|
|||||
WAJAALE NEWS
DAAWO;Afhayeenka Madaxtooyada Oo si Adag Uga Jawaabay Eeddo Xukuumada Iyo Xisbiga KULMIYE Uga Yimid Xisbiga WADDANI.
December 6, 2015 - Written by Editor:Xukuumadda JSL Ee Uu Gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Silaanyo Wax Shaqo ah kuma laha Abaabulka iyo suurto gelinta falalkaa iSaga ah, cid kasta oo ku kacda falalkaa Noocaas ahna Xukuumaddu Way ka soo Horjeedaa. Afhayeen xuseen Dayr Hargeysa (Wajaalenews)-Afhayeen madaxtooyada Somaliland Xuseen Aadan Cige (Dayr)waxaa uu si adag uga jawaabay Eedaymo Madaxtooyada, Xisbiga KULMIYE iyo dawlada hoose ee Gabiley uga Yimid Xisbiga WADDANI kuwaasi oo sheegay inay ka xukuumadu ka dambaysay dhacdadii Eyda loogu Labisay Calanka Xisbiga Waddani ee ka Dhacday Magaalada Gabiley. Afhayeen Madaxtooyada Somaliland oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay qasriga madaxtooyada waxaa uu xisbiga Waddani ku sifeeyay mid kasoo horjeeda horumarka iyo nabadgalyada dalka ka jirta isagoo sheegay in Xisbigaasi uu dalka ka wado inuu iska horkeeno xukuumada iyo shacabka. https://youtu.be/zWBzV9p_CFc COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|