|
|||||
WAJAALE NEWS
Qunsuliyadda Turkiga Ee Hargeysa Oo Baajisay Kulan Ay Jimcaha Qaban Lahayd
November 26, 2015 - Written by Editor:Hargeysa(Wajaalenews) Qunsuliyadda Turkigu ku leeyahay Hargeysa ayaa shalay si rasmi ah u hakisay marti-qaadka kulan ay saddex maalmood ka hor u fidisay Madaxda Ururrada Bulshada, Dhaqanka iyo Masuuliyiin kale, kulankaasi oo qorshuhu ahaa in uu berri oo Jimce ah gelinka dambe ku qabsoomo xarunta Qunsuliyadda oo ku taalla xaafadda shacabka ee Magaalada Hargeysa, laguna sheegay in lagaga hadli lahaa wada hadallada Somaliland iyo Somalia. Warqad qunsulka Turkiga ee Hargeysa soo saaray ayaa lagu sheegay in kulankaasi baaqday kadib markii xamaasadi ka dhalatay wararkii ku saabsanaa wada hadalka madaxdhaqameedka Somaliland iyo Somalia. Qunsuliyadda ayaa hore kulan ula yeelatay hogaanka dhaqanka Somaliland, balse xukumadda ayaa intaasi kadib diiday ka qayb galka wada hadalka. “Waxaan ka xunnahay in aan idin ogaysiino martiqaadkii aanu hore idiinku fidinay Bishan 27-keeda ee ka dhici lahaa xarunta in aanu joojinay. Sababta aanu u baajinay kulankaasi waxa weeyi xasaasiyadda ka dhalatay warar si khaldan ugu dhex fiday Bulshada. Waxaanu jecelahay in aad nala fahmi doontaan duruufaha aanu sidan u yeelay ee aanu u baajinay kulankan. Mar labaad waxaanu idinka raali gelinaynaa xaaladdaaasi degdegga ah ee nagu timid oo aanaan filayn” ayuu yidhi Qunsulka Guud ee Safaaradda Turkiga Mr. Yuksel.
Related posts:Badhasaabka Gobolka Maroodi Jeex Oo Kormeer Ku Tagay Biriijka Dacar Budhuq Oo Roobabkii Waxyeelo Soo... Waftigii Wasiirka Cadaalada Somaliland Hogaaminayay oo Kulamo La Qaatay Masuuliyiin Ka Tirsan Dalka ... Xisbiyada Mucaaridka Somaliland Oo Shaaciyay In Aanay Aqbali Doonin Mudo Kordhin Loo Sameeyo Madaxwa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|