Xafiis Madaxweyne Siilaanyo Hore Dalka Uga Mamnuucay Oo Hargeysa ka furan Iyo Warbixin Dhaawacaysa Somaliland Oo Uu Caalamka U Gudbiyey. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xafiis Madaxweyne Siilaanyo Hore Dalka Uga Mamnuucay Oo Hargeysa ka furan Iyo Warbixin Dhaawacaysa Somaliland Oo Uu Caalamka U Gudbiyey.
November 26, 2015 - Written by Editor:

Xukuumadda Somaliland oo laga sugayo caddaynta cidda oggolaatay in Xafiiskani Hargeysa ka hawlgalo iyo jawaabta dhaawaca uu gaadhsiiyey

Hargeysa, (Wajaalenews) Xafiis hore looga mamnuucay inuu ka shaqeeyo Somaliland, balse farac uu leeyahay ka furan yahay isla Hargeysa, ayaa caalamka u gudbiyey warbixin ay ku shaaciyeen in Xukuumadda Somaliland qeyb ka tahay qorshaha loogu diyaar-garoobayo doorashooyin ka dhaca Soomaaliya sannadka 2016, isla markaana xubno metelayey ka qeybgaleen kulammo lagaga hadlayey qorshaha doorashadaas.

SILAANYO IYO KEY

Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabbilsan arrimaha Soomaalida ee UNSOM oo loo abuuray hannaanka dib-u-dhiska iyo taageeridda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa muuqaal ay shalay ku baahisay bartooda Twitter ku sheegay in xubno gaadhayey 750 qof oo ka soo jeeda wax ay ugu yeedheen gobollada Waqooyi (Somaliland) kulan lagu qabtay Muqdisho kaga doodeen qaababka ugu habboon ee doorashooyin uga dhici karaan Soomaaliya sannadka 2016-ka ee foodda innagu soo haya.

Xafiiskan oo badhtamaha sannadkii 2013 Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) mamnuucay inuu ka hawlgalo Somaliland, ayaan si dhab ah loo ogeyn Masuulka oggolaaday hawlgalkiisa iyo inuu Xafiis ku yeesho Hargeysa, isla markaana aanay Xukuumadda Somaliland faahfaahin dambe ka bixin.

Sida ku cad farriin Madaxweyne Axmed-Siilaanyo ku baahiyey bartiisa Twitter 17 June, 2013, ayuu ku yidhi; “Somaliland way sii wadi doontaa la macaamilka Qaramadda Midoobay, gaar ahaan dhinacyada horumarka, balse marnaba, ma martigelin doonto Xafiis UNSOM ku yeelato Somaliland.”

Sida lagu baahiyey Mareegtiisa, Xafiiska UNSOM oo waajibaadka uu u xilsaaran yahay ka mid tahay dhismaha Maamul-goboleedyada; “Qorshaha dhexdhexaadinta iyo taageeridda Xafiiskooda, Madaxa UNSOM Mr. Nicholas Kay waxa uu wada-xaajoodyo kala yeeshay Hay’adaha Federaalka, iyo weliba Maamul-Goboleedyada Puntland iyo Somaliland habkii hore loogu wadi lahaa in nidaam Federaal laga sameeyo Soomaaliya.”

Sidoo kale, Wargeyska Himilo oo isku deyey inuu tafaasiil dheeraad ah ka helo Masuuliyiinta Madaxda ka ah Xafiiska UNSOM ku leedahay Hargeysa, ayaanay noo suurtoobin, ka dib markii Taleefannadooda oo xidhnaa awgood.

Geesta kale, Wargeyska Himilo oo isku dayay Masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibedda inaan weydiinno sababaha Xafiiska UNSOM oo hore Madaxweyne Axmed-Siilaanyo uga mamnuucay inuu ka hawlgalo dalka wakhtigna keenay inuu ka shaqeeyo, ayaanay noo suurtoobin inaan jawaab ka helno, maaddaama Wasiirkii Wasaaraddaas Dr. Sacad Cali Shire iyo Wasiir-xigeenkiisa Kayse Guray socdaallo hawleed ugu maqan yihiin dalka dibeddiisa. Waxaase la eegi doonaa faahfaahinta ay ka bixiyaan su’aalo badan oo jawaabahooda looga fadhiyo Masuuliyiinta Xukuumadda Somaliland ee warkani khuseeyo.

 

XIGASHO WARGAYSKA HIMILO

COMMENTS
LINKS