Xirsi Cali X, Xasan Waxay Bulsho s/land Uga Markhaati Tahay Waxqabadka Muuqda Iyo Horumarka uu Ku Talaabsaday Mudadii Uu Wasiirka Madaxtooyada Ahaa Q2aad, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xirsi Cali X, Xasan Waxay Bulsho s/land Uga Markhaati Tahay Waxqabadka Muuqda Iyo Horumarka uu Ku Talaabsaday Mudadii Uu Wasiirka Madaxtooyada Ahaa Q2aad,
November 1, 2015 - Written by Editor:

Waa Qormo Maamuus iyo Xusid ugu Filan  Masuul Dadaalay oo Waajibaadkii iyo Xilkii loo Igmaday u Gutay si  Daacadnimo iyo Karti ka Muuqato  Muwaadiniinta Waa Waajib Saaan in ay soo   Bandhigaan Masuuliyiinta Dalka si ay Dhiiri galin ugu noqoto ama Dardar galin ugu noqoto Hadaba  Waxqabadka Muuqda ee Xirsi Cali X Xasan uu ku Kordhiyay Wadooyinka Dalka oo ah Halbawlaha Koowaad ee Kaabayaasha Dhaqaalaha Dalka Masuulkan oo Muujay Hami Fog Daacadnimo iyo Karti uu ku Mutaystay in aan Qoraalo aan ku Dhiiri Galinayo uguna Mahadnaqayo Warbaahinta Madaxa Banaan  u Mariyo Masuulka  Xirsi Cali X Xasan.

Ugu Horaynse Waxaan ka Shaafinayaa  Aragtiyo kala Duwan oo Ahristayaashu ka Bixiyeen Qormadii hore iyagoo   Baraha lagu Kulmo ee Aalada Interntka ku soo Qoray isna waydiiyay Waa kuma Eng Axmad Daahir Qawdhan? Muxuu ka Shaqeeyaa? Ma Siyaasibaa? Ma Qoraabaa? Waqtigiisa inta Halkuu ku Qaataa?   Xidhiidh Shaqsiya iyo mid Shaqo Miyuu Dhex Maray  Xirsi Cali X Xasan?

Jawaabta Saxda ahina waa Sidan Magacaygu waa Eng Axmed Daahir Qawdhan Siyaasada Warkeeda Kuma Mashquulo Bahda Qalin maalka ka mid ahi Waxaan ku Shaqaystaa Aqontayda iyo Xirfadayda Eng Gaar ahaan Qaybta Dhismaha Masuulka uu Qoraalkagani ka Hadlayo ma Aqaano isna ima Yaqaano Xidhiidh Shaqo iyo Shaqsiya oo na dhex maray midna ma jiro Xoolahayaguna Meel ma wada Daaqo Wadanka S/land ayaa naga Dhexeeya Waxaase igu Kalifay in aan Masuulkan uga Mahadnaqo Xilka iyo Hawsha Baaxada leh ee aan Aqoonta u leeyahay Qiimaha ay ku Kacayso iyo Faa”iidada ugu Jirta Bulsho Waynta S/land Bari ilaa Galbeed .

Horomarkii iyo Waxqabadkii Gobolada Galbeedka S/land ee Masuul Xirsi Cali X Xasan

Horomarka iyo Waxqabadka uu u Hagar baxay Xirsi Cali X Xasan waa mid la Kawsaday Xilkii u Horeeyay ee Madaxwayne Siiraanyo u Magacaabay ugu Horayna Waxuu Xooga Saaray Dhamaystirka Jidka isku Xidha Kalabaydh iyo Boorama oo Ganacsatada Aqoonyahanka Odayada Madax dhqmeedka Gobolka Awdal u Guntadeen sidii ay u Dhisan Lahaayeen  iskaa Wax u Qabso Jidkaa  Muwaadiniinta S/land iyo Gaadiidlaydaba  Dhib wayn ku hayay Nasiib Wanaagse Gudida Dhismaha  Jidkaa loo Saaray waxay ka Marag Kacayaan Kaalintii Muga lahayd ee Xirsi Cali X Xasan ku lahaa Dhamaystirka Jidka isku Xidha Kalabaydh iyo Boorama Sidoo kale waxaa Hubaala in Xirsi Cali X Xasan in aanu Gudida kaa Hadhin Guubaabada Qaadhaan Ururinta Ganacsatada iyo Shirkadaha Waawayn ee ka Hawlgala S/land Masuulkan ayay Taariikhdu ku Xusaysaa in uu Garab iyo Gaashaan Bira u noqday Gudidda Gacanta ku haysay Dhismaha Jidka Kalabaydh iyo Boorama  Sidoo kale Xirsi Cali X Xasan waxuu ku Guulaystay in uu Hayadaha Caalamiga ah iyo Deeq Bixiyayaasha ku Dhiiradaan kuna Qanciyo Dib u Dhiska iyo Dayactirka Jidka Burburay ee Kalabaydh iyo Dila oo Shaqadeedii Socoto

Sidoo kale Waxaa sida Dayax Muuqda Kaalinta Xirsi Cali X Xasan ku lahaa Bilawga iyo Dhamaystirka Jidka isku Xidha Kalabaydh iyo Wajaale waxaana Xusid mudan Masuuliyada uu Tunka u ritay Xirsi Cali X Xasan isagoo Iskaashi Buuxa kala yeeshay Ganacsatada Shirkadaha Waawayn ee ka Hawlgala S/land  iyo Maamulka Dawlada Hoose Gabiley iyo Wajaale Dhamystirka Jidkan ayaa Muwaadinka Kasta Waajib kaga Dhigaya in ay Xusaan Daacadnimadii iyo  Kartidii uu  Muujay Xirsi Cali X Xasan oo La”aantii ay Adkaan lahayd in lagu Guulaysto Dhamaystirka Jidaka Gobolada Galbeedka S/land

Faa’iidooyinka Dhamaystirka Jidadka Gobolada Galbeedka S/land iyo Koboca Dhaqaale ee ay soo Kordhiyeen Bulshada S/land

Dhamaystirka Jidadka Gobolada Galbeedka S/land ayaa lagu Tilmaami karaa  Waa Cusub oo u Baryay Dadwaynaha Boorama iyo Wajaale waxaana Labada Magaalo laga Dareemay   Koboc Dhaqaale Isu Socodka Gaadiidka oo Xoogaystay iyadoo Dadwaynaha Wajaale  markii Koowaad Arkeen Masuul u heelan Horomarinta Adeegyada Danta Guud ee Magaalo Ganacsiga Wajaale

Isku soo wada Duubuu Waa Waajib Saaran Muwaadin Kasta in uu Xuso Masuulka Xilkiisa u Guta si Daacadnimo iyo Karti ka Muuqato  Isla Markaana Fuliya Balan Qaad Kasta oo ku Saabsan Adeeyada Danta Guud ee Baahida Wayn loo Qabo.

La Soco Qormada 3 aad

QALINKII; ENG AXMED DAAHIR QAWDHAN.

 

COMMENTS
LINKS