Qorshayaasha Ku Lamaan Burburinta Xisbiyada Mucaaridka Ee Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo Iyo Doorka Ay Ganacsatadu Ku Leedahay Khilaafka Xisbiga Ucid!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qorshayaasha Ku Lamaan Burburinta Xisbiyada Mucaaridka Ee Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo Iyo Doorka Ay Ganacsatadu Ku Leedahay Khilaafka Xisbiga Ucid!!
November 29, 2015 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews)  Tan iyo guushii uu Xisbiga Kulmiye ku hantiyay Hogaanka Dalka oo  imika aakhir ah Waxa Asxaabta Siyaasada Ee Somaliland  ka jira ku bilaabantay nidaam qarsoon oo lagu burburinaayo Asxaabta siyaasada nidaamkaas oo ay xukuumada siilanyo ugu wanqashay Xisbigii Qadiimka ahaa ee UDUB iyada oo durbadiibaa madaxa isu galisay hogaankii xisbigaas oo u badnaa rag rug cadaa ah oo siyaasiyiin culus ah  in badana kazoo dhex muuqday xukuumadii uu hogaaminayay madaxweynihii hore Md. Daahir Rayaale Kaahin, ragaas oo xisbigan xukuumiga noqday u arkayay inay halis ku noqon karaan nidaamkooga mucaaradad culusna la,iman karaan maadaama xisbiga Udub xildhibaano aqlabiyada ku dhex leeyahay baarlamaanka.

dagalka siilaanyo

Xisbiga Kulmiye markii uu guulaystay mudo kabacdi waxa uu siilaanyo go,aamiyay in la curyaamiyo axsaabta xisbiyada iyo in la wiiqo mucaaradada ka iman karta baarlamaanka feejignaana laga galo labadaba iyada oo madaxweyne siilaanyo iyo hogaanka xisbigiisu isla meel dhigeen in si wayn loogu diyaar garoobo doorashada soo socota 2012 ee golaha deegaanka oo xiligaas soo dhawayd qabsoomideeda iyada oo yoolka siilaanyo ahaa in la reebo xisbiyada ku dhex leh xildhibaano baarlamaanka dhexdiisa oo ahaa xisbiga UDUB iyo UCID oo baarlamaanka ku dhex lahaa aqlabiyada khaasatan xisbiga UDUB waxaana ay xukuumada siilaanyo geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay sidii karkaarka loo waydaarin lahaa xisbiga UDUB isaga oo markiiba kala dhexdhigay hogaankii xisbigaas khilaaf hor leh waxaana uu xilal sare u magacaabay ragii miisaanka ku lahaa xisbiga oo ilaa xiligan ka tirsan xukuumada madaxweyne siilaanyo taas oo xisbigii UDUB burburisay.

 Ka dib qabsoomidii doorashadii golaha deegaanka ee 2012 ka qabsoontay wadanka isna diiwaan galiyeen dhawr iyo tobanka xisbi balse sideeda xisbi isu soo taageen waxa uu siilaanyo ku guulaystay inu reebo Ururo uu arkayay in saaxada lasoo gali karaan mucaaridad xoogan. !!!

xulashada xisbiyada soo baxay ayaa ahayd qorshayaasha siilaanyo ku diciifinayay awoodaha siyaasiyiin ay bulshada somaliland u arkayeen in ay somaliland badbaadin karaan

Xukuumada siilaanyo iyo Xisbigeeda ayaan marna ka nasan baabiinta, iska horkeenka iyo in ay marba xisbiyada kasoo kaxaystaan xubnaha firfircoon ee kasoo dhexbaxa .

Xiligan ayaa waxaa khilaaf xoogani ka dhex socdaan xisbiga Ucid khilaafkan ayaa sida ay ka dhawaajiyeen masuuliyiinta ugu saraysa XISBIGA UCID waxay  bulshada u xaqiijiyeen in burburinta iyo kala fogayn hogaanka xisbiga ay daba ka wado xukuumada siilaanyo iyo xisbigeedu.

Bulsho waynta somaliland ayay hal xidhaale ku noqotay arimahan iyadoo  iswaydiintu tahay madaxwayne siilaanyo iyo xisbigiisa maxaa ugu jira burburinta hanaanka Asxaabta siyaasada? jawaabta waxaan u dhaafayaa akhristayaasha,

Si kastaba ha ahaatee xukuumada madaxwayne siilaanyo iyo hogaanka xisbigeeda ayay siyaasadoodii noqotay kuwo ku raaxaysta kala qaybsanaanta bulshada. khilaafka xisbiyada qaranka. oo xiligan ay faro ba,an ku hayaan xisbiga ucid Iyadoo la odhan karo waxay cabsi ka qabaan tartanka xorta ah ee doorashooyinka soo socda iyo awooda Aqoonyahan Jamaal cali xuseen.

sidoo kale arimahan ayaa umuuqda kuwo bulshada lagaga mashquulinayo boobka hanti umada iyo  heshiishyada qarsoon ee ay xukuumada siilaanyo la galayso beesha caalamka ee danaynaysa midnimada somaliwayn, Taasi Oo xiligan saansaanteedii muuqato,

dhanka kale waxaa iyana xusid mudan in aan khilaafka xisbiga ucid ka maqnayn ganacsato dano siyaasadeed leh mudana ku jiray saaxada siyaasada oo iyagu qorshaynaya sidii ay kursiga ugu fadhisin lahaayeen cid ilaalisa danahooda iyo boob ay ku hayaan dhulka danta guud..

waxaynu se ka warsugi doonaa talaabooyinka ay shacabka reer somaliland qadaan iyagoo ka dhiidhiyaya majaro habaabinta qaranimada jamhuuriyada somaliland iyo burbutinta lagu hayo hanaanka ASxaabta siyaasada somaliland.

WAJAALENEWS DESK

WAJAALE STAFF

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS