Muuse Waa Askari Oo Waa Dugsi Nabadu Hurudo. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muuse Waa Askari Oo Waa Dugsi Nabadu Hurudo.
November 1, 2015 - Written by Editor:

Baryahan waxaa dhegaha dadka ku badatay, askari dal ma maamulikaro, askari waa laga ilbaxay, wakhtigii askari la dooran jiray waa la dhaafay. Ereyadaas oo loola jeedo mujaahid Muuse Biixi Cabdi, akhriste waxoogaa ii samrin si aan iskula fahano bal in ay askarinimadu ceeb tahay iyo inkale oo an iswaydiino kana jawaabno su’aalahan, askari waa kuma? shaqadiisu maxay tahay?

maxamed faarax

Askarigu waa qof dadka kamid oo u tababaran una dhaarsan suurto galinta degaan amni, degenaasho iyo kaladanbayn leh dhamaanteena waxaynu kawada markhaati nahay in nabad galyadu tahay tiirka koowaad ee adaamaha u ogolaada suurtagalnimada nolol raaxo iyo badhaadh astaan utahay. Xidhiidhka askariga iyo bulshada ka dhexeyaa wuxuu la mid yahay xidhiidhka waalid iyo ubadkii, Waaliku haduu dhinto ubadku aad ayay u murugoodaan oo isku xidhnaantoodina dhaawac ayaa soo gaadha sidaas si lamid ah haddii askarigu dhinto bulshadu aad ayay uga murugoota isku xidhnaantoodina dhaawac u soo gaadha.  Intaas markaan ka gudbo Somaliland waxay caalamka ka iibisaa nabad galyo nabadgalyadaas oo uu gaadh kayahay askari ay sidiisa kaleba noloshu ugu adagtahay sababtoo ah waxaanu haysan daryeel isaga iyo qooskiisa ku filan, hadana habeen iyo maalin wuxuu heegan u yahay nabada si aynu u helo hurdo raaxo leh, cibaadaysi,ganacsi, waxbarsho, iyo dhamaan waxkasta oo aynu baahanahay, taas ayaynu waliba ugu daraynaa aflagaado. Rag huwan maasmuus suldaanimo oo marka ay wax ku adkaadaan ku hadaaqa “waar askarigii mee”  ayaa hadana warbaahinta lasoo fadhiisanayaa xiligii askariga waa laga baxay, aniga iyo intii ila mid ahiina waxaanu leenahay noloshuba dhamaanteed askari kama maaranto.

Taariikhaha horumarka aduunka iyo kaalmaha askarigu ku lahaa markaynu dib u raacno dalka Maraykanka oo ah quwada maanta adduunka ugu wayn waxaa dhidibada u taagay George Washington, faransiiska markii jarmalku qabsaday waxaa dib u xoreeyay  oo dib u dhisay Charles De Gaulle hada labaduba askar ayay ahaayeen, jamhuuriyadan Somaliland ee maanta madaxwaynaheeda lagu mormaayo ee waliba dadka qaar leeyahiin askari magayo waxay ku dhisantahay dhiig askari. Waan kula garanayaa in ay taariikh ku jiraan gabood falada madaxwayne askari ahi geystay hana ku daalin taas waayo waa kala duwanaashaha abuurta adamaha iyo habka fikirkooda oo waxaa iyaguna taariikhada ka buuxa qaar aan askarinimo soo marin hadana waxay gaysteen ilaa maanta laga sheekeeyaa.

Waa runtiin oo Muuse Biixi waa askari, balse waa askari nooce ah marka la eegayo abuurka aadama iyo habka fikirkooda? Wakhtigii lagu gudo jiray halgankii dib u xoraynta Somaliland waxaa jiray maalmo aad u adkaa maalmahaas waxaa kamid ahaa maalmihii uu dhacaayay shirwaynihii 6aad ee SNM oo ka qabsoomay Baligubadle, waxaa la iswaydiiyay kumaa maanta shirkaas hogaamin karaa oo SNM kasaari kara kadartan adag, waxay inteena badani ogtahay in loo doortay Muuse Biixi guushii ka dhalatayna waa tii aynu dalka ku xoraynay. Markii dalku xoroobay ee aynu ku dhawaaqnay lasoo noqoshada xornimadii luntay muddo yar dabadeed SNM waxay xukunkii dalka ku wareejisay dadkii rayidka ahaa waxaana madax wayne ka noqday Maxamed X.ibraahim Cigaal oo aynu u naqaano Aabaha dawladnimada Somaliland, hawsha ugu adag ee uu wajahayay madaxwaynuhna waxay ahayd hawsha arimaha gudaha markuu egay baxada ay hawshu leedahay wuxu u xushay Muuse Biixi  Aakhirkina waati ay ka dhalatay dawladnimo taam ah oo ah tan maanta aynu ku raaxaysanayno, labadaas kaddarood mid walba Muusi wuxuu ka ahaa Mudanaha Koowaad.

Guntii iyo gabagabadii waxaan leeyahay Muusi Biixi waa askari oo waa dugsi nabadu Hurudo oo asalkaba Askarigu waa dugsi nabadu hurudo

 

Maxamed Faarax Miigane

063-4403110

COMMENTS
LINKS