MADAXWEYNAHA SOMALILAND OO TACSIYADEEYEY GEERIDA ALLAH HA U NARAXIISTEE WARIYE AXMED XASAN CAWKE. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
MADAXWEYNAHA SOMALILAND OO TACSIYADEEYEY GEERIDA ALLAH HA U NARAXIISTEE WARIYE AXMED XASAN CAWKE.
November 17, 2015 - Written by Wariye:

Madaxweynaha Somaliland oo Tacsiyadeeyey geerida Allah ha u Naraxiistee Wariye Axmed Xasan Cawke.

TACSI MADAXWEYNE
17/11/2015

cawke

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, guud ahaan shacbi weynaha Somaliland, Waxgaradka, waayeelka, Boqorada, Ugaasyada, Salaadiinta, Cuqaasha, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo gaar ahaan Bahda Saxaafada, isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Marxuum Weriye Axmed Xasan Cawke oo ku geeriyooday dalka Ethiopia gaar ahaan Magaalada Jig-jiga 17/11/2015.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey tiir ka baxay guud ahaan inta ku hadasha Afka Soomaaliga, iyo Qaranka Somalilandba, sidoo kale waxa uu ahaa weriye ruug caadaya oo taariikh ma guurto ah kaga tegay dunida, tusaale iyo ku dayasho wacana u ahaa dhamaan Bahda Saxaafada meel ay joogaanba.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Bahda Saxaafada, Waxgaradka, waayeelka, Boqorada, Ugaasyada, Salaadiinta, Cuqaasha, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL. (131)

Wajaalenews.net
Hargeisa Office
Wariye: Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS