|
|||||
WAJAALE NEWS
WAR Deg Deg ah; Murashixiinta Isbahaysiga Kulmiye Oo Sharci Daro ku Tilmaamay Qoraal War Galin ah Oo Kasoo Baxay Xafiiska Xoghayaha Xisbiga Iyo fariinta ay Madaxwayne Siilaanyo Udireen.
November 5, 2015 - Written by Editor:Nuxurka Qoraalkan oo ay ku sexeexan yihiin Sadexda Murashax ee Isbaheysiga Murashaxiinta Maxamed Biixi Yoonis(Wasiirkii hore ee A Dibada),Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur(Kijaandhe),iyo Cabadicasiis Maxamed Samaale Hargeysa(Wajaalenews)-Garabka Isbaheysiga Murashaxiinta Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye iyo Gudoomiyaha Golaha Dhexe ayaa nuququl qoraal ah oo ay caawa soo saareen sitoos ah ugu socodsiiyay Madaxweyne Siilaanyo qoraalkaas oo ay kaga jawaab celinayeen qoraal uu dhawaan ku socodsiiyay Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf oo ka dalbadey in ay mudo sadex maalmood gudahood ah iskaga xaadiriyaan Xarunta Xisbiga Kulmiye halkaas oo loogu sheegi doono shuruudaha looga baahan yahey. Nuxurka Qoraalkan oo ay ku sexeexan yihiin Sadexda Murashax ee Isbaheysiga Murashaxiinta Maxamed Biixi Yoonis(Wasiirkii hore ee A Dibada),Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur(Kijaandhe),iyo Cabadicasiis Maxamed Samaale iyo waliba Murashaxan jagada Madaxweyne Kuxigeen Faarax Cilmi Maxamuud(geedoole), iyo Murashaxa jagada Gudoomiyaha Golaha Dhexe Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin. WUXU U DHIGNAA SIDAN
Hadaba waxaanu u aragnaa, in talaabadani tahay talaabo kale oo cid aan awood sharci u laheyni ay si badheedh ah u maroorsaneyso waxeynu ognahay in xeerarka khuseeya Murashaxiinta jagooyinka Madaxweyne,Madaxweyne Kuxigeen iyo Gudoomiye Gole Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ay yihiin dastuurka Xeer Lr.20/2001 iyo xeer hoosaadka Golaha Dhexe ee Xisbiga Shuruudaha laga doonayo Murashaxiintaasina ku qeexan tahay xeerarkaasi,iyadoo Xeerarkaasina yihiin kuwa cid kasta oo dooneysaaba haysato, sidaa daraadeed aan loo baahneyn in naloogu yeedho Xarunta Xisbiga si naloogu waxaanu ognahay.
Waxaa iyana muhiim ah in la ogaado in uu Xogahayaha Guud aheyn cida buuxinta karta Shuruudaha Xeerarku udhigeen Mursahaxiinta in ay ku hubin laheyd. Qodobka 16aad ee Xrr hoosaadka Xisbiga Kulmiye farqadiisa afraad waxey qeexeysaa sidan”IV.Gudi gaar ah oo Gudoonka Golaha Dhexe ee Xisbigu magacaabo Golaha Dhexena ansixiyo ayaa Murashaxiinta ka hubineysa Shuruudaha kor ku xusan,isweydiintu waxey tahay majirtaa Gudidaa gaarka ah ee ay jideysay farqada(IV),ee qodobka 16aad ee Xeer hoosaadka Golaha Dhexe ee Xisbiga jawaabtu iyadoo cad ,hadana waxaanu kooxda Shirka toocsaneysa ee debedda uga baxdey xeerkii Xisbiga u sheegaynaa
Related posts:Siyaasi Cali Guray Oo Si Adag Uduray Xil Naasir C. Shire Oo Hadalo Deel Qaaf Ah Kula Dul Dhacay Asta... DAAWO; Sheekh Aadan-Siira Oo Deeq Timir ah Gaadhsiiyay Qoysaskii Roobabkii Duufaanta Watay Khasaara... Xilldhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley Oo Qorshaynaya In Ay Dacwad Ka Dhan Ah Maayarka U Gudbinayaa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|