Siduu kuyimid KURSIGA Maayarka Mr Abdishakur Mohamoud Hassan (Cidin) Waa Su,aal Taagan? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Siduu kuyimid KURSIGA Maayarka Mr Abdishakur Mohamoud Hassan (Cidin) Waa Su,aal Taagan?
November 14, 2015 - Written by Editor:

Waxaanu si guud mar ah idiinku soo gudbin doonaa xog baahsan kuna

saabsan Maayorka Degmada Berbera waana qormo xiiso badan waxaana ka

arki doontaa dhacdo in badan oo xiiso leh

Siduu kuyimi KURSIGA Mr Abdishakur Mohamoud Hassan (Cidin) Waa Su,aal Taagan?!

wuxuu bilaabay damaciisa gaar ka ah horaantii 2000 waxaanu ka

bilaabmay damaciisa ama u ahaa TARGET inuu maruun berbera ka noqdo

MASUUL kamida dadka TALADA berbera wax laga waydiiyo waxaanu

go,aansaday inuu beesha uu kasoo jeedo uu ka dhex bilaabo olole uu ku

KASBANAYO odayaasha & dhalinyarada isagoo usheegaya ama odhanaya hadii

maruun ay timaado doorasho aniga halay siiyo Kursigaas reerka wakhtiga

ay doonto ha gaadhee ama ha noqotee waxaana usuuragalay inuu dad badan

QULUUBTOODA hantiyo oo ay ubadanyihiin ODAYAASHA sidoo kale waxaa

dhinac socday damaciisa doonista MANSABKA inuu ku dedaalo inuu GUNEEYO

ama qayilsiiyo odayaasha AFMAALKA ah ee MISAGE-ka loogu dhiibo

bulshada kuwaasoo usheega dadka aan xogta hayn laakiin laga doonayo

maalinta ay gaadho inay bixiyaan CODKA waxaana bari & galbeed

isgaadhay in layidhaahdo ninkaas ayaynu dooranaynaa XUBINTEENA

maalinta ay timaado waxaana lasoo gaadhay DOORASHADII 2aad ee Golaha

Deegaanka (Waxaan halkaas kudhaafayaa oo aan dib idiinka soo gudbin

doonaa dhacdooyin xusuus leh oo wakhtigaas uu kujiray Raadinta

Quluubta Dadka uu sameeyay oo Iyana mahadho noqday balse aan ugudbo

doorashadan 2aad ee kadhacday Berbera)

 

Waxaa lasoo gaadhay dhamaadkii sanadkii 2012 oo ay joogtay ama

lagaadhay doorashii 2aad ee Golayaasha Deegaanka Dalka, waxaana la

bilaabay shirar googoos ah oo beel kastaa gooni uyeelanaysay si looga

arinsado ninka lagaynayo Golaha Deegaanka wakhtigaas wuxuu nasiib

uhelay inuu noqdo Ninka Keliya ee reerkiisu isku raaceen in ISAGA uun

loo aqoonsado ninka xildhibaanka metela reerka, halkaas markay marayso

oo uu yahay ninka keliya ee laysku raaacay ayuu sameeyay inuu markiiba

ka talo goosto reerka oo uu iska Diiwaangeliyo Xisbiga Wadani, balse

intii aan la shaacin Xubnaha Umetelaya URURADA Xildhibaanada ayaa

waxaa soo baxay in uu yimaado Musharax Jamal Ali Huseein Oo ah

Musharaxa Madaxwayne Ee Ururka/Xisbiga UCID iyadoo ay isku beel hoose

(ARDAA) kasoo wada jeedaan Shakur waxaanu Jamaal yimi Berbera si uu

ula soo tashado dadkiisa una soo xusho Xubnaha uu kaqaadanayo Berbera,

isagoo hayay Dareenka Odhanaya Reerkaagii ninkaas ayay isku raaceen

inuu umetelo Xildhibaan balse aan lasocon inuu yahay WADANI laakiin

isku qanciyay adoo doonayo Madaxwayne inaadeerkaa ma meel kaluu

marayaa waa MAYA

 

