Maxaa Iska Bedelay Wasaarada Maaliyada Intii Ay joogtey Wasiir Samsam Abdi Adam? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxaa Iska Bedelay Wasaarada Maaliyada Intii Ay joogtey Wasiir Samsam Abdi Adam?
November 28, 2015 - Written by Wariye:

Hadaba waxaa la isweydiin karaa su’aasha ah maxaa iska bedelay wasaarada Maaliyada Somaliland, mudadii koobnayd ee ay joogtay

Wasaarada Maaliyada Somaliland waxay ka mid tahay wasaarada halbowlaha u ah qaranka Somaliland, waa wasaarada dejisa, soo ururisa, qaybisa dhamaan wixii dalka soo geliya takhli ama ka baxaya.

Waa wasaarada leh saamaynteeda dhaqaale ee dalka, waana wasaarada ugu miisaanka culus wasaarada dalka mar ka la eego qaab-dhismeedka iyo habka maamul ee maaliyadeed ay leedahay wasaarada maaliyadu.

Hadaba waxaa la isweydiin karaa su’aasha ah maxaa iska bedelay wasaarada Maaliyada Somaliland, mudadii koobnayd ee ay joogtay Wasiir Samsam Abdi Adam?

Runtii waxaan odhan karaa wasaarada maaliyada wax badan baa iska bedelay mudadaa kooban ee ay wasiirka ka ahayd Samsam Abdi Adam, tusaale ahaan dhimaca maamulka waxbaa is bedelay, taasoo

ah in wasiirka cusubi ay wasaarada ka hirgelisay maamul daadejin iyo maamul wanaag ka wada muuqda dhamaam laamaha iyo waaxyaha wasaarada maaliyada.

Wasiir Samsam waxay xafiday oo ilaalisay hantida maaliyadeed oo wasiiradii ka horeeyey ay qaab khaldan u isticmaali jireen oo qaarkood ay olole ku geli jireen hantida ummaddu wada leedahay, waqtigan ma muuqato wax maamul xumo maaliyadeed ah oo ka muuqda wasaarada maaliyada.

Wasaarada maaliyada  waxaa loo dhiibay wasiir Samsam oo muddo dheer ahayd wasiirka waxbarashada iyo talinta sare, iyada taatiikh fiican iyo waxqabad muuqa kaga tagtay wasaarada waxbarashada intii ay joogtay, laguna xasuusan doono kaalinta ay ka qaadatay deeqihii waxbarasho ee wasaarada iyo bahda waxbarashada ay u keentay una maamushay qaab cadaalad ah.

Wasiir Samsan waxay kordhisay takhliga miisaaniyada ee wasaarada waxaana ka muuqda wasaarada maaliyada korodhka odoroska miisaaniyada sanadka ay shalay meel mariyeen golaha wasiirada oo uu gudoominayey madaxweynaha Somaliland Axmed Siillaanyo.

Waxaa ka muuqda miisaaniyada lacago loo qoondeeyey mashariic horuumarinteed sida wadooyinka dalka iyo mashaariic leh dhinaca caafimaadka, waxbarashada iyo waxyaabaha aas-aaska u ah horuumarinta arrimaha bulshada.

Wasiirka maliyadu Marwo Samsam Abdi Adan waxay ka joojisay wasaarada shaqaalihii la iska qoran jirey ee qaabka qabiilka ku dhisnaa, waxayna hawl gelisay shaqaalihii horey u joogay, waxay adkaysay hab-maamulka xisaabeed ee maaliyada, waxayna wasaarada waqtigan ka wadaa Reform balaadhan oo lagu samaynayo habka maaliyada iyo takhligu u soo xeroodo, taasoo dalkana wax weyn ka tari doonta, waana nidaamka caalami ah oo aduunka oo dhan ka jira.

Shaki kuma jiro in wasaarada maaliyada Somaliland, uu ka muuqdo is bedel dhinaca dhaqaalaha iyo maamulkaba oo ay hirgelisay intii ay joogtay wasiir Samsam Abdi Adam, waxaana odhan karaa wasaarada wax wayn baa iska bedelay waxaana loo dhiibay qofkii ku haboonaa wasaarada maaliyada waqtigan.

A.A. Arshe, Hargeisa somaliland

COMMENTS
LINKS