SIYAASI MAXAMED ABDIKARIM OO DHAMBAAL HAMBALYO AH U DIRAY MUSHARIXIITII LAGU DOORTAY SHIRKA GOLLAHA DHEXE EE XISBIGA KULMIYE | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
SIYAASI MAXAMED ABDIKARIM OO DHAMBAAL HAMBALYO AH U DIRAY MUSHARIXIITII LAGU DOORTAY SHIRKA GOLLAHA DHEXE EE XISBIGA KULMIYE
November 10, 2015 - Written by Editor:

Siyaasi Mohamed Abdikarim(M-Maarshaal) oo ka mid ah siyaasiyiinta u sharaxan gollaha barlamaanka doorashooyinka soo socda, ayaa dhambaal hambalyo ah u hibeeyay, musharaxa jagada madaxwaynaha xisbiga kulmiye, mudane Muuse Biixii Cabdi Iyo Musharaxa Jagada Madaxwayne ku xigeenka Cabdiraxman Cabdillahi Ismaaciil Saylici, guushii balaadhnayd ee ay ka gaadheen doorashadii gollaha dhexe ee xisbiga kulmiye, dhambaalka soo gaadhay wajaale news ayaa u dhignaa sidan:-

Ugu horayn waxaan hambalayo  Iyo bogaadin u dirayaa, Musharaxa Madaxwayne ee xisbiga kulmiye, mudane Muuse Biixi Cabdi, oo  ah siyaasi rug cadaa ah, oo guushan maanta ah u soo maray dariiq dheer oo ah samir, dulqaad iyo isdhul dhigid,  Iyo Ku xigeenkiisa Cabdiraxaman Saylici, waxa sharaf noo ah, qarankana sharaf u ah in maanta xisbigii iyo gollahi  dhexeba, idiin garteen inaad noqotaan musharixiinta xisbiga kulmiye, doorashada 2017ka, Waxay farxad u tahay , taageerayaasha muga iyo miisaanka leh ee xisbiga kulmiye, oo farxad, rayrayn iyo qalbi wanaagsan ku gudoonsaday, guushaa taariikhiga ah  ee xisbigu gaadhay.

 

Waxaan marlabaad hambalyo  u dirayaa Madaxwayne Axamed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, oo dhigay rikoodh cusub, isagoo ka tanaasulay damacii musharaxnimo ee doorashada soo socota, iyadoo aynu ognahay in madaxda afrikaanka ahi laga kicin kari laaya’ay kursida,halka isagoo xaq u leh marlabaad inuu tartamo, gartay inuu uga tanaasulo saaxiibadii ay halganka dheer ee siyasadeed, taariikheed iyo nololeedba ay wadaagayeen.

Waxay cashar u noqon doontaa, wadamo badan inay inagaga daydaan, in damaca kursiga aynu ka tix galino qaranimada wada jirka, walaalnimada iyo ilaalinta dimuquraadiyada curdinka ah ee Somaliland.

Dhacdadani waa dhacdo taariikhi ah , oo noqon doonta mid guul balaadhan u horseeda qarankeena jamhuriyada Somaliland.

 

Siyaasi Maxamed Maarshaal

mmaarshaal@hotmail.com
 

 

COMMENTS
LINKS