|
|||||
WAJAALE NEWS
DAAWO: Salaadiinta, Waxgaradka Beesha Koonfurta Hargaysa Oo Xaal Ka Bixiyay Hadalkii Suldaan Maxamed Cabdiqaadir Ee Ku Aadana Khilaafka Xisbiga UCID.
December 27, 2015 - Written by Editor:Hargeysa(Wajaalenews)-Odayaal iyo waxgarad ka mid ahaa guddida xallinta u raadinaysay khilaafka Jamaal Cali Xuseen iyo Faysal Cali Waraabe, kana soo jeeda degaannada koonfurta Hargeysa iyo Sallaxley, ayaa sheegay inay xaal ka bixinayaan hadalkii Suldaan Maxamed Cabdiqaadir Shalay ku sheegay inay faraha kala baxeen xallinta khilaafka labadaasi Masuul, sidoo kalena uu Jamaal ugu baaqay inuu iskaga tago xisbiga Ucid oo uu shakhsi yeeshay. Odayaasha iyo waxgaradkan saxaafadda la hadlay oo uu guddoomiye u ahaa Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa sheegay in arrintaasi Suldaanka ku koobnayd islamarkaana aanay la ogayn. Waxay sheegeen inay Jamaal iyo Faysal ka raali galinayaan hadalkaasi oo ay meel kadhac ku tilmaameen. https://youtu.be/LQpQX_0pCuE
Related posts:Madaxweynaha Jsl Oo Madaxtooyada Ku Qaabiley Wefti Uu Hogaaminayo Xildhibaan MP. Gavin Williamsom. Guddida Qandaraasyada Qaranka Oo Shaaciyay Tartanka Qandaraaska Timirta Iyo Tirada Shirkadaha ka Qay... Gudoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Oo Sheegay In Aanu Jirin Wax Xilka Qaadis Oo Xafiiskiisa ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|