MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA, MUDANE XASAN SHEEKH MAXAMUUD AYAA TACSI U DIRAY SHACABKA, QOYSKII IYO EHELADII UU KA GEERIYOODAY WERIYE AXMED XASAN CAWKE. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA, MUDANE XASAN SHEEKH MAXAMUUD AYAA TACSI U DIRAY SHACABKA, QOYSKII IYO EHELADII UU KA GEERIYOODAY WERIYE AXMED XASAN CAWKE.
November 17, 2015 - Written by Wariye:

xasan sheekhMadaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Tacsi u diray shacabka, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday weriye Axmed Xasan Cawke oo ka mid ahaa hawlwadeennada kaalinta weyn ka soo qaatey saxaafadda Soomaaliya.

“Innaa Lillaahi waa Inaa Ileyhi Raajicuun. Marxuum Cawke waxaa uu ka baxay ummada Soomaaliyeed oo dhan, cid walbana way garaneysaa kaalintii iyo shaqadii wanaagsaneyd ee uu dalkan u soo qabtey intii uu noolaa. Marxuumka Ilaahay Jannatul Fardowsa ha ka waraabiyo, qoyskiisa, ehelkiisa iyo shacabka Soomaaliyeedna, samir iyo iimaan Allah ka siiyo’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Marxuum Axmed Xasan Cawke waxaa uu door weyn ka soo qaatey , shaqadiisana ay si weyn uga dhex muuqatey Wasaaradda Warfaafinta, Madaxtooyada Soomaaliya, idaacadaha caalamiga iyo kuwa maxalliga intaba.
Marxuumka ayaa xaley saq dhexe ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee maamulka Soomaalida ee dalka Ethiopia.

Axmed Xasan Cawke wuxuu ku biiray Radio Muqdisho 1972 isagoo aad ugu soo caanbaxay wararka iyo gaar ahaan tebinta ciyaaraha iyo madadaalada.

Wuxuu ka soo shaqeeyay Telifishankii Somaliya , kadibna wuxuu noqday Afhayeenkii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ilaa burburkii Soomaaliya.

Cawke wuxuu ku biiray laanta Afka soomaliga ee idaacadda BBC 1996 . wuxuu kaloo ka soo shaqeeyay laanta Afka soomaliga ee VOA , Telifishanka Universal , HCTV , iyo Telifishnka Somaliland National TV .

Wajaalenews.net
Hargeisa Office
Wariye: Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS