|
|||||
WAJAALE NEWS
Xusuustii Mujaahid Maxamed C/laahi Guri-barwaaqo Iyo Waayihiisii Dhismaha Ciidamada Qaranka JSL + Samaynta Astaamaha iyo Darajooyinka Ciidanka 1950—2008.
November 25, 2015 - Written by Editor:Sida la wada ogsoon yahay ma jiro Aduunka Qaran aan la hayn Ciidamo difaaca soodimaha (Dhul , Cir iyo Bad) isla markaana suga nabad gayladiisa (Gudaha iyo Dibada) iyaga oo u adeegaya xaquuqda aas aasiga ah ee muwaadiniinta ku dhaqan sida Xaqa Nolosha , Xaqa Xoriyada , Xaqa Nabad galyada Xaqa Sinaanta Dhismaha iyo Astaamaha Ciidamadu waxay laf dhabar iyo Tilmaam u yihiin Arimahan:- Haybada Qaranka. Aqoonsiga Ciidamada Hab socodka shaqada Sugida iyo Nabad galyada difaaca qaranka . Iyada aynu ogsoonahay haddii aanay intaasi jirin in ay in dhaxalsiinayso burbur qaran , Eex , kala dambayn la,aan , Awood qof kaliya gacanta ugu jirta , Maamul xumo , Cadaalad Daro , Rajo Xumo iyo waxyaabo badan oo kale oo halis ku ah jirtaanka Qaranimaddeena. Iyada oo Nolosha dadka Soomaliland kadib burburkii dawlad Siyaad Barre gooni istaageenu uu ku xidhnaa haddaba sida loo dajiyo haybada iyo jirtaanka Ciidamada Qalabka sidda ee JSL oo ahayd in loo helo Qaab dhismeedyada Ciidanka , iyo dhismo hoosadyada Ciidamada kuwaas oo ah seeska dhismahooda mustaqbalka dalkuna ku xidhan yahay taas u baahnayd in loo helo Maamul (Management) qorshaysan (Planning) iyo Hogaamin (leadership) iyada oo la hiigsanayo ujeedooyin ka midha dhalin kara jirtaanka Qaranimadeena. Kadib halgan dheer oo sameeyay nolosha dad badan oo reer S/land waxay ummada reer Somaliland la soo noqdeen xoriyadoodii iyo qaranimadoodu waxa kaliya ee rajo u ahaana waxay ahayd in ay mar uu lugahooda ku istaagaan. Taa oo ummada reer Somaliland ay gacmaha isku qabsadeen Culimo , Siyaasi , Oday iyo Caruurba sidii ay u noqon lahaayeen Qaran jira. Dhisidii iyo wada tashigii beelaha wada daga Somaliland waxay horseeday in ay noqdaan dalka jira waxaana abuurmay Astaamihii Qaran lahaa oo ay ugu muhiimsanayeen Ciidamadu kuwaas oo dhibada loogu taagay si aan qoto dheernayn duruufaha jira awgood, ayaa waxa Marxuum Max’ed C/laahi Guri Barwaqo (fani) isku hawlay sidii uu ugu qayb qaadan lahaa qabtiisa isaga oo ahaa sida ku muuqata qof muwadin ah oo aan jeclayn in uu la dhinto aqoontiisa iyo garaadkiisa ee uu dadkiisa ku dhiso waxaanu tacab badan galiyay sidii loo heli lahaa Astaamaha Ciidamada Qalabka sidda , Astamaha guud ee Ciidamada , Astaamaha Ciidanka Qaranka iyo Astaamaha Ciidanka Lugta loona heli lahaa Astaan u gaara Ciidamada JSL oo ay ummadaha kaga duwan yihiin , taasi kumuu koobnaan ee waxa uu dusha saartay in uu sameeyo darjooyinka Ciidanka oo ka midho uu dhaliyo in uu mar uun la arko Ciidan leh kala dambayn xushmad iyo kala sarayn taas oo maanta midhihii uu ka tagay keentay in Ciidankeena lagu Abaal-mariyo kana S saartay is dhex yaacii iyo awoodihii meelaha kala gaarka ah kasoo baxaayey ,taas oo soona celisay haybadii iyo haykalkii dawladnimo oo aad arki kartaan maanta Ciidankeenu in uu yahay Ciidan leh Astaamo iyo darajooyin , dhaxalkiisiina maanta ummadeena aayo iyo Anfac uu u noqday. Caqliga iyo aqoonta Marxuum Max’ed C/laahi guri barwaqo waxay maanta meesha ka saartay tirar Aasaasi ah oo Ciidanka JSL u baahnaa la,aantoodna burbur afka u saarayay , Ummadda reer Somaliland u horseedayay mustaqbal madaw oo tusaale ay inagaga filnaan karto Ciidan aan lahayn kala sarayn iyo kala dambayn maxaa ka dhalan kara?. Haddaba buugan uu qore Marxuum Max’ed C/laahi guri barwaqo ee la yidhaa YAGLEEL waxa uu jawabayaa baahiyo fara badan ee ummadda reer soomaliland la soo darsay kuwii ugu muhiimsanaa ee ahaa Aas aaska jirtaanka ummaddan oo aynu odhan karno waa halbawlihii nolosha marka aad maqasho Ciidan Qaran dhismihii oo ah ummadd noloshood. Xuskii Sanad guuradii 19aad ee aas aaska ciidanka Qaranka JSL oo ahayd maalintii Qaranka S/land uu intifaacsaday aayihii iyo dhaxalkii uu ka tagay Mujaahid Max’ed C/laahi Guri Barawaaqo oo ahaa Agaasimihii hore ee Wasaarada gaanshandhiga S/land 1994 ilaa 2008 taas oo sida aan hore u soo xusnay uu mujaahidkani ahaa aas-aasihii Astamaha Ciidmada Qaranka S/land iyo sidoo kale aqoon-yahankii dajiyay ee sameeyay habka iyo hanaanka guud ahaan Ciidmada S/land loogu qaybinayo darajooyinka Ciidanka. Haddaba xuskaasi loo sameeyay Ciidanka Qaranka JSL sanad guuradiisii 19aad oo loogu qaybiyay darajadii 12kii sarkaal ee ee ugu horeeyay Ciidanka ayaa waxa madasha ka cadeeyay oo ka marag kacay in uu aayahan qaranka uga tagay Mujaahid Max’ed C/laahi Guri Barwaaaqo Wasiirka Wasaarada Gaanshandhiga JSL mudane Axmed Xaji Cali Cadami madashan uu wasiirku kaga marag furay oo ahayd mid heer Qaran loosoo agaasimay ahayd oo uu fadhiyay Madaxweynaha JSL ayaa waxa hadaladii Wasiirka ka mid ahaa’’ nin muwaadin ah oo reer somaliland u dhashay oo ahaa agaasimihii hore ee wasaarada gaashandhiga ayaa sameeyay darajada Ciidamada JSL oo la odhan jiray Max’ed C/laahi Guri barwaqo oo la odhan jiray (fani) alle ha u naxariistii , sidaan qofka loo ilaawin oo loo xuso xitaa hadii ay geeri timaado wixii wanaagsanaa ee uu sameeyay oo ay tahay wax recordka ugu jira ummaduna u ogtahay * xitaa hadii qofku geeriyooday wixii isaga ka soo jeedana lagu Abaal mariyo. Haddaba hadaladaasi wasiirka ee xuskii Ciidanka lagu bixiyay darajooyinka Ciidanka kadib waxaan garawsaday in marxuumkaasi uu ka tagay dhaxal ma-guuraan ah oo aan la qarin karin isla markaana Qaranku iyo ummadu u aayeen midhihiisii oo aanay suuro gasheen in darajo loo qaybiyo Ciidanka iyo ogaal la,aanta dadkiisa ayaa waxay igu kaliftay in aan waayaha marxuumka dul istaago una qaato qalinkayga si aan ummadda u xasuusiyo qiimaha iyo darajada uu inaga tagan yahay oo ahayd mid lagu maamuuso isaga iyo qof kasta oo muwadin ah oo ummadiisa dhaxal uga taga , sidaas awgeed waxaan qormooyinka dambe idin soo gudbin doonaa waayihiisii kala duwanaa ee Agaasinimo iyo durufihii nololeed ee buugiisa iyo waxay noqotay abaal-marintiisii iyo arimo kale oo fara badan oo dareeno kala duwan xambarsan.
Lasoco qaybta danbe Miyir Cali Xuseen Moble: 0634046313 Hargeysa Somaliland COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|