Madaxweynaha Kenya Oo Sheegay In Aan Ciidanka Wadankiisa Laga Saari Doonin Dalka Somaliya. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Kenya Oo Sheegay In Aan Ciidanka Wadankiisa Laga Saari Doonin Dalka Somaliya.
November 15, 2015 - Written by Editor:

NARIOBI(Wajaalenews) -Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa wuxuu ka hadlay arrinta ku aadan dhulka ay Kenya ka wado dhulka Somaliya, iyadoo uu sheegay inaysan Kenya wax damac ah kaga jirin xitaa taako ka mid ah dhulka Somaliya.

Madaxweynaha Kenya, ayaa wuxuu ku andacoonayaa in nabadiidku uu halis ku yahay labada dal, isagoona xusay in ujeedada Kenya ay tahay in la helo xasilooni labada dhinac ah.

“Dadka Somaliyeed waxaan u xaqiijinayaa in qaswadayaasha ay si wada jir ah inoo dhaawacayaan. Waxaan kaloo idin cadeynayaa inaysan Kenya wax dan ah ka lahayn Somaliya, xitaa taako ka mid ah dhulka Somaliya.” Ayuu yiri Madaxweynaha Kenya.

“Ujeedada Kenya ee Somaliya waa nabad iyo xasilooni inaan helno. Danta keliya ee Kenya waa nabad iyo midnimo. Waxaana dadka Somaliyeed ugu baaqayaa in ay nabadda nala qaataan, nala-na raadiyaan.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Wuxuu ku celceliyay haddii dadka Somaliyeed ay deganaansho hellaan, uu macnaheedu yahay Kenya oo heshay xasilooni iyo nabad.

“Haddii dadka Somaliyeed ay xasilooni hellaan, anaguna waan heli doonnan xasiloonida. Waana hadafka Kenya ay u joogto dalka Somaliya.” Ayuu yiri Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Wuxuu cadeeyay in Ciidanka Kenya ay sii jooggi doonaan Somaliya, haddii ujeedku Kenya uu yahay in la helo nabadgelyo labada dal ah.

“Ciidanka Kenya way sii jooggi doonaan Somaliya, waxa ay u jooggaan waa nabadda iyo xasiloonida labada dal, waxaana loo baahan yahay