Waxa Nasiib Daro ah In Gud. Faysal Cali Waraabe Aflagaado Iyo Yasid Intaas Le’eg U Geysto Dadweynaha Reer Awdal Iyo Aqoonyahan C/rashiid Xasan Mataan!!, Yusuf Budle. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waxa Nasiib Daro ah In Gud. Faysal Cali Waraabe Aflagaado Iyo Yasid Intaas Le’eg U Geysto Dadweynaha Reer Awdal Iyo Aqoonyahan C/rashiid Xasan Mataan!!, Yusuf Budle.
November 27, 2015 - Written by Editor:

Waxa nasiibdaro ah in Gud. Faysal Cali Waraabe aflagaado iyo yasid intaas le’eg u geysto dadweynaha reer Awdal iyo Aqoonyahan C/rashiid Xasan Mataan, iyada oo aan ilaa hadana laga bixin wax raali gelin ah. Waxa aanu u aragnaa in hadalkii Faysal Cali Waraabe ahaa mid reeraysan oo loogu talo galay in lagu kala fogeeyo dadka walaalaha ah ee reer Somaliland.

Waxa aanu ka codsanaynaa siyaasiyiinta, culimo awdiinka iyo madaxdhaqameedka reer Somaliland, bari ilaa galbeed, in ay ka jawaabaan hadalkaas, raali gelin buuxdana u diraan dadweynaha reer Awdal ee lagu sheegay in ay yihiin marti fudud.

Waxa kale oo aan u sheegaynaa dadweynaha Somaliland in aanay wakhti badan ku lumin khilaafka xisbiga UCID oo run ahaan u jira’uun magac ahaan. Waxa aynu ka war qabnaa in golihii dhexe ee Xisbiga ee ahaa 301 xubnood ay maanta ka joogaan 7 xubnood oo keli ahi. Waxa kale oo muhiim ah in aan carrabka ku dhufto in C/rashiid Xasan Mataan ahaa xubintii 294 aad ee ka taga/baxa golaha dhexe ee Xisbiga UCID, isla markaana uu ahaa xubintii keli ahayd ee kasoo jeeday beelaha cidhifyada ee ku hadhsanayd Golahii dhexe ee Xisbiga.

Sida ku cad xeerka aasaasiga ah ee Somaliland (Somaliland Constitution), waa in uu xisbiga qaranku ka haystaa taageero dhamaanba 6da gobol ee dalka, waxase inoo cad in Xisbigii UCID isugu soo ururay 7 xubnood oo kasoo kala jeeda 2 gobol (6 xubnood oo Maroodi Jeex ah iyo 1 xubin oo Saaxil ah). Taas macnaheedu waxa uu yahay in xisbigii UCID lumiyey ahaanshihii Xisbinimo.

Marka su’aasha meesha taalaa waxa ay tahay; Sida aynu wada ognahay, waa in ay doorashada soo socota galaan 3 xisbi qaran, laakiin mar haddii run ahaan uu saaxada ka baxay mid ka mida saddexdii xisbi qaran, miyaanay haboonayn in dib loo furo diiwaan gelinta Ururada (doorashada soo socota ka hor), si loo helo xisbi 3aad oo kaalintii uu UCID ka baxay soo buuxiya.

Allaa Mahad Leh

Yusuf Budle, NURP Chairman

COMMENTS
LINKS