Xaglo-toosiye Iyo Beeshiisa oo Madaxtooyada Xalay kula Garnaqsaday Madaxweyne Siilaanyo Iyo Odayaashiisa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xaglo-toosiye Iyo Beeshiisa oo Madaxtooyada Xalay kula Garnaqsaday Madaxweyne Siilaanyo Iyo Odayaashiisa
November 13, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Xagla Toosiye oo ay weheliyaan odayaal iyo xildhibaano ay isku Beel yihiin, ayaa la sheegay inay shalay iyo Xalay kullan garnaqsi ah la yeesheen Madaxweyne Siilaanyo iyo Odayaasha dhaqanka ee Beeshiisa, kullamadan oo saxaafaddu dibeda ka ahayd awgeed ma jiro xog rasmi ah oo si cad daboolka uga qaadeysaa, natiijadii kullamadaas ka dhalatay iyo arrimaha lagaga wada-hadlay toona.

xaglotoosiye

Hase-yeeshee xoggo Wargeyska Yool ka helay ilo ku dhow-dhow, waxa ay tibaaxeen in Wajiga hore ee kulamadani uu ahaa mid ku kooban Odayaasha dhaqanka ee labada beeleed iyo xubno Masuuliyiin ah, halka sida la sheegay kullanka labaadna uu ahaa fadhi-wadareed ay u dhan yihiin labada dhinac, iyo sidoo kale, Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiirkiisa Caafimaadka.

Waxa kaloo Wararku intaa ku dareen in fadhiga xalay oo ka dhacay Qasriga Madaxtooyadda si mug leh labada geesood uguga gar-naqsadeen waxyaabihii ay kala tabanaayeen. Tusaale ahaan sida xoggaha lagu sheegay wasiir Xaglo-toosiye iyo Odayaashiisa oo doodoodu ahayd Muduci, waxa la sheegay inay Madaxweynaha iyo Odayaashiisa soo hor dhigeen nuxurkii Tabaashadooda oo ah mid salka ku hayey laba qodob, kuwaas oo kala ah, kow sababta Madaxweynuhu ku kala raacay labada Masuul ee u siman Saylici iyo Xagla Toosiye, iyo sidoo kale qodobka labaad oo isna ahaa sababta ay ku dhacday in aqlabiyada xubnaha golaha dhexe kaga jira Beesha Madaxweynaha ay uga baydheen wasiir Xagla Toosiye.

Waxa Wararku intaa raaciyeen in Wasiir Xaglo-toosiye iyo Odayaashiisu ay golaha keenen tirada kaadhadhka Beesha Madaxweynaha ee u Codeeyey oo tiradooda lagu sheegay Soddon xubnood. Hase-ahaatee xogguhuu ma sheegin Jawaabta Madaxweynaha iyo wax-garadkiisu ku daw bixiyeen ergada Wasiirka Caafimaadka, iyo sidoo kale, Natiijadii labada dhinac ku kala tageen.

 

XIGASHO WARGAYSKA YOOL

COMMENTS
LINKS