XIKMADO; Necawda Jaceylka Nacabka jiroo Naceybka ka Dhowr Qaybta:1 | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
XIKMADO; Necawda Jaceylka Nacabka jiroo Naceybka ka Dhowr Qaybta:1
November 27, 2015 - Written by Editor:

Bini’aadanka saddex baa mustaqbalkiisa ugu shiddo badan:- a) Saacadda uu moowdka lakulmayo. b) Saacadda uu qabriga kasoo baxayo. c) iyo saacadda Allaah uu hor istaagayo.  Adduunku waa saddex maalmood: –  a) Maalin tagtay oo aan kugu soo laabanayn. b) Maalin aad kudhex-jirto oo qorraxdeedu dhici doonto. c) Maalin soo socota oo aadan garanayn xaalkeeda iyo ehelkeeda.  BANI  AADANKA QOFKII SADDAX SHEEGO OO AAN SADAXDAAN AHEYN WAA BEENLOOW: –a) Qofkii yiri Allaan jeclahay oo aan xaaraanta kadheeraani waa beenloow. b) Qofkii yiri Jannaan rabaa oo aan xoolihiisa sadaqaysanaynina waa beenloow. c) Qofkii yiri rasuulkaan jecelahay(saw), oo aan masaakiinta jeclaynina waa beenloow.   WALAALAHU WAA SADDAXA:- a) Walaal Aakhiradaada u roon(kuxusuusiya). b) Walaal aad adduun ku walaaloowdeen. c) Iyo walaal layska weheshado oo aan meelna ku fiicnayn.  SIDOO KALE WAALO AYAA JIRO :-  a) Walaal qadada oo kale ah oo aadan kadhargi karin waana walaalka khaaliska kuu ah.b) Walaal daawo ah oo aad waqtiyada qaarkood ubaahatid, waana culumada Fiqiga. c) Walaal cudur ah, waana kan munaafaqaynta iyo laba wejiyaynta badan, kaasna uma baahnid ee kafogoow.   SADAX LAGAMA DHERGO:-  a) Nolol lagama dhargo. b) Maalka lagama dhargo. c) Caafimaadkana lagama dhargo.  SADAX KUGUMA WAARAAN:- a) Daruurta hooskeeda. b) Saaxiibka dhalanteedka ah. c) Ammaan aan run ahayn oo lagu ammaanay. Raggu waa saddex nooc:- a) Nin carrabka nin ka ah. b) Nin naftiisa nin ku ah. c) Nin maalkiisu nin kadhigay.  Waxaana nin dhab ah, ninka Naftiisa ninka ku ah (isku kalsoon)  XIGMAD SOOMAALI AH: – Bini’aadamka lix arrimood ayaa intuu noolyahay lasocdaa, waana laba labo: a) Labo waa horsocotaa, waana hawo iyo hunguri.b) Labana waa hareer socotaa, waana faa’iido iyo khasaare. c) Labana waa daba socotaa, waana gaboow iyo geeri.  Aan ka faa,iidaysano Macnaha kujira Gabaygaan diiniga ah.  AFAR HADAD JECESHAHAY AFAR DARYEEL  1.     Haddii aad Jeceshahay Farxadda Nolashaada daryeel Caafimaadkaaga.2.     Hadii aad barwaada jeceshahayna daryeel dabeecada3.     Haddii aad waaritaan jeceshahay daryeel Caqligaaga.4.     Hadii aad waxaas oo dhan isku jeceshahayna daryeel Diintaada..NAAGTA AFAR KAAF BAA LAGU QABAA. 1.     Kaalay 2.      Keen 3.     Kari4.     Kajoog Sababta oo ah, afartaa kaaf haday naagtu diido dhaqmaad ma leh dhigid ma ogiye, kaalay sariirta haday diido  naagtu dhaqan maleh , keen waxaas haday diido o ay dhago adkaato naagtu dhaqan ma leh ka joog waxaa haday diido oo ay Madax adkaato naagtu dhaqan ma leh heblaayo  waxaan noo kari haday diido ayaduna dhaqan ma leh .  AFAR HORAA LOO DHAMEYS TIRAY CILMIGOODA 1.     Uunka.2.     Dhaqanka.3.     Risaaqa . iyo 4.     Ajasha.NAAGATA AFAR WAA IN AY UDGOONAATAA1.     Afka2.     Kilkisha3.     Sanka4.     