Wasiirkii Hore Ee Wasaarada Maaliyada Cabdicasiis Samaale Oo Tacsi Udiray Qoyskii Iyo Qaraabadii Uu Baxay Marxuum Ganacsade Ibraahim Cabdi Kaahin(Ibraahim Dheere) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirkii Hore Ee Wasaarada Maaliyada Cabdicasiis Samaale Oo Tacsi Udiray Qoyskii Iyo Qaraabadii Uu Baxay Marxuum Ganacsade Ibraahim Cabdi Kaahin(Ibraahim Dheere)
November 12, 2015 - Written by Editor:

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Wasiirkii Hore Ee wasaarada maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale Ayaa  Wuxu tacsi tiiraanyo leh udirayaa  dhamaan shacabka somaliland qoyskii iyo qaraabadii uu kabaxay Marxuum Ibraahin Cabdi Kaahin( Ibraahim Dheere) oo manta ku geeriyooday dalka jabuuti kana mid ahaa maalqabeenada geeska afrika gaar ahaan somaliland iyo jabuuti.

In-naa lillaahi wa in-naa ilayhi raajicuun. Anigoo ku hadlaya magacayga ka umada somaliland waxaan tacsi tiiraanyo  uga dirayaa guud ahaan umada somaliland gaar ahaan qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuum Ibraahim dheer oo kamid ahaa shaqsiyaadkii seeska u dhigay aas aaska dawlada somalilnad  runtii wuxu shaqsi ay taariikhdu xusidoonto,

Dhamaan waxaan qoys iyo qaaraba iyo shacabka reer somalilandba ilaahay iimaan haynaga siiyo aamin aamin.

Sidoo kale waxaan tacsi taa lamida udirayaa shacabka reer Jabuuti  Oon leeyahay samir iyo iimaan.

 

COMMENTS
LINKS