|
|||||
WAJAALE NEWS
DAAWO; Hoggaanka Xisbiga Waddani Oo Soo Dhawaynta Balaadhan ku Qaabilay Siyaasiyiin iyo Taageerayaal Degmada Axmed Dhagax kasoo jeeda .
December 26, 2015 - Written by Editor:Hargeysa(Wajaalenews) Hogaanka xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaan u kala hadhin munaasibad balaadhan oo lagu soo dhaweynayay siyaasiyiin ka soo jeeda degmada Axmed Dhagax ee Hargeysa. Siyaasiyiinta lagu qaabilay munaasibad ka dhacday hotelka Ambasador ayaa kala ah siyaasiga ruug caddaaga ah Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde iyo wasiirkii hore ee caafimaadka xukumaddii Riyaale Cabdi Haybe iyo taageerayaal kale. Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro, kuxigeenkiisa Axmed Muumin Seed, musharaxiin kale oo hoggaanka Waddani u taagan, xildhibaannada iyo haldoorka xisbiga Waddani, tageerayaasha Waddani iyo taageerayaasha xisbiga ku soo biiray ayaa munaasibadda ka soo qayb galay. https://youtu.be/Myf7P3E4aIA
Related posts:Xildhibaan Siciid Sokeeye Oo Ka Hadlay Xaalada Ay Somaliland Marayso Iyo Halista Ay Leedahay Fidnadu... Dagaal Laba Beelood Ku Dhexmaray Deegaanka Booc Ee Gobolka Sool Iyo Khasaaraha Dhimasho Iyo Dhaawac Maayarka Caasimada Hargaysa Oo Ciidanka Dabdamiska Ku Bogaadiyay Sidii ay Uga Qaybqaateen Gurmadkii ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|