KULANKII 1AAD EE JAMAAL & SHAKUUR

waxay ahayd Maalina ISNIIN ah oo SALAASI soo gelasyo Bisha October

tahay 01 Sanadkuna yahay 2012 markii uu Jamal Ali Hussein & Wefti

lasocday ay yimaadeen Magaalada Berbera iyagoo usocda Xulashada

xubnaha Ururkooda (UCID) uga qayb gelaya tartanka doorashada waxaana

lasocday oo weheliyay Jamaal xubno dhawra oo beelaha degan Saaxil kala

metelaya waxaana wakhtigaas ka mid ahaa ragaas lasocday Alle How

Naxariistee Anwar Mohamed Egeh, waan inta aan kasii xasuusto, waxaana

loo sheegay Jamaal inuu ninkaas beeshiisu (RAASKIISU) soo xulay uu

yahay Wadani, waanu uqaadan waayay, waxaana lagu kulansiiyay Goob

kamida Berbera isla habeenkiiba iyadoo ay isu keeneen Odayaal

Dhalinyaro Reerka ay kasoo jeedaan ah waxaana bilaabmay hadalkii

GARNAQSIGII JAMAAL + GARAWSHIYIHII ODAYAASHA + GALIILYADII C/SHAKUUR

wuxuu ku dooday Jamal Ali Sidan:

waaryaadhaheen maanta waxaan ahay Musharax madaxwayne ninkanina wuxuu

doonayaa Xubin Golaha Deegaanka ah isku reerna waanu nahay, waxaana

aad isla garateen in uu noqdo ninka keliya ee umetelaya reerka golaha

deegaanka, markay sidaas tahay waxaad kala doorataan anoo madaxwayne

doonaaya & ninkaas xubinta golaha deegaanka ah doonaaya, waxaanay

ODAYAASHII/DHALINTII ku tiraabeen Madaxwaynaha wuxuu raaciyay Jamal

Hadalkiisii hadaba marka ninkaasi doonaayo inuu xisbi kale galo ana

aan Xisbi leeyahay siday usuuragelaysaa? Waxaana laysla qaatay in

Shakuur uu kasoo baxo xisbigaas Wadani kuna soo wareego Xisbigan

Jamaal ee UCID, waxaanu bilaabay Sakuur meeraysi & inuu yidhaahdo

xisbibaa I aaminay oo aan u ahay masuulka 1aad ee aan war geliyo waa

Shakuure isla markaas ayuu Jamaal ku hanjebay inuu Xisbigiisa ka

sharaxayo 3-nin oo beeshiisa/reerkiisa ah si ay ula hadhaan Shakuur

xisbigiisana ay ugu keenaan COD buuran, markaas ayuu quustay Shakur

ogaadayna halka xaal maraayo waxaau ogolaaday amarkii Odayaasha &

Jamaal iskastoo ay ku noqotay LAF DHUUN-GASHAY oo uu waayay dhan uu

kadhaafo waxaanu dhawr jeer isku deyay inuu ku tiraabo waaban iska

daynayaa Musharaxnimada Golaha Deegaanka balse wuu is qabtay hadana

waa la tolay oo ay oloshay

 

Waxaa bilaabmay Ololihii Ururada waxaana muuqday Shakuur oo Hulaaban

CALANKA & ASTAANKA Xisbiga UCID isla markaana Baabuurtiisa waxaa lagu

xardhay Sawirada Jamal Ali Hussein sidoo kale wuxuu Jamaal isla dhinac

taagay Hiil & Hooba isaga u gaar ah maadaama reerkiisii (Raaskiisii)

