Waxaan Usoo Jeedinayaa Madaxweynaha Qaranka in Uu Rag Badan U Quus Gooyo Maadaama Ay Ka Leexdeen Mowqifkiisa”Dr Maxamed Cabdilaahi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waxaan Usoo Jeedinayaa Madaxweynaha Qaranka in Uu Rag Badan U Quus Gooyo Maadaama Ay Ka Leexdeen Mowqifkiisa”Dr Maxamed Cabdilaahi
November 20, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)-Wasiirkii hore ee Wasaarada Arimaha Dibadda iyo Ganacsiga

Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo dhawaan ku laabtey dalka Kiiniya kadib

markii uu dalka  soo gaadhey ka hor Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga

Kulmiye,ayaa dhawaan ka Hadley aragtidiisa Murashaxnimada Xisbiga

Kulmiye ee Jagada Madaxweyne iyo Kuxigeen oo ay ku guuleysteen Muuse

Biixi Cabdi Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo Madaxweyne Kuxigeenku.

 

Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar Wasiirkii hore ee Arimaha Dibadda waxa uu

soo dhaweeyay go,aanka lagu khatimay Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga

Kulmiye Mursahaxnimada Jagada Madaxweyne ee uu ku guuleystey Muuse

Biixi Cabdi(Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye),iyo Kuxigeenka Saylici,

waxaanu fariin kooban ugu gudbiyay Madaxweynaha Somaliland Axmed

Maxamed Maxamuud(Siilaanyo),oo uu ku dardaarey in wakhtigan loo baahan

yahey in rag badan oo aragtidooda fikirkiisa ka duwey uu

waajibaadkooda iyo sunaha dawladnimo mariyo, isagoo arintaa ka hadlaya

waxa uu yidhi.

“Waan soo dhaweynayaa Guusha uu ka gaadhey Muuse Biixi Cabdi

saaxiibkey Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee loogu doortey

Murashaxa jagada Madaxweynaha iyo Jagada Kuxigeenka

Cabdiraxmaan-Saylici, waa himiladii aan Xilka kaga tagey waanan soo

dhaweynayaa in Madaxweynuhu taa usoo noqdey kolay in kooban Ayaan kaga

hadlayaa hadalkana ku dheeraan mayo,laakin Madaxweynaha Ayaan hal

kooban odhanayaa Waxaan leeyahey Madaxweyne wey muuqataa in rag badani

kaa beydheen fikirkaaga waana muqadas in aad mariso sunaha Dawladnimo

oo aad waajibkaaga ka gudato midnimada iyo wadajirka Kulmiyena in aad

ka hawlgashaa waa mid muhiim ah “Waxaan siyaasadda u galay inaan

aragti siyaasadeed curiyo oo aan dabadeed ka shaqeeyo sidii aan uga

dhabayn lahaa hirgalinteeda xitaa haddii aan ku waayayo xilkayga sidii

dhacday.

Maanta dadkii igaga soo horjeeday arrinkaa barigii hore way wada

taageersan yihiin,  ciddii  aan la jaanqaadi karayn Musharraxiinta

xisbiga ka Saar xukuumadda oo ku bedel qaar dhisaya xisbiga iyo

hoggaankiisa.””Ayuu kusoo koobay hadalkiisa.

Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar Wasiirkii hore ee Arimaha dibadda ayaa

wakhti xaadirkan ku sugan dalka Kiiniya gaar ahaana Magaalada Nayroobi

ee Xarunta Wadankaasi.

COMMENTS
LINKS