Muuse Bixii Oo Ka Dalbaday Siilaanyo Inuu Kala Diro Xukuumadda Soona Dhiso Mid Isaga La Shaqeysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muuse Bixii Oo Ka Dalbaday Siilaanyo Inuu Kala Diro Xukuumadda Soona Dhiso Mid Isaga La Shaqeysa
November 20, 2015 - Written by Editor:

Eriga Wasiir Samsam + Diidmadda Madaxweynaha + Dookha Muuse Iyo Saluuga Maxamuud Xaashi

Hargeysa(Wajaalenews) – Warar iyo Xoggo is-fasirayaa oo Wargeyska Yool helay ilo kala duwan ayaa tibaaxay ifafaaleyaal hor leh oo muujinaaya khilaaf iyo isku dhacyo durba ka dhex aloosmay xuluufadii Madaxweynuhu garaabka siiyey markii hoggaanka KULMIYE ku dhawaqay qabashada shirkii golaha dhexe ee xisbiga.

Xoggahan qaarkood ayaa lagu sheegay Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Bixii Cabdi inuu Madaxweyne Siilaanyo u gudbiyey Marwo Samsam Cabdi Aadan oo hadda ah Wasiirka Maaliyadda uu ku celiyo Wasaaraddii Waxbarashada, jagadaas oo sida xogguhu tibaaxen Muuse Bixii taladiisa ku sharaxay inuu ku habsaday dib-u-dhac iyo dayac badani, waxa Wararku intaa ku dareen Gudoomiye Muuse inuu Madaxweynaha usoo jeediyey Marwo Samsam Cabdi Aadan bedelkeeda inuu Madaxweynuhu u magacaabo Wasaaradda Maaliyadda Wasiirkii hore ee arrimaha Dibeda Dr. Maxamed Cabdilahi Cumar. Waxa kaloo xoggaha lagu sheegay Gudoomiyaha Xisbiga tallada hayaa inuu Madaxweynaha ka dalbaday inuu soo dhiso xukuumad cusub oo aan ahayn tan hadda jirta, si xisbiga uu musharraxa ka yahay u helo Xukuumadda isaga la shaqeysaa.

Dhanka kale, sida wararku sheegayaan talooyinka iyo codsiyada Gudoomiyaha, ayaa qaarkood Madaxweynuhu ku gacan saydhay, sida bedelka Wasiirka Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan, oo sida xoggaha lagu xusay Madaxweynuhu u sheegay Gudoomiyaha Inaan Marwo Samsam jagadaas laga bedeli doonin inta uu xilka hayo.

Geesta kale, xoggaha la xidhiidha muranka iyo is-qabqabsiga awoodeed ee xulufada xukuumadda cusub, ayaa sidoo kale sheegaya in Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi inuu qawaday, kana biyo diiday xilka Wasaaradda cusub ee loo dhiibay, kadib markii sida iluhu tibaaxeen laga hoos saaray hay’adda wadooyinka, oo hore maamulka iyo gacan ku haynteeduba hoos imanayeen Wasaaradda Madaxtooyadda. Waxa kaloo, wararku intaa raaciyeen in Wasiir Maxamuud Xaashi horantii todobaadkan kulan amuurtan la xidhiidha la qaatay siyaasiyiin madax-dhaqameed kasoo jeeda Beeshiisa, xubnahaas oo sida la sheegay ku kulmay guri ku yaala Magaalada Hargeysa, waxana la sheegay in Wasiirku Siyaasiyiinta iyo Odayaashiisa warbixin ka siiyey xaaladda wasaaradda cusub ee hadda loo dhiibay, iyo sidoo kale, awoodihii hore ee Wasaaraddu lahayd in hadda markii loo bedelay isaga wareejiyey, waxa xogguhu intaa ku dareen, in Wasiirku kulanka ka sheegay in waaxda hab maamuuska iyo protocolka iayana hadda laga wareejiyey Wasaaradda Madatooyada, lana hoos geeyey maamulkeeda qaybta sare ee aqalka Madaxtooyadda.

Inkasta oo dadka siyaasadda u kuur-galaa in badan ay saadaalinaayeen wax la huuriyaba in loollanka iyo laacdan KULMIYE uu mar farraha ka bixi doono, balse dadka qaar ayaa araagti taa ka duwan qabay sida oo hadda dhacday hadii Madaxweynuhu la safto garabka Muuse Bixii, ku doodayey inuu adkaano wada-shaqeynta Xisbiga iyo Xukuumada laba midigluhu-haneedeyo. Waxana dadka fikirkan aaminsani ku doodan in arrintaasi ku iman karto damaca iyo doco-doceynta Muuse oo aan xad lahayn, iyo sidoo kale, Madaxweyne Siilaanyo oo isna geestiisa aan raali ka noqon doonin in Muuse  doco-doceeyo hadhaga xubnihii loollanku ka dhexeeyey. Si kastaba ha ahaa-tee waxa arrimuhu kala cadaan doonaan Bilaha soo socda.

XIGASHO; Yool

 

COMMENTS
LINKS