MUJ CALI GURAY Oo Ka Hadlay Ujeedada Wadamada Khaliijku Ay U Danaynayaan Madaarka Berbera Doorka Xukuumada Muqdisho Iyo Danaha Qoyska Madaxtooyada Ee Qarsoon. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
MUJ CALI GURAY Oo Ka Hadlay Ujeedada Wadamada Khaliijku Ay U Danaynayaan Madaarka Berbera Doorka Xukuumada Muqdisho Iyo Danaha Qoyska Madaxtooyada Ee Qarsoon.
November 20, 2015 - Written by Editor:

WAADAAN KA ADKIYE WAX KALAA JIRA!!

In wadamada Khaliijku ay danaynayaan Berbera oo weliba ay doonayaan inay ku yeeshaan Saldhig Milatari oo carbeed madaxda dekaddu waxba kamay sheegin yacnii may beenin manay rumaynin. Ilaa haddana maamulka Axmed Silanyo ma soo qaadin. Hadana waxa ugu muhiimsan ee waftiga Imaaraadka Carabtu u socdo ama sahan ugu jiraan ay la xidhiidho arintan ayaa laga yaabaa waayo waxay ku soo noqnoqonayaan Berbera iyo degaamada ku gadaaman. Awdal, Togdheer, iyo Sool Iyo Sanaag in aanay danaynayn waynu aragnaa mana jirto af gobaadsi iyo been aad ka dareemi karto kuwa hadla la yidhaa wax dhaaf siisan uu daaran yahay safarka wufuuda Imaaraadku oo la inoo sheegaa ma jirto. Ilaa hadda warku waxad moodaa inu u xidhan yahay qoyska madaxtooyada waana sababta wiilka loo dhigay Imaaraadka. Waynu naqaan waxa ugu muhiimsan ee wax kasta kala muhiimsan wiilka iyo cidda ka dambaysaa ay daneeyaan aanay wax inoo dan ah ahayn ee mar kastaba ay tahay wax aan hingurigoodaba dhaaf siisnayn iyo dilaal iyo malaal. Maareeyaha Dekeddda hadal kiisa kayr kayrka iyo warwareega ah ayaad ka garan kartaa in runi maqan tahay isaga laftiisuna xataa inta uu ogyahay inu sheego aan loo ogolayn.

Waxa laga yaabaa arinta Saldhigga Milatariga in dawladda Muqdisho lafteedu ay dhinaceeda kala waddo labada maamul ee Muqdisho iyo Hargeysina ay is ogyihiin balse wax walba ay qarsoodi ku socdaan laakiin ilaa goorma? Aniga waxay ila tahay arinta waftiga Imaaraadku tahay waadaan ka adki eh wax kalaa jira baroortuna orgiga ka wayn tahay.

 

MUJ CALI GURAY

COMMENTS
LINKS