Xogo fashiliyay lacagta Adag Ee Qoyska Madaxtooyadu Ka Tahriibiyo Hargeysa Oo Raadkeedi Galay Ganacsade Ina Awsiciid. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xogo fashiliyay lacagta Adag Ee Qoyska Madaxtooyadu Ka Tahriibiyo Hargeysa Oo Raadkeedi Galay Ganacsade Ina Awsiciid.
November 24, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa( W.N)-Ganacsadaha Caanka ah ee Maxamad Aw Siciid Geedi ayaa baryahan dambe noqday wadada la mariyo lacagaha adag ( hard currency) ee ay qoyska madaxweyne Siilaanyo marka muddo la joogaba ay dalka dibadda uga saaraan.          Lacagahan oo marka la maydhayo( money laundering ) awal ku dambeyn jiray xisaabo ka furan baanan ku yaala khaliijka iyo Yurub ayaa hadda waxa la dhigaa Djibouti.

Siday ilo xogogaal ahi Haatuf  u sheegeen,Ganacsade Awsiciid ayaa hawshan dibad-u-saarista lacagta qoyska madaxtooyada la wareegay ka dib markii uu fashilmay hawlgal hore oo la isku dayey in la mariyo mid ka mid ah baananka gaarka loo leeyahay ee ka furan Hargeysa.Waxa kale oo xusid mudan in xiligii muranku ka taagnaa muddo kordhinta madaxweyne Siilaanyo badhtamihii sanadkan ay qoyska madaxtooyada oo ka walaacsan in dawladaha reer galbeedka ama Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay xayiraad ku soo rogaan akownada ay dibadaha ku leeyihiin ay dabadeed qaarkood u soo wareejiyeen Djibouti isla markaana wakiil ka dhigteen Maxamad Aw Siciid oo isagu hawlahaasi u fududeeya.

 

XIGASHO;WARGAYSKA HAATUF

COMMENTS
LINKS