Iyo Alaabeeda (Cambarka)   NAAGTA AFAR HA U DHEERAATO 1.     Dhabarka.2.     Faraha3.     Gacmaha 4.     Iyo LugahaAFAR AFAR KAMA DHEREGTO1.     Dhul biyo kama dhergo .2.     Dheg war kama dheregto 3.      Il eegmo kama dheregto 4.     Naagna Nin kama dheregto AFAR QIIMOHOODA WAXAA OG AFAR  1.     Dhalinyarnimo qiimaheeda waxaa og waayeelnimo.2.     Nabad qiimaheeda waxaa og colaad.3.     Fayoobid  qiimaheeda waxaa og cudur.4.     Nolal qiimahadeeda waxaa og geeri                                                                                                                            Maxamed Hasan Husein.He’s father Hasan Husein.    Jacayl U samir Ama Ka Samir (Sheeko Xiiso badan)Lamaane calafku isa siiyay ayay qisadani ka hadlaysa, waa wiil waxbarasho u banbaxay iyo gabadh shaqo iyo axdiga jacaylka isku wada, duruufo badan ayaa bar bilow ilaa bar dhamaad hadheeyey sheekadan ee akhris wanaagsan.Bilawgii hore qoyska inantu waxay diideen in ay siiyaan inantooda wiilka ay jeceshahay, sababo la xidhiidha qoyska uu ka soo jeedo waxayna u arkayeen inanka mid aan u qalmin inantooda. Arrintani ma ay farxad gelin lamaanaha is jecel, waxayna murgisay xidhoodhkooda. Inantu waxay ku cadho burburtaa wiilka, isna afkiibaa juuqda gabay oo wuxu ku hadlo ayuu garan la’yahay. Sanado badan ayaa ka soo wareegay, waxay arrintu sidan ahaatoba, ugu danbayntii wiilkii wuxu dhamaystay waxbarashadisa, wuxuna go’aansaday inuu sii wato tacliintiisa oo dhamaysto qaybaha ka hadhay. Isaga oo aan weli dhoofin ayuu maalin maalmaha ka mid ah telefoon u diray inantii wuxuna u shegay inuu tagayo oo dal kale tacliintiisa kusoo qaadanayo, wuxu ku yidhi: ” waxa aan hubaa jacaylka aan kuu hayo, hadaad igu raacdona noloshada inta ka dhiman aniga ayaa dusha u ritay. Arrinta qoyskiinana, ka hadhi mayo oo waxan isku dayayaa inaan bedelo fikradooda. Adna waxan kaa codsanaya inaad igu garab gasho arrinkaas” Inantiina, ‘hawraarsan’ ayay ugu jawabtay.Inankii wuxu ka fekeray sidii uu inanta reerkooda ugu qancin lahaa inay isu hibeeyaan, jiif iyo joogba waa loogu taag waayay, waqtigu wuu hayaa oo dhoofkiisa ayaa soo dhow, talo way ka kala yaacsantahay, waxbaa maskaxdiisa ka dhex guuxaya, habeeno badan ma ledin, hurdo la’aanta waxa ugu biiray feker badan. Nin habari dhashay hal ma seegi waayee, wixii rag u kaco rabina aqbalo way rumoobaane, wiilkii wuxu arrinta rog rogaba, wuxu qaatay go’aan ragonimo. Wuxu is tusay inuu geesinimo yeesho, oo inanta reerkooda sidii xeer ahaan jiray rag u kaxaysto si loogu soo qanciyo arrinta guurka.Waqtigu wuu hayaa, tolow yaa saacada u yar joojiya, goor galab ah oo roob barqadii da’ay biyihii iyo daadkii kasoo rogmaday buuruhu weli dhulka sii qulqulayaan ayaa koox guurti ah oo hab dhaqan iyo xushmad leh oo aad moodo in loo darbay sida dadka loo qanciyo, erayba erayga uu ka haboonyahayna odhan og, ayuu inanki ku jiheeyey inanta reerkoodii…la soco

qaybta 2

 

ALLAA Mahad & Mudnaanba leh,

TELL: 063-4000578

AHMED RASHEED

HARGEISA SOMALILAND

 

COMMENTS
LINKS