ninkaas kuwada socdaan waxaanu noqday Shakur ninka ugu cad-cad

maalmaha Ururkiisu ololaynayo xaga xildhibaanada Maciisa ah marka laga

reerbo mid ama laba xildhibaan waxaanu noqday XUBINTA keliya ee

tuulooyinka aad loogu arko Sawiradiisa waxaana lagaadhay dhamaadkii

olaha & codayntii doorashada waxaanu noqday xubinta ugu codka badan

xubnihii soo baxay, waxaana lasoo gaadhay wakhtigii la dooranaayay

Mayor ka Berbera oo ahayd 20-kii December Sanadkii 2012 waxaana si

Xamaasadaysan loogu doortay C/shakur Cidin iyadoo lawada ogaa qaabkii

loo doortay oo ahaa mid beelaysan oo QUDH & QABIIL lagu doortay

waxaanau la wareegay Kursi NADIIF ah oo aan lagu lahayn wax Dayna

iyadoo nasiibkiisu siiyay Kursigaas wakhtigu uu ahaa sanad dhamaaday &

mid cusub waxaanu la wareegay Miisaaniyada Cusub oo bilow ah Xafiis

aan Dayni oolin & shaqaale howl kar ah oo Khimrad huwan waxaanu

kursiga Mayor nimo kala wareegay Mr Abdale Mohamed Ali (san-deere) oo

ahaa masuul lagu yaqaanay cadaalad, sinaanso, dulqaad, waaya araganimo

& Etc

 

BILOWGII SHAQADA wuxuu ku bilaabay shqadada dardar & xowli xoogan

isagoo ku dedaalayay inuu wax qabto balse nasiib daro wuxuu waayay ama

uu ka madhnaa xaga aqoonta Maadiga ah taasoo ka caawin lahayd howlaha

baaxada leh ee loo doortay sidoo kalena wuxuu ka mdhanyahay xaga

talada wanaagsan & inuu cid la SHARE gareeyo howshan balaadhan ee uu

ku yahay UGUBKA, waxaana markiiba soo baxay dhaliilo xoogan oo dhanka

shaqada & xidhiidhkii bulshada & dawlada dhexe waxaanu bilaabay Mayor

Shakur inuu xidhiidh la sameeyo qaar kamida Masuuliyiinta dawlada oo

uu kow kayahay Wasiirkii hore Ee Madaxtooyada Mr Xirsi isagoo guud

ahaanba dafiray xisbigii uu kasoo baxay isla markaana marka uu Jamal

safarada kuyimaado magaalada berbera ula dhaqma si foolxun isla

markaana qofkii salaama yidhaahda waan kaa eryayaa shaqada, waxaana

isku aragti ka noqday Odayaashii & Beeshii kursiga saartay Guud

ahaanba waxaana lawaayay qof kaliya oo ka mahad sheegta ama uu

abaalkiisii 1% ka guday ama uba ogyaay CAJIIB!! Intaas kadib iyadoo uu

badanyahay TUHUNKA & DAREENKA laga qabo Mayor shakur ee aan laga

filayn ayuu si cad ubadheedhay waxaana Xaflad ILYARTU is qabatay loogu

qabtay Berberaa Maansoor Hotel 20 September 2014 xafladaas oo loogu

wanqalay Kubiirista KULMIYE ee mayor shakur & xildhibaan C/rashiid

taasaana noqotay mid aan cidina filayn qof kastana ku noqotay ANFARIIR

waxaana sii yaraaday kalsoonidii & taareegaradii loo hayay Shakur

waxaana ka dareeray oo cidla kaga wada tegay dhamaan beeshiisii guud

ahaanba waxaanay arkeen inuu yahay nin kamadhan wixii laga filaayay

ama lagu doortay waxaana mid mid uga siibtay xubnihii uu kalsoonida

badan ku qabay ee golihiisa ahaa waxaanu bilaabay inuu kelidii

maroorsado taladii Guud ahaanba degmada & golaha isla markaana uu ku

tunto xeerkii golaha sidoo kale wuxuu guud ahaanba meesha ka saaray

shaqaalihii asaasay D/hoose ee aqoonta u lahaa waxaana muuqatay dhibta

& carqalada aqoon la,aaneed ee ku baahday maamulkii D/hoose waxaana ka

baydhay oo kasoo hor jeestay miisaakii golaha deegaanka intii ugu

aqoonta badnayd waxaanay usheegeen inaanay sii eegan Karin qaabkan uu

wax uwado waxaanay ku noqotay AFKALA QAAD & UQAADAN WAA waxaanu ku

dhex dhacay odayaashii & bulshadii dalka balse dabada ayaa loosoo

jeediyay ilayn isagaa markii hore ninba meel kaga tegaye waxaanu quus

iska taagay golihiiisii Maxaa Dhacay Hadaba

 

IS CASILAADII WASIIRADA + CABSIDII SHAKUUR + CARARKII MALXIISKA

Waxay timi mooraal jabkii ugu waynaa markii ay is casileen wasiiradii

ugu badnaa dawlada oo uu hormuud ka yahay ninkii uu Shakuur u yaqaanay

Madaxwaynaha dalka ee uu isku halaynayay waa Xirsi,ye waxaana soo food

saartay rajo-xumadii ugu waynayd, waxaanu bilaabay inuu u cararo

Hargeisa si uu WASTO ugu helo ninka lagu bedely Xirsi & Muuse Biixi oo

hogaanka Kulmiye ah isagoo halkaasna kala kulmay WEJI GABAX isagoo

Marwada Qaranka ugu tegay Madaxtooyada kana qayb galay Xaflad URURKA

SODRA shahaadooyinku kusiinay qaar kamida masuuliyiinta dalka waxaanu

lasoo galay SAWIR Marwada isagoo sheegay In lasiiyay Shaaado sharaf

iyadoo lasoo xaqiijiyay in muuqaalka sawirkaas & Shahaado Beenaadaas

uu kubixiyay Lacag badan si baalmarsan howsii socotayna loogu daray

Munaasibadaas balse waxaa lasoo seegay in Marwadu kutidhi EEDO howlaa

golaha ma dhexgeli karaayo Ee iska tag oo golahaaga Ururso balse waxuu

weli ku meeraysanayaa Hargeisa & labadaas nin isagoo dhaqaale xoogana

ku bixiyay oo AMAAH ah qabashadii Shirka Golaha Dhexe Ee kulmiye balse

weli kama hayo wax natiijo ah, isagoo dhinac LUUDAYA ninka

saaxiibkiisa gaarka ah uu uyaqaano balse ah nin nooc kale u shaqeeya

dhawaana loo bixiyay magac cusub oo ah MALXIISKA ahna xildhibaan ka

tirsan golaha deegaanka waa C/rashiid Mohamed Xaaji Yuusuf kaasoo

masuuliyiinta uu lakulmo Mayor Shakuur ee uu HIILKA ka doonayo kaga

dambeeya  kunayidhaahda waar ninkani waa nin waalane anaa meesha kala

wareegaya ee ila shaqeeya waana astaamo UGUB ah oo aan hore loo arag,

kana mida ASTAAMA munaafaqiinta ee layidhi ka dheeraada  si kastaba ha

ahaatee waxaa hada lasugaaa ayaamahan in Mooshin ay keenaan Golaha

deegaanku aan CAADI ahayn oo xilka lagaga qaadayo Shakuur waana mid ay

balan ku qaadeen miisaanka Xildhibaanada goluhu oo ay hormuud ka

yihiin ilaa 13-xildhibaan oo kuwii ugu cuslaa ah waxaana dul hoganaya

Shakuur dhaliilo kala duwan & werwer xoogan oo dhinacyo badan leh sida

daynta lagu leeyahay oo xad-dhaaf ah + dhulkii oo laysku wada haysto +

golihii oo kawada baydhay + godob badheedh ah oo uu galay + xajiinta

uu ka tegi doono + Lacagta sharci darada ah ee uu galay + Mashaariicda

aan la marin sharciyada Ee uu bixiyay + Miisaaniydii Sanadka 2016 oo

aanu weli gudbin kuna taagan & Etc  Waxaanaanu si xatane ah idiinku

soo bandhigi doonaa qodobadaas oo faah faahsan xaqiiqna ah watana

dhamaa

n cadaymihii markhaatiyeed ee dhabta ahaaaaa

LASOCO QAYBAHA DAMBE

Cabdirashiid Saleebaan

Freelance Journalisam

Sankabari@gmail.com

 

COMMENTS
LINKS