Saluuga Reer Awdal Ee Shan Jirsaday Iyo Door La,aanta Saylici Ee Gobolka+ Damiciisa Musharaxnimo Ee Shanta Sano Ee Soo Socda!!!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Saluuga Reer Awdal Ee Shan Jirsaday Iyo Door La,aanta Saylici Ee Gobolka+ Damiciisa Musharaxnimo Ee Shanta Sano Ee Soo Socda!!!!
November 4, 2015 - Written by Editor:

FAALO; Sida Aynu lawada socono Tabasshooyinka,Saluuga, kalsoonida, iyo miisaanka dawlad Nimo ee reer awdal ka qabaan xukuumada Kulmiye waxa ay ahayd mid geed kusii laalmasay oo kasii darasay shantii sano ee u danbeeyay marka loo eego heerkii uu kaga tagay xukuumadii madaxweynihii hore ee DAAHIR Rayaale kaahin iyadoo ay isasoo tarasay tabashada iyo saluuga reer awdal.

DAAHIR IYO SAYLICI

Tabashadaas oo gaadhay meeshii ugu saraysay intii ay soomaaliland jirtay keentayna in waxgaradka iyo aqoonyahanka reer awdal garnaqsi adag la galaan xukuumada iyada oo hogaamiye dhaqameed balaadhan oo kakooban 25 xubnoodna ay soo gaadheen magalada hargaysa waxaana ay hordhigeen madaxweyne Siilaanyo waqtigaas tabashooyin ku salaysnaa dhinaca saami qaybsiga kuwaas  oo uu ka garaabay madaxweynuhu.

2010kii ayay ahayd markii ay is badaleen labadii xukuumadood ee midna xilku ka dhamaaday midna u bilaabmay marka loo eego mudo xileedkii la doortay iyada oo dhalasho ahaan uu kasoo jeeday gobolka awdal madaxweynihii xilka wareejinayay ee DAAHIR riyaale kaahin. Madaxweynahan kasoo jeeday gobolka awdal oo mudo kusiman 8 sanadood xilka hayay ayaa kasbabaday kalsoonida shacab weynaha reer awdal iyada oo sax iyo qaladba ay ku taageersanaayeen shacabka ku dhaqan gobolka awdal.

Mudadaas ku siman sideeda sano ah wax cabasho iyo saluug ah toona lagama maqal bulshadaas waxaana awood badan kulahaa gobolka kalgacaylka dawladnimo iyo qadiyada gooni isu taaga labadaba taasi oo qof kasta oo reer awdal ahi uurka uu ku sitay gobolkana ay ka muuqatay isku duubnimada iyo kamidaysnaanta horumarinta gobolka maadama ay gobolka kajiraan dad qaba afkaarata soomaaliwayn balse dhamaan duruufahaasi  ku gadaanaa gobolka Awdal waxaa dawo u ahaa doorka uu kulahaa madaxweynihii hore Daahir Riyaale Kaahin oo ahaa xubinta kaliya ee loo daba fadhiisto awdal.

kadib guushii Kulmiye wuxu gobolka Awdal hantiayay jagada madaxweyne kuxigeenka oo meeqaam ahaan ka hoosaysa xubintii hore oo ahaa heer madaxweyne waxaana madaxweyne ku xigeen loo doortay Craxman Saylici oo kasoo jeeda dhinaca xeebta ee gobolka Awdal xubintan oo aan saamayn shilis ku lahayn gobolka ayaa waxaa la kawsaday qulqulatooyin dhinaca aminiga ah iyada oo durbadiiba dhinaca xeebta ee bada ay kasoo dageen Jabhada ONLF oo ladagaalanta dalka aynu jaarka nahay ee ethiopia halkaasna uga gudbay dhinaca ethiopia,waxa bilaabmay tabashooyin badan oo ay ku ganayeen waxgaradka iyo aqoonyahanka reer awdal xukuumada, waxa duurka galay mid kamida salaadiinta Miisaanka kulheh Gobolka Awdal isaga oo jabhadayn ka bilaabay dhinaca xuduudka ethiopia kana gaystay xaalado amni daro oo hor leh,waxaa dablay ka tirsan jabhada suldaan waber weerar gaadmo ah ku qaadeen gurigii uu badhasaabka gobolku kadaganaa magaalada Boorama halkaasna waxa ay ku dileen laba kamida askartii ilaalada halka uu badhasaabkuna kaga badbaaday faro cididood, waxa khal khal galay habsami u socodka ciyaarihii gobolada ee kasocday magaalada Boorama taasi oo keentay geerida laba wiil oo dhalinyaro ah oo ay haleeshay xabadii ay ridayeen ciidanka nabad galiayadu

Si kastaba ha ahaatee xaalada gobolka awdal ayaan lahayn dabo la qabto iyo meel loogu hagaago waxaana taa sobob u ah door la,aanta madaxweyne ku xigeen ka Craxmaan Saylici oo ah xubintii u saraysay ee gobolka matalasay balse aan wax ficlil iyo qancin toona ku lahayn xaaladaha shan jirsaday ee ku gadaaman gobolka.

C/raxman saylici ayaa mar kale u sharaxan jagada madaxweyne ku xigeen ee Xisbiga Kulmiye waloow ay jiraan rag kale oo kasoo jeeda gobolka Awdal oo shaaciyay in ay u sharaxan yihiin jagada madaxweyne ku xigeen hadana saylici ayaa kamida raga ugu tunka wayn ee ku taamaya inay hantiyaan jagada madaxweyne ku xigeen ee shanta sano ee soosocda balse su,aasha soo guduudan ee ay isweydiinayaan badi indheer garadku ayaa ah siday noqon doontaa xaalada gobolka Awdal hadiiba marlabaad uu ku guulaysto jagada madaxweyne ku xigeen Mr.Saylici oo haatan ah madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo waqtigan gondihiisana ay yaalaan baylahyo  badan ee ka jira Gobolka Awdal.

si kastaba ha ahaatee gobolka Awdal ayaa u baahan waji cusub oo lagu wajaho lana jaan qaadi kara xaaladaha ku gadaaaman gobolka taasi oo ku iman karta in loomeel dayo murashaxiinta isku garbinaya jagada madaxweyne ku xigeen ee shanta sano ee soosocda maadaama ay ku jiraan rag badan oo miisaan ku leh gobolka awdal dawana u noqon kara xaaladaha ku gadaaman,

WAJAALENEWS DESK

WARIYE XASAN CALI

HARGEISA SOMALILAND

COMMENTS
LINKS