MUJ Cali-guray Oo Si Qoto Dheer Uga Sheekeeyay Sababtii Uu Madaxweyne Siilaanyo Uga Tagay Xilkii Uu Ka Yahay Xukuumaddii Ina Cigaal. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
MUJ Cali-guray Oo Si Qoto Dheer Uga Sheekeeyay Sababtii Uu Madaxweyne Siilaanyo Uga Tagay Xilkii Uu Ka Yahay Xukuumaddii Ina Cigaal.
November 5, 2015 - Written by Editor:

Arinka ugu muhiimsanaa ee dedejiyay in Axmed Silanyo ka tago xilkii uu ka hayay xukuumadii Cigaal sida aan qabo odayga laftiisana ka sheekaysanay wakhtiyadaa oo aanu rafiiq ahayn waxay ahayd markii uu bilaabay AHN Cigaal inu sameeyo Xisbigii UDUB oo dhamaan wasiiradii ay Axmed ku wada jireen xukuumadu ay ka wada qayb galeen kuna wada hawlanaayeen marka laga reebo Axmed Silanyo oo markaa aan diyaar u ahayn inu UDUB ka mid noqdo isla markaana aan u jeedin in isaga laftiisu uu xisbi kale sameeyo ama xataa aan filayn hirgelintooda guud ahaan. Markaa UDUB oo keliya ayaa la wadwaday dad badanina dib ayay uga maagsanaayeen ama kumay kalsoonayn in ay shaqayn karaan balse waxay u arkayeen mashruuc u gaar ah Madaxwayne Cigaal oo xeeli daba taalo.

Markii ay soo kala faataxaysteen Cigaal ayaan anigu Axmed u soo jeediyay” oo haday sidaa tahay maad adiga laftaaduba xisbi kale samaysatid? Intuu qosol aan haynin iska keenay oo malaha yaab iyo qayayaab ka keenay ayuu yidh “WEGER OO MA INA CIGAAL BAA CIDI KURSI KA HELAYSAA”. Ka dib intu Laptop yar oo miisaka fadhiga saaran farta iigu fiiqay ayuu hadana yidh “imika kaasaan bartaa oo waxan doonayaa in buug qoro siyaasadana iskaga baxo oon oday nabdda iyo hawlahaa uun wax ka qabta noqdo.

Taasi waa kala tagii Cigaal iyo Silanyo eh waxa iyaduna xiiso leh sababta Axmed oo mucaarid ahaa marka horeba ku keliftay inu Cigaal ka qaato wasiir oo ahayd talaabo ay ku eedeeyeen dhinicii mucaaridka ahaa uu kaga baxay shirkii Beer markii uu ka biyo diiday danta Saleebaan iyo Colkiisu ay ka lahaayeen. Mar aan dareensiiyay arinkaa wuxu igu yidhi” Caliyow runtaan kuu sheegayaaye waxan kala doortay sedex: IN AAN UGA TAGO IN AAN KA HOR IMAADO IYO IN AAN LA SHAQEEYO. Sadexdaa waxan doortay in aan la shaqeeyo eh miyaan qaldanahay? Jawaabtaydu sidii ay inta badan ahaan jirtay waxay ahayd, MAYA ALLAYLEHE BOQOLKIIBA BOQOL SAX BAAD AHAYD, inta kugu caayaysaana waa kuwii aynu naqaanay. Sidaa daraadeed ayaan noqday shakhsiga keliya saaxiibadiisii halganka ee ka badheedhay inu daafaco mawqifkiisa

 

COMMENTS
LINKS