Xogo kashifay Qorshe Madaxtooyadu Waday Oo Maalmihii U danbeeyay kulamo Qorsoodiya Ay Kula Yeelatay Xubno kamida Garabka Isbahaysiga Iyo Wasiiradii Is Casilay + Nimco Xuseen Qawdhan Oo Ku Gacan Saydhay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xogo kashifay Qorshe Madaxtooyadu Waday Oo Maalmihii U danbeeyay kulamo Qorsoodiya Ay Kula Yeelatay Xubno kamida Garabka Isbahaysiga Iyo Wasiiradii Is Casilay + Nimco Xuseen Qawdhan Oo Ku Gacan Saydhay.
November 8, 2015 - Written by Editor:

MAXAA KA JIRA IN DHAMAAN XUBNAHAN LOO SOO BANDHIGAY DHAQAALE BUURAN.?

HARGAYSA(Wajaalenews) Kulamo qarsoodiya ayaa waxay madaxtooyada somaliland maalmihii ugu danbeeyay uga socdeen xubno kamida wasiiradii iscasilay qaar kamida oo taageersan garabka isbahaysiga murashixiinta, xildhibaano iyo shaqsiyaad kale oo lagu tuhunsan yahay in ay la socdaan garabka isbahaysiga Murashixiinta.

kulmiyaa yaabay

Sida Warar xogogaala oo ay Laga helayo Qasriga madaxtooyadu  tibaaxeen waxaa kulamo ay madaxtooyadu iskugu dayayso sidii loo kasban lahaa wasiiradii iyagu hadhka cad iskaga dareeray xukuumada siilaayo , hadaba kulamadan ku wehelinasay uu madaxweynaha la lahaa ayaa sida ay xoguhu tibaaxeen waxaa ku wehelisay marwadiisa Aamina waris  iyo xubno kale oo iyagu  mudooyinkii u danbeeyay gacan haadin kharashaysan u ruxayay xubnahan xukuuada iska casilay iyo hogaankaba.

Marwada madaxweynaha Somaliland Amina Waris, ayaa ilaa 3 dii  cisho ee ina dhaafayba kulamo xaasaasi ah oo qarsoodi ah la yeelanaysay xubnahan iska casilay xukumadda Siilaanyo, kulamadani oo ay ku laab xaadhanaysay isla markaasina ay doonaysay in ay ku kala jabiso ama kala shakisiiso kooxdii dhawaan iska casishay xukumadda Siilaanyo, iyo sidoo kale xubno kale oo mihiim ah oo taagersan garabkan is bahaysiga.

AAMINA IYO NIMCO XUSEEN 2

Masuuliyiintan dhawaan ka dareeray xukuumada ee ay marwadu Ilaa hada la kulantay ayna  ayaa kala ah, Gudoomiye kuxigeenka 2aad Maxamed Yuusuf(waabeeye) Gudoomiye ku xigeenka 3aad Cabdiraxmaan talyanle, wasiirkii hore ee shaqada cabdi aw daahir, wasiirkii hore ee warshadaha Abiib Diiriye Nuur, Xildhibaan Cabdilaahi (balaaki,) gudoomiye kuxigeenka kawaad ee golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax iyo xubno kale oo aaanan wali aananu helin magacaantooda waxaa se xusid mudan in ay shaqsiga kaliyaata ee mawqifkiisa cad dhiibtay ahaa wasiir ku xigeenkii hore ee dib u dajinta Nimco Qawdhan oo ay marwadu ku hungawday. la kulankeeda kadib markii ay ku gacan saydhay.

dhanka kale wararka soo baxay madaxtooyada ayaa sheegaya in xubnahan qaarkamida Aduun Lacageed siiyeen walaw aan si rasmiya loo shaacin.

In kasta oo ay jiraan shaqsiyaad kale oo qorshaysan in la tashkiiliyo ayaa hadana waxa meesha gabi ahaanba ka maqan oo aan qorshaha ugu jirin marwada musharax C/casiis Maxamed Samaale iyo Xirsi X. Cali Xasan oo ay marwadu u aragto mishiinka hagaya garabkan isbahaysiga sidaas darteedna mudan in lagu cidleeyo oo ay madaxtooyadu door bidaso inay kasoo goosato xubnahan ay isu mawqifka yihiin.

Amina Waris oo xubnahani si gaar gaar ah ula kulantay waxa ay markiiba miiska soo saartay dhaawaca ay u gaysteen xukumadda Siilaanyo, waxana ay ku calaa cashay in nabarkii ay ku wadeen Muuse Biixi uu ku dhacay Axmed Siilaanyo, waxna ay ka codsatay in shirweynaha la isugu yimaado oo aan la kala jabin lana ilaaliyo midnimada xisbiga.

Dhanka kalena waxa isku jawaab qudhaata siiyay xubnahaasi ay la kulantay oo u sheegay in shirweynahu uu afduubanyahay dad gaar ah oo aan xukumaduna ay dhex ka ahayn, waxna ay u sheegeen in ay maqifkii hore ay ka taagnaayeen shirkaasi ay wali aaminsanyihiin, oo ayna waxba ka badalynin, waxna ay kulamadaasi dhamaantood kala laabatay waxba laan iyo murugo

Sida wararka aanu ka helayno dad ku dhow dhow xubnaha ay la kulantay ayaa sheegaaya in Amino Waris ka istaagtay xubnahaasi ay la kulantay quus iyo afkala qaad, waxna ay ku fashilantay in ay kasbato qaar ka mid ah xubnihii ka dareeray xukumadda.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS