|
|||||
WAJAALE NEWS
Xoggo-Muhiim Ah: Mustafe Qodax, Siyaasi Fahmi La’ Godka Siyaasadda iyo Hoos u Dhac Ku Yimi Meeqaamkiisii Siyaasadeed+ Gacan-yarenimo uu Dib uga Soo Billaabay+SAWIRO
November 15, 2015 - Written by Editor:Xoghayahii arrimaha gudaha ee dhawaan iska casilay xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Mustafe Qodax, ayaa hoos u dhac aad u weyni ku yimi qiimahii iyo meeqaamkiisii siyaasadeed ee uu hore ugaga jiray saaxadda siyaasadda Somaliland, waxaana mar qudha lagu dhex arkay shirkii xisbiga Kulmiye isaga oo ka mid ahaa gacan yareyaashii xisbigaasi u tirinaayey xubnaha golaha dhaxe ee si gacan taagga ugu kala codeynaayey murashaxiintii xisbiga Kulmiye, isaga oo xubnahii guddidii shir-guddoonka u soo gudbinaayey tirada u codeysay murashax kasta, iyo siyaabaha ay u kala codeeyeenba. Md.Mustafe Qodax, ayaa ka hor xisbiga WADDANI, waxaa uu ahaa agaasimahii wasaaradda dhallinyarta iyo ciyaaraha Somaliland, waxaana markii dambe uu ku soo biiray xisbiga WADDANI, isaga oo ka qabtay xilka xoghayaha arrimaha gudaha oo u dhigmaha wasiirka arrimaha gudaha, balse waxa mar qudha ay isaga iyo xubno kaleba ku dhawaaqeen in ay iska casileen xibigaasi. Illaa hadda lama ogga wakhtiga rasmiga ah ee uu dib ugu biiray xisbiga KULMIYE, balse waxa wararku sheegayaan in ka dib markii uu ku hungoobay isla mar ahaantaana uu waayey in uu helo jago agaasimenimo oo uu ka qabto xukuumadda Siilaanyo in uu Muuse Biixi ka codsaday in uu ku daro golaha dhaxe ee xisbiga KULMIYE, waxaana ilo wareedyo lagu kalsoon yahay tilmaamayaan in Muuse Biixi uu ka diiday in lagu daro golaha dhaxe ee xisbiga KULMIYE sida oo kalena uu aakhirkii ku qancay in uu ka mid noqdo gacanyareyaasha tirinaaya qaabka ay u kala codeeyeen xubnaha golaha dhaxe ee xisbiga KULMIYE. Ugu dambeyntii Mustafe Qodax, ayaa intii uu ku jiray xisbiga WADDANI, waxaa uu ka mid ahaa mas’uuliyiinta ugu sarsareysa xisbigaasi, sida oo kalena wax badan laga weydiiyo talada xisbigaasi, balse waxa mar qudha saaxadda siyaasadda lagu arkay Mustafe Qodax oo siyaasaddiisii dib uga soo billaabay gacanyarenimo uu ku adeegan doonno inna Biixi-ga loo doortay xisbiga KULMIYE. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|