Ruushka oo Sheegay Inaanu Diyaar u Ahayn Dagaal u la galo dalka Turkiga | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ruushka oo Sheegay Inaanu Diyaar u Ahayn Dagaal u la galo dalka Turkiga
November 25, 2015 - Written by Editor:

DD
Moscow(Wajaalenews):-Iyadoo Ruushka uu si weyn kaga carooday tallaabadii uu Turkigu ku soo riday diyaaradooda militari, maalintii Talaadada, ayaa waxay hadana sheegeen inaanay doonayn dagaal ay la galaan Turkiga.

Sergey Lavrov, Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday Ruushka inuusan doonayn dagaal furan oo uu la galo Dowladda Turkiga, ka dib burburintii diyaaraddii Ruushka.

Wasiirka, ayaa wuxuu cadeeyay in weerarka lagu soo riday diyaaradaasi in uu dhaawac weyn u gaysan doono xiriirkii labada dal, oo ahaa sida uu sheegay mid aad u wanaagsan.

Wasiirka, ayaa wuxuu tibaaxay tallaabada lagu soo riday diyaaradda in ay u muuqatay mid horey loo sii qorsheeyay, isla-markaana uu yahay mid dhabarka looga toogtay Ruushka.

Sergey Lavrov, ayaa hakiyay safar uu Arbacada maanta ah ku taggi lahaa dalka Turkiga, ka gadaal markii uu Turkigu soo riday diyaaraddii Ruushka laga lahaa.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa si weyn ugu eedeeyay diyaaraddii Ruushka in xilligii ay ku jirtay hawada Turkiga, ay waday hawlgal ka dhan ah mucaaradkan qunyar socodka ee dagaalka kula jira Dowladda Bashar al-Assad.
Gaashaanbuurto Nato, ayaa si buuxdo isu garab taagtay in la difaaco Turkiga, haddii uu weerar kaga yimaado Xukuumadda Moscow. Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama wuxuu isna sheegay in Turkigu uu xaq u lee yahay in karaamadiisa uu difaaco, haddii hawadiisa lagu soo xad-gudbo.

COMMENTS
LINKS