War Deg Deg AH;Shir Lagu Go,aamiyay Talaabooyin K a Dhan Ah Musharixiinta Garabka Is Bahaysiga Kulmiye Oo Ka Dhacay Qasriga Madaxtooyada. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Deg Deg AH;Shir Lagu Go,aamiyay Talaabooyin K a Dhan Ah Musharixiinta Garabka Is Bahaysiga Kulmiye Oo Ka Dhacay Qasriga Madaxtooyada.
November 8, 2015 - Written by Editor:

Hargaysa(Wajaalenews) Shir kadhan ah garabka isbahaysiga xisbiga kulmiye ayaa ka dhacay qasriga madaxtooyada.

shirkan oo sida ila wareedyo ka agdhawi u xaqiijiyeen shabakadan wararka ee wajaalenews waxay shirar lagu gorfaynayo sidii talaabooyin qalafsan looga qaadi lahaa ayaa qasriga madaxtooyada  ka socday 24kii saacadood ee ina soo dhaafay iyagoo qaatay ilaa xalay niskii dhexe

Wararka aanu ka helayno ayaa xusay in shirkan   fadhiyeen  masuuliyiin ay kamid yihiin wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi,wasiirka hawlaha guud Cali Mareexaan, marwadada madaxweynaha Aamina waris iyo gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.

Shirkan  kay iskugu yimaadeen kooxda xiligan khusuusiga ah madaxtooyada ayaa la sheegay in lagu  soo maleegayo  go,aamo ka dhan ah dhaqdhaqaaqyada garabka isbahaysiga ee xisbiga kulmiye oo ay kamid tahay in aan wax shira loo ogolaan inay qabsadaan garabka is bahaysigu, goob walbana loo dhigo warqad iyada oo sida la sheegay lagu balamiyay ciidanka RRU looyaqaano iyo in la qaado talaaba kasta oo lagu wiiqayo awoodaha isbahaysiga.

 

Shirarkan dabinada ah ee madaxtooyada ka socda ayaa kusoo beegmaya xili ay qaadaceen isbahaysiga xisbiga Kulmiye inay ka qayb galaan shirka golaha dhexe oo loo qorsheeyay inuu qabsoomo 10 ka bishan oo ay inaga xigaan 48 saacadood oo kaliyi halka ay garabka gudoomiyuhuna ku adkaysanayo inuu shirku dhacayo xiligii loo asteeyay.

mudooyinkii u danbeeyay waxa  sii xumaanasay xaalada xisbiga iyada oo ay hawada ay isu marinayaan garabyadan xisbigu hadalo kulul.

dhawaan ayay ahayd markii ay garabka is bahaysigu ka biyo diideen baaq dhawaan kasoo baxay xafiiska xoghayaha xisbiga oo qeexayay “in ay musharixiinta madaxweynaha ee xisbigu yimaadaan xarunta si ay u buuxiyaan shuruudihii looga baahnaa” inkasta oo sida la sheegay ay ku hoos jireen dabino loo diyaariyay garabka isbahaysiga.

Sikastaba ha ahaatee xaaladahan qalafsan ee sii kala fogaynaysa garabyada uu u kala fadhiyo xisbigu ayaa mudooyinkii u danbeeyay kasoo burqanayay garabka gudoomiyaha oo xiligan isticmaalaya awood ciidan iyo mid dawladeedba taasi oo cirka kusii shareertay khilaafkan daashaday xisbul xaakimka.

lama saadaalin karo xaalada uu ku danbayn doono xisbiga Kulmiye maadaama ay xaaladu haatan taagan tahay mindi midi ku taag .

 

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

 

COMMENTS
LINKS