|
|||||
WAJAALE NEWS
Baroor-diiq Loo Sameeyey Allaha Unaxariistee Wariye Axmed Xasan Cawke Oo Sidaad Ogtihiin ku Geeriyood 17/11/15 Magaalada Jigjiga.
December 4, 2015 - Written by Editor:“Cajiib ah” markaan leeyahay, weli ma arag nin aan siyaasi aheyn, kaabo qabiil ladaba ordayo aheyn, maal qabeen dadka wax tari jirey aheyn ama aan kamidka aheyn culumaa udiinka aqoonta dheeiga uleh shareeda oo arday badan ka aflaxday, oo ummadda Soomaaliyeed sidey udhantahay afka amaan loo saaray Assalaamu Caleykum. Maanta iyo maqaalkeena waxaan ku eegeyna baroor-diiq cajiib ah oo loosameeyey Allaha unaxariistee Wariye Axmed Xasan Cawke oo sidaad ogtihiin ku geeriyood 17/11/15 magaalada Jigjiga. “Cajiib ah” markaan leeyahay, weli ma arag nin aan siyaasi aheyn, kaabo qabiil ladaba ordayo aheyn, maal qabeen dadka wax tari jirey aheyn ama aan kamidka aheyn culumaa udiinka aqoonta dheeiga uleh shareeda oo arday badan ka aflaxday, oo ummadda Soomaaliyeed sidey udhantahay afka amaan loo saaray! Qiso: Nin kamid ah raggii dowrka weyn kulahaa burburka dalka ayaa waxaa wareystay mid kamid ah Tvyada Soomaalida. Dhamaadka barnaamijka ayuu wariyihii kuyiri : Mudane sidaad ogtahay, raggii aad kuwada jirteen dagaaladii sokeeya waa dhinteen sidey ubadanyihiin. Shacabka Soomaaliyeedna aad ayuu ugu kalaqeybsanyahy in ‘Allaha unaxariisto’ ladhihi karo iyo inkale marka magacooda la soo qaado! Hadaba, si aanay taasi oo kale kugudhicin, makafartay inaad kafariisato siyaasada oo aad ujeesatid dhanka kheyrka? Walaalyaal dadku waa marqaatiyaasha Ilaahay ee dunidan! Cidey farta kugodaan waxba kajira, cidey amaanaan waa siday uyirahdeen, waxaana loogu jawaabaya “Wajabat, hadalkiina waa run oo waa sidaad kusheegteen”. Maanta shacabka Soomaaliyeed, way kahadleen Cawke iyo geeridiisa. Bal aan soo yara kooba inyar waxay kayirahdeen. Website BBCda, laanta afka Soomaaliga ayaa waxaa kuqoron hadalkan: Magaalada Jigjiga, waxaa xalay goor dambe ku geeriyooday Axmed Xasan Cawke oo ka mid ahaa wariyeyaasah ugu magaca iyo sumcadda dheer saxafiyiinta Soomaalida, ayaa waxaa galabta si weyn loogu aasay magaaladda Tog-Wajaalle…” Anigu ma’ahi wariye ka shaqeeya majaalka warbaahinta oo Cawke shaqo isuma kaayo keenin! Ma ahi qof ay isku deegaan iyo qoys hoosa wada yihiin! Dadka Soomaaliyeed ayaa igu soo jeediyey inaan raadiyo shakhsiyada Cawke! Groupyada kaladuwan ee WhatsAppka, facebook iyo Youtubube ayaa waxaan arkaya dadkii oo gees ilaa gees uwada ducaynayo! Markii iigu horaysay, iiguna dambaysay ee aan sitoos ah(live) u arko Cawke, waxaan kuwada kulunay Salaad Duhur oo aan iskugarab tukunay mudo iminika laga jooga 26 sano kahor! Waa sawirka kali ah ee maskaxdeyda kujira markasta oo aan arko sawir Cawke ama hadlaya. Sidoo kale, waa camal kheyr ah oo aan Allah hortiisa ugu marqaati furiyo hadiiba la’iweydiyo- inuu salaada tukan jirey! Anigu waan garanayey inuu Cawke yahay shaqadiisa darteed laakinse isagu ima garaneyn, mana aanan laheyn wax sifo ah oo igu garto. Dabcan ilaa iyo iminka dadka kahadlay geerida Cawke, waxay ubadnaayeen saaxibadiis, gaar ahaan dadkii lasoo shaqeeyey, kuwaas oo ku aamanay howlkarnimo, dabeecad wanaagsan iyo dulqaad aan horay loo arag. “Intaan Cawke kala shaqeeyey Radio muqdishu, Tvga Qaran Somalia iyo BBCda, weligey ma arag Cawke iyo qofkale oo lakala jiidaya! Sida lawada ogsoonyahayna shaqada iclaamku, dadku aad ayey isugu dhacaan” Waxaa sidaas yiri mid kamid ah dadkay saxaafada kuwada jireen in kabadan 40 sano. Dadka caadiga laftooda aad ayey ucabireen dareenkooda ku aadan geerida Cawke, gaar ahaan xaga social media ah. Sidey sheegeen shaqaalaha laanta Afka Soomaaliga ee BBCda, waxaa lagu faafiyey warka geerida Cawke Facebook, maadama lasoo gaarsiiyey goor dambe oo idaacadu hawada kabaxday. Saacado gudahood waxaa warkii uu gaaray 700,000 qof, oo kumanaan kamid ahi ay soo qoreen duco iyo amaan gaar ah oo ay ka sheegeen walaalkood Cawke. Wiil Soomaaliyeed oo aad uda’yar oo aan filayo inuusan wariye aheyn , ayaa video soo dhigey social media isagoo tilmaamo Cawke Allaha unaxariiste “ Dadku waa 3 qeybood: Nin qoyskiisa unool, nin qabiilkiisa unool iyo nin Qarankiisa unool! Qofkasta oo 3daas kamid ahi, markuu dhinto, waxa tabaya qoladii uu katagay! Cawke waxaan siinaya number 3aad, sidaas awgeed Qaranka Soomaaliyeed ayuu kadhintey!” Cawke Allaha unaxariiste laftiisa intuu noolaa, wuxuu ahaa mid og qeymaha iyo sharafta uu ku dhexleeyahay shacabka Soomaaliyeed. Wariye Saciid Ali Nuur ayaa soo guuriyey hadal uu Cawke kuyiri hadakahor maray BBCda kawada shaqeyn jireen; ayoo goor dambe kasoo baxay daarta Bush House. “ Saciidow, waxaas oo dad ah ee ina dhaaf dhaafaya, ee meeshaas maraya, waxay un noo arkaan labadaas nin ee madow ee meeshaas iska maraya,oo cidaan nahay war umahayaan! Hadaan wadankeeni joogi laheyn, intaas oo qof ah namawada dhaafeen oo qaar umbaa nagu soo leexan lahaa oo nasalaami lahaa” Cawke Allaha unaxariiste wuxuu xasuustay wadanka siduu ku ahaa. Saaxibkiis Axmed C/nuur oo ay kawada shaqeen radio muqdishu iyo Tvga qaranka ayaa inoo sheegaya xariirka Cawke iyo dadweynaha Soomaaliyeed.“ Marar badan waxaa dhici jirtey inaan shaqada kayara baxno oo aan meelahaas shah uraadsano. Adigoo lasocda Cawke, madhici jirin inaad labo tilaabo qaadaan, waayo intaas oo qof ayaa noo istaagi jirey oo doonaya inay salaamaan ama nasii qaadaan” Sida dad badani ogyihiin, Cawke Allaha unaxariiste wuxuu mar ahaa wariyaha gaar ah ee madaxtooyada Villa Somalia, xiligii madexweynihii hore ee Max’ed Siyad Barre, sanadihii udambeeyey ee xukunkiisa; xiligaas oo ay aheyd goortu jirey kacdoonkii waqooyiga(Somaliland) ee