Muuse Biixi Wuu Kala Yaqaana (Xirsi iyo Siilaanyo) (Siilaanyona Wuu kala Yaqaanaa Muuse Iyo Cabdicasiis. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muuse Biixi Wuu Kala Yaqaana (Xirsi iyo Siilaanyo) (Siilaanyona Wuu kala Yaqaanaa Muuse Iyo Cabdicasiis.
November 8, 2015 - Written by Editor:

Badhosaabkii hore ee gabiley  rashiid cumar sheikh

Sadex baa rag qiima ugu liita

1-Qooq aan sahan lahayn

2 Qiiro aan sal lahayn

3 Qawl aan run ahayn

Qarankani,wuxuu u baahanyahay rag garanaya qiimihiisa iyo qaayihiisa,iyo Qadiyada qarankani hiigsanayo,waana kuwa lagu aamini karo.umana baahna rag qoorta iskaga duuba madaxda qaranka

Raga, ka soo mid noqday golayaasha baarlamaanka iyo wasiir ee is leh aayar ayaad noqon,kartaa madaxwayne,ragaasi si ay u tabobartaan waxa loo dhiibay kuraasida ugu sareeya qaranka iyo si ay u bartaan ama loogu carbiyo hanaanka iyo halka loo maro salaanka siyaasada basle waxa kaskoodii noqdaan inay ku dhaqaaqaan,isku day inqilaab isla xukumadii ay ka mid ahaayeen laakiin xaqa ilaahay iyo khibarada madaxwayne siilaanyo,iyo mujaahidiinta ayaa lagaga baxay,

Sidoo kale waxa laga dhawray oo lagala xishooday in lagu qaado qaran dumisnimo

Siyaasaduna waa qori isu dhiib ee maaha xoog iyo qaran dumin

Qolyahan murashixiinta waxay joogeen markii wax lakala saxeexanayeen ee raga xisbiga jiritaankiisa jecel wax isku darsanayeen,waanay sacabinayeen,miyaanay ogayn wax isa siintu inaanay maanta ahayn

Mida sadexaad miyaanay ogayn ciyaarta maanta soo socota uu ciyaartoygii udub iyo ucid ku dulmagacaabayeen ee hadana xisbinimo awgeed ku amaanayey xukumada xisbigooda waayo waa aayahooda mustaqbal ee umay muuqan tooda gaar ahaaneed iyo saaxiibtimadooda kuwii kazoo horjeestay ka doorbiday

Madaxwayne siilaanyo iyo muuse biixi ma aha kuwa maanta is raacay sida murashixiintu sheegayaan ee iyagoon eegin danahooda gaarka ah waxay isu raaceen una ban baxeen xoraynta shacbigoooda ee ladabr jarayey ,ilaa heerkan Somaliland ku soo gaadhay ,fikirkaas ayaana mideeyey waxaanay ku kala tagi waayeen xadhig iyo xabad,waxaana kaga waynaa danta iyo qarnimada Somaliland.

Marka laga yimaado taas waxay marlabaad u midoobeen ,meel marinta masayrka shacabka reer Somaliland ee maanta xorta ,iyadoo xisbiga kulmiye ku suntanyahay meel marinteeda

MUUSE BIIXI. Waxa marag madoon ah in muuse biixi cabdi isaga iyo taageerayaashiisu iyo hormoodka ahaayeen muquunintii xisbigii ku suntanaa dimuqraadiyada Somaliland ee uu waliba ka dhex muuqday madaxwayne marxuum maxamed xaaji ibraahim cigaal alle ha u naxariistee,isku soo wada duubo mujaahidiinta kama qasna qabyada u hadhay iyo waliba halka ay marayso iyo cida geedi galin kara

Muusena wuu kala yaqaana siilaanyo iyo xirsi (siilaanyona wuu kala yaqaanaa muuse iyo cabdicasiis.

Gunta lagama jaro geed haduu kuu gobaad yahaye geesina lama shidaysto

Iyo hasha geela ka irmaane

MADAXWEYNE SIILAANYO

Madaxwayne Axmed maxamed siilaanyo ,waa halgamaa iyo ruug cadaa siyaasiya

Madaxwayne siilaanyo marna lagama yaabo wadankii uu naf iyo maal iyo mansaba uu u soo hurey xorayntiisa                                  lagama yaabo inuu cidla iyo cidaan ku haboonayn uu ku aamino ama uu dhiibi karo,wuu yaqaan rageedii ay u soo wada arimin jireen wuu yaqaana ragii ay ku murmeen aan halkaa maro iyo halkaa,misna ay mab da,a ka mideysnaayeen.

Madaxwaye axmed maxamed maxamuud siilaanyo wuu yaqaanaa raga kiisa hagi kara ee hogaamin kara,wuu yaqaanaa ragii guntiga u xidhay ee xiniinyaha u saaray xisbiga dhidbida adag ee kulmiye, madaxwayne waxaad ka tagaysaa xisbi aad u dhistay sees iyo rukumo adag iyo geesiyaal galbin kara guusha Somaliland,insha allah.

Badhosaabkii hore gobolka gabiley Rahiid cumar sheikh

COMMENTS
LINKS