Cumar Cabdulqaadir ayaa sheegay in dadkan la xidhay lagu soo ooggey dacwado la xidhiidha rabshaddihii maalinti isniinti 21-kii December 2015 ka dhacay duleedka magaalada Djibouti gaar ahaan degmada Belbela kuwaas oo dadna ay ku naf waayeen qaar kalana ay ku dhaawacmeen.

 

COMMENTS
LINKS