Muuse Biixi , Jimmie Akesson ka somaliland. W/Q. Mustafe İid Maxamed | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muuse Biixi , Jimmie Akesson ka somaliland. W/Q. Mustafe İid Maxamed
November 21, 2015 - Written by Editor:

Jimmie Akesson waa hogaamiyaha xisbiga cunsuriga ah (Midigta fog) ee dalka swedan ee la yidhaahdo swedan Democrety. Wuxuu caan ku yahay duridda dadka Qaxoontiga iyo İslaamka ah ee dalkaa ku dhaqan. Hadaba Gudoomiyaha ahna murashaxa madaxwaynaha Xisbiga kulmiye Muj. Muuse Biixi Cabdi (Muuse jiimi). ayaa wuxuu caan ku yahay muujinta dhaqamo ama hadalo cunsuriyadeed oo faq iyo fagaare marag leh uu goobo iyo gooro kala duwan  kaga tiraabay. Cunsuriyadaha muuse-jiimi waxaynu u qaybinaynaa kuwo Qabyaaladeed iyo Qofeed (fikir), aynu ku horayno kuwa Qabyaaladeed:-

 

  1. Muuse-jiimi isagoo ka hadlaya magaalada barbara waqtigii ololaha Doorashadda madaxtooyadda ee 2010 sidaynu kawada daawanay Barnaamijkii Kulmiyihii Shalay iyo Maanta ee Muuqbaahiyaha Star Tv baahiyay, wuxuu isagoo ka hadlaya dib-u-dhac ka muuqda magaalada barbara, uu sheegay inay sababtay markuu baadhay in somaliland uu xukumo nin aan u dhalini ( 20 kii sano ee u danbeeyay waxa saddex magaalo oo jaarka ah xukumayay kuwii u dhashay inaga iyo berberana taasaa ka maqan) hada garoo waxa madaxwayne ah Daahir Riyaale oo reer Awdala markaa. Muuse-jiimi waxa muuqata in aanu wixii aan beesha dhexe ahayn u aqoonsanayn Muwaadiniin sida hadalkiisa cunsuriyadda ah ka muuqata.
    2. Wuxuu sheegay mar su’aal lagu waydiiyay madal ay HCTV soo qabanqaabisay in aanay beelaha harti Cod lahayn cidii wax ka doonatana ay isla dhacayaan, bal adba labadii beelood ee darafyadda mid somaliland ba uu ka saaray midna Asal ma Doorshe siyaasadeed buu ku sheegay, waa cunsuriyad heerkeedu sareeyo oo sida daadka uga soo burqanaysa muujaahidka.
    3. Tani waa ta ugu xanuunka iyo damaqa badan wuxuu muuse-jiimi kula kacay  wasiir ku-xigeenkii hore ee hawlaha Guud Cali cabdi saa’iq isagoo ku yidhi siduu wasiirku madal dadkii joogay ilmada xejin waayeen ka sheegay ( Adigu midgaan baad tee cid kastood raacdo maxaad ku biirin kartaa) Ax…. Waa cusriyad, dad ka bax iyo Garasho la”aan is biirsaday.
    4. Markii lagu jiray qorista Murashixiintii ka qayb galaysay doorashaddii Golaha wakiilada ee 2005. Markii uu xisbiga kulmiye ka arinsanayay sida beelaha murashixiinta Gobolka M/Jeex loogu qaybinayo ayaa waxa beelihii lays la soo qaaday ka mid ahaa beesha Cabdale Sacad (Sacad Muuse) waxaanu muuse Biixi oo ka mida Masuuliyiintii madasha fadhiyay uu ku tiraabay weedhahan ( Xagee murashaxa Cabdale Sacad cod ka keenayaa ma Baaniyaalan u soo kireeyaa). Markii uu ku adkaystay Go’aankaa muuse-jiimi waa tii murashixiintii kulmiye ee Gobolka Beesha Sidaa looga reebay.
  2. Markii Alle haw naxariistee Madaxwayne Cigaal magacaabayay Gobolka Saaxil, muuse-jiimi wuxuu ahaa wasiirkii qudha ee ka hor yimid in gobolka Saaxil la magacaabo, maalintii la magacaabayna intuu Cigaal AHN, hanjabaad iyo Af lagaado iskugu daray ayuu dudmo kaga tagay madaxtooyada, waxaana Ergo iyo Caqli celin ugu tagay Alle haw naxariistee Gudoomiyihii Golaha Guurtidda Sh.İbraahin Sh.yuusuf Sh.Madar.
    La soco Qaybaha danbe.

W/Q. Mustafe İid Maxamed
Hargaysa-Somaliland

 

COMMENTS
LINKS