MUJ Aadan Maal Oo ka mid Ahaa Xubnihii Fuliyey Hawl-galkii Lagu furtay Cabdillaahi Askar Oo Xidhan laba Sannadood Iyo Xaaskiisa oo ka Warrantay Tacadi & Barakicin Dawladdu ku samaysay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
MUJ Aadan Maal Oo ka mid Ahaa Xubnihii Fuliyey Hawl-galkii Lagu furtay Cabdillaahi Askar Oo Xidhan laba Sannadood Iyo Xaaskiisa oo ka Warrantay Tacadi & Barakicin Dawladdu ku samaysay.
November 28, 2015 - Written by Editor:

Marwo Aamina Maal waxa kale oo ay sheegtay in Maalmihii la xidhay Saygeeda ka dib boolisku xoog kaga saaray guriga isla-markaana iyada iyo Carruurteeduba dibad-yaal yihiin una baahan yihiin in arrinkooda hoos loo eego oo wax laga qabto.

Hargeysa, (Wajaalenews):- Aadan Maal Caqli oo ka mid ah Saraakiisha Ciidammada Qaranka Somaliland, isla markaana ka tirsanaa Mujaahidiintii fuliyey hawl-galkii siddeetamaadkii xerada Miiska Saraakiisha lagaga soo furtay Allaah ha u naxariistee Mujaahid Cabdilaahi Askar, ayaa xidhan muddo laba sanadood ka badan.

muj maal

Aadan Maal Caqli ayaa la xidhay ka dib markii Guri Dawladdu leedahay oo qoyskiisu ku jiray ay isku qabsadeen Wiil guriga qolka kaga jiray, kaas oo Wasaaradda Hawlaha guud gacan ka helayey, sida ay sheegtay Aamina Maal Cabdillaahi oo ah Aadan Maal Xaaskiisa, “Laba Sanadood iyo saddex bilood ayuu xidhan yahay Saygeygu, wax Dambi ah oo uu geystayna ma jirto, laakiin waxa ka dambaysa Wasaaradda Hawlaha guud oo gurigii aanu degganayn (Si la nooga saaro) soo adeegsaday inan yar. Dabadeedna isku dhac baa yimid (Aadan Maal iyo ninkii xagga wasaaradda ka socday ah)…” ayay tidhi, Marwo Aamina Maal oo la hadashay Wargeyska Himilo, waxayna intaas ku dartay in guriga ay ku jireen ilaa 1994-kii uu Saygeedu qol ka mid ah Tabaruc ahaan u dejiyey Gabadh ay Walaalo ahaayeen Wiilka hadda dooddu ka dhaxayso Aadan Maal ee uu sababtiisa u xidhan yahay, “Wasaaradda Hawlaha guud baa Inanka ku tidhi haddii Aadan Maal diiday inuu iibiyo Guriga annaga ayaa ku fan-gareynayna ee (kula dood) haddaad guriga dhinac kaga jirtana waxaanu odhanaynaa Guriga wuu kula leeyahay.”

Marwo Aamina Maal oo la waydiiyey halka marka hore uu Wiilku ka soo galay guriga ay degganaayeen, ayaa ku jawaabtay, “Inanka Guriga kula doodaya ee Wasaaraddu wadato Walaashii baa hore guriga qolka ugaga jirtay oo Aadan Maal ku ogaa, dabadeedna Walaashii baa dhimatay, ka dibna isagii baa meesha ku soo hadhay oo arrinka keenay.” Ayay tidhi, waxayna intaa sii raacisay. “…Aadan Maal waxa uu ku yidhi Guriga aniga ayay Dawladdu igu ogtahay oo la iima ogola inaan iibiyo, dabadeedna ninkii Wasaaradda hawlaha guud wadatay ayaa soo kaxaysatey dad badan waxayna nagu soo weerareen guriga, ka dibna Aadan baa la hadlay Booliska waxaana guriga yimid laba Askari, laakiin dadkii uu ninku watay ayaa Askartii ku weeraray Faashash iyo budhadh, waxaana labadii Askari midkood uu riday Rasaas waxayna ku dhacday nin ka mid ah dadkii uu soo kaxaysay ninka guriga nagula doodaya, markaas ayaa la xidhay Aadan Maal iyo labadii Askariba”

Marwo Aamina Maal waxa kale oo ay sheegtay in Maalmihii la xidhay Saygeeda ka dib boolisku xoog kaga saaray guriga isla-markaana iyada iyo Carruurteeduba dibad-yaal yihiin una baahan yihiin in arrinkooda hoos loo eego oo wax laga qabto.

Marwada ayaa intaa sii raacisay in markii saygeedu xidhnaa muddo sanad iyo 8 bilood ah Maxkamadda la geeyay isla-markaana lagu riday Xukun dhan 2 sanadood oo uu 1 iyo 8 bilood xukun la’aan ugu dhamaystay, haddana uu illaa hadda xidhan yahay. Aadan Maal, laba bilood ka hor ayaa Damiin lagu siidaayey, laakiin dib baa loogu celiyey jeelka.

 

XIGASHO WARGAYSKA HIMILO

COMMENTS
LINKS