”Tiir Kamid Ah Udub Dhexaadkii Saxaafadda Afka Soomaliga Ku Hadasha Ayaa Dumay..” Ex Wasiir Biixi Oo Tacsiyadeeyay Geeridda Weriye Cawke | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
”Tiir Kamid Ah Udub Dhexaadkii Saxaafadda Afka Soomaliga Ku Hadasha Ayaa Dumay..” Ex Wasiir Biixi Oo Tacsiyadeeyay Geeridda Weriye Cawke
November 17, 2015 - Written by Editor:

Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Arimaha Dibadda Mohamed Biihi Yoonis, Ayaa tacsi tiiraanyo leh udiray eheladda Qaraabada, asxaabta guud ahaanba saxaafada Somaliyeed  ee uu ka baxay Rabi naxariistii Jano ha ka waraabiye Suxufigii rug cadaaga ahaa ee Axmed Xasan Cawke, oo maanta 17.11.2015 ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee Dalka Itoobiya.

Maxamed Biixi waxa uu sheegay in uu dumay mid kamid ah tiirarkii udub dhexaadka u ahaa Saxaafada afka Somaliga ku hadasha iyo Shacbiga Somaliland-ba isagoona Xusay in Axmed Xasan Cawke ahaa Rugcadaa dunida ku reebay raad iyo taariikh ma guurto ah.

”Shacbiga Somaliland, Bulshada afka somaliga ku hadasha, qoyskiisi iyo qaraabadiisaba waan ka tacsiyadaynayaa geeridda ku timi Suxufigii weyna ee Axmed Xasan Cawke waa tiir kamid ah udub dhexaadkii Saxaafada oo Dumay Rabi haw naxariisto..”

Biixi yoonis Waxa uu guud ahaan qaranka Somaliland iyo bulshada afka somaliga Ku hadlaba si dareen murugo leh kaga tacsiyadeyay Geeridda Suxufi Axmed Xasan Cawke

,

Inaalilaah Wa Ina ilayhi Raajicuun.

Mohamed Biihi Yoonis,

 

COMMENTS
LINKS