|
|||||
WAJAALE NEWS
Waxaan Usoo Jeedinayaa Madaxweynaha Qaranka in Uu Rag Badan U Quus Gooyo Maadaama Ay Ka Leexdeen Mowqifkiisa”Dr Maxamed Cabdilaahi
November 20, 2015 - Written by Editor:Hargeysa(Wajaalenews)-Wasiirkii hore ee Wasaarada Arimaha Dibadda iyo Ganacsiga Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo dhawaan ku laabtey dalka Kiiniya kadib markii uu dalka soo gaadhey ka hor Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye,ayaa dhawaan ka Hadley aragtidiisa Murashaxnimada Xisbiga Kulmiye ee Jagada Madaxweyne iyo Kuxigeen oo ay ku guuleysteen Muuse Biixi Cabdi Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo Madaxweyne Kuxigeenku.
Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar Wasiirkii hore ee Arimaha Dibadda waxa uu soo dhaweeyay go,aanka lagu khatimay Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Mursahaxnimada Jagada Madaxweyne ee uu ku guuleystey Muuse Biixi Cabdi(Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye),iyo Kuxigeenka Saylici, waxaanu fariin kooban ugu gudbiyay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo),oo uu ku dardaarey in wakhtigan loo baahan yahey in rag badan oo aragtidooda fikirkiisa ka duwey uu waajibaadkooda iyo sunaha dawladnimo mariyo, isagoo arintaa ka hadlaya waxa uu yidhi. “Waan soo dhaweynayaa Guusha uu ka gaadhey Muuse Biixi Cabdi saaxiibkey Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee loogu doortey Murashaxa jagada Madaxweynaha iyo Jagada Kuxigeenka Cabdiraxmaan-Saylici, waa himiladii aan Xilka kaga tagey waanan soo dhaweynayaa in Madaxweynuhu taa usoo noqdey kolay in kooban Ayaan kaga hadlayaa hadalkana ku dheeraan mayo,laakin Madaxweynaha Ayaan hal kooban odhanayaa Waxaan leeyahey Madaxweyne wey muuqataa in rag badani kaa beydheen fikirkaaga waana muqadas in aad mariso sunaha Dawladnimo oo aad waajibkaaga ka gudato midnimada iyo wadajirka Kulmiyena in aad ka hawlgashaa waa mid muhiim ah “Waxaan siyaasadda u galay inaan aragti siyaasadeed curiyo oo aan dabadeed ka shaqeeyo sidii aan uga dhabayn lahaa hirgalinteeda xitaa haddii aan ku waayayo xilkayga sidii dhacday. Maanta dadkii igaga soo horjeeday arrinkaa barigii hore way wada taageersan yihiin, ciddii aan la jaanqaadi karayn Musharraxiinta xisbiga ka Saar xukuumadda oo ku bedel qaar dhisaya xisbiga iyo hoggaankiisa.””Ayuu kusoo koobay hadalkiisa. Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar Wasiirkii hore ee Arimaha dibadda ayaa wakhti xaadirkan ku sugan dalka Kiiniya gaar ahaana Magaalada Nayroobi ee Xarunta Wadankaasi. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|