Cawke kasoo jeeda qabiil ahaan. Waxaa lasheega inuusan shaqada lagu aaminey iyo mowqifka siyaasada beeshiisa marna isku qaldin. Qiso:Cawke oo kasoo baxaya madaxtooyada ayaa waxa horay usoo qaaday nin wasiir ahaa, kaas oo sii dhigey Radio muqdishu. Goortaas, Cawke Allaha unaxariiste, wuxuu gacanta kusitey wareegti cusub oo wasiirada qaarkood xilka looga qaadayo. Islamarkii ay ninka kalatageen, waa kana Cawke oo idaacada ka akhrinaya isbadalka lagu sameeyey golaha wasiirada. Dadka xilka laga qaaday waxaa kamid ahaa wasiirkii Cawke kasoo qaaday madaxtooyada. Cawke isma oron, ninkaan ixsaanka kuu sameeyey, ku abaalmari ‘inaad usheegtid sirta dowlada! Waxyaabaha kale ee aan isleeyahay dadku way ku jeclaayeen Cawke, waxaa kamid ah ‘Codka wanaagsan’ ee Allah hibada usiiyey. “Waa codka kali ah ee aan isbadalin ee aan dhageysanayey mudo 40 sano” Mid kamid ah dadka. Sidoo kale,Waxay dadku kaheleen qaabka uu hadalka uyirahdo oo kaduwan sida caadiga ee loo yaqaan, isagoo uyeelaya dhadhan kaduwan “Bariga Dhexe oo xaalkiisa Bariga Dhexe yahay” Xitaa maalintan lakulmay, waxaan salaada kadib tagnay meel lagu hayo labo libaax oo aad u ildaran. Dadkii meesha kusoo yaxoobmay, qof weliba dhankiisa ayuu ucabirey sida uu ugu xunyahay xaalada meesha laguhayo iyo dactarada kamuuqato libaaxyadaas oo midkood kiciwaayey. “Dee nin neef geel ah kaligii cunijirey, ayey 5kilo oo hilib ah siiyeen!! Miyuusan dhimaneyn?” Dadkii qosol lalal daaday sida gaaban ee runta usoo koobay. Cawke iyo midnimada Somalia! Waxaan isleeyahay waa arinta ugu weyn ee Cawke ku kasbaday quluubta dadka, yar iyo weyn, sheekh iyo shariif meelkasta oo ay joogaan. Maanta oo ummadda kala qeybsantahay, Cawke marna lama arag isagoo kahadlaya waxay qolo gooni ah dhibsato. Qisa: waxaa hadal taariikh leh kasoo guurinaya saaxibkiis Cumar Shiiq oo ay mudo dheer isla shaqeenayeen, kaas oo daliil u ah siduu isaga ilaalin jirey wixii wax udhimaya xariirkiisa Soomaalida oo dhan. “Maalin maalmaha kamid ah ayaa waxaa ii timid gabar ayadu qaban qaabineysa xaflad lagu taageerayo maamulada(lands) faraha badan ee dalka laga sameeyey mid kamid ah. Gabadhu waxay iga codsatay inaan usoo weydiyo Cawke inuu xaflada xariiriyo kanoqdo. Waxaan utagay Cawke xaafada anigoo kacodsaday inuu yeelo codsigaas; weliba waxaan kaftan ahaan usheegey inay meesha waxooga beesana jirto! Haseyeeshe, Cawke waa igadiidey isagoo leh ‘Walaalow aniga Soomaali uma kala eexanayo’” Bari samaadkii markey kooxda kubadda Qaranka Soomaaliyeed la ciyaareyso wadankale, Cawke wuxuu kamid ahaa wariyaasha aadka loo jeclaa inuu sitoos ah usoo gudbiyo ciyaarta, qaabkuu dadka uxamaasad gelinjirey awgeed! “Weli kubada anagaa sidana… anaga sidana… goal..goal” hadaladiisii qeyb kamid ah ayey ahaayeen, kolkaas oo wadanka gees ilaa gees lala jiibin jirey!
‘Wadaninimada’ Cawke Allah naxariistii janno hasiiye, waxaa kamid ahaa halgankiisii codka ee dagaalkii 77, kolkaas oo ay ciidamada Soomaaliyeed kula jireen dagaalka taariikhda galay gumeystaha Ethiopia. Guula badan oo aan kufaano, raggii dhaliyey waxaa kamid ah iclaamka iyo codka Cawke Allaha unaxariiste. Wuxuu lahaa tacbiir ugaar ah oo aad uxeel dheer markuu tilmaamayo gumeystaha Soomaalida kala gaabiyey, gaar ahaan xiligii taliska colonel Mengistu. Taliska ulaha booca leh ku tukubo ee… Taliska Faqashta ah ee…. Taliska umala dooxa ee.. Taliska naf lacaariga ee….. ayaa lasheegaya inuu kugumaaday shacabka Soomaaliyeed oo ubadan caruur iyo dumar reer miyi ah. Runtii, anigana Adam ahaan waxaan kamid ah shacabka xiligaas la gumaadayey ee wariye Axmed Xasan Cawke aduunka gaarsiinayey! Hadaladiisa noocaan oo kale ee uu ku tilmaami jirey gumeysiga Ethiopia, waxay ahaayeen kuwa sigaar ah ii taaban jirey! Cawke iyo Xaga Cibaada Rabbi Maadama uu Wariye ahaa, dad badan oo wax katilmaamay noolasha Cawke, waxay ahaayeen fanaaniin iyo weliyayaal ayagoo soo qaatey barnaamijyadii idaacadaha iyo Tvyada ee ubadnaa madadaala, maaweelada iyo wararka, taas oo loo arki karo inuu Cawke kafogaa majaalka cibaada. Sidey sheegeen dadkii udhawaa 20 kii sano ee udambaysay, Cawke wuxuu ku dadaali jirey cibaadada guud ahaan, gaar ahaan salaada. “Salaada wuxuu siin jirey ahmiyad gaar ah. Idaacada BBCda oo 2 daqiiqo kadhimantahay ayuu dhihi jirey waqtigii ayaa nahaya”. Saaxibkiis Maxamud Dalmar ayaa waxyar kataabtay diin-jeceylka Cawke, taas oo aysan dad badani war uheyn. “ Cawke Allah unaxariiste, wuxuu lahaa dareen diini ah oo aanay dad badani war uheyn. Si gaar ah,wuxuu aad udaneyn jirey siirada iyo taariikhda. Intii aan ujeestey takhasuska diinta, wuxuu ahaa mid had iyo jeer iga wareystaa arintaas. Wuxuu oron jirey, Maxamudow meeshaas maxay aheyd? Hadalkaas aad sheegeysid qor si looga faa’ideysto. Waxbadan ayaan wada tukanay oo aan imam unoqday ama kudaba tukaday” Waxaa sidoo kale, lasheegaa inuu necbaa xanta iyo qof wax laga sheego “Meesha uu fadhiyo hadii xanta lagu badiyo, wuxuu ahaa mid isaga kaca” Allahayow unaxariiso. Cawke Allaha unaxariiste,Muxuu nooga tagay? Waa su’aal jawaabteeda lagu kala duwanaankaro. Waa aniga iyo sidaan u arkee, wuxuu nooga tagay labo arimood; waa marka hore, wuxuu nabaray in Soomaalinimadu la ilaalinkaro walow ay umuuqato waxaan suurta gal aheyn! Waa marka labaade, Cawke wuxuu noogatagay ‘Canaawiinta Wararka Aduunka’ isagoo halmeel ah kusoo aruuriyey. Waxaadba mooda inuu kuleeyahay “Gadaashay maxaad cinwaan kadhigi doontaan wariyaalow” Wararka aduunka iyo waayaha jooga waxaan marnaba laga waayin oo markasta soo noqnoqdo: 1.Dagaalo, dad le’day iyo dhiig daatay 2. Dhul gariir lagu hoobtay
Kabash-Kabash iyo qaarkaloo badan. Gabogabo: Anigoo warka badiyey oo waxbadan katagay, waxaan codsanaya inaad salaada iyo sujooda ugu ducaysaan walaalkeen Cawke, isaga maanta taas ayaa anfacaysa,oo waxaa nala amray inaan kasheekeyno wanaaga qofka dhintey. Waad mahadsantihiin meelkasta oo aad joogtaan. walaalkiin Adam Abdi Abuzuhri, Doha, Qatar. abuzuhri1@gmail.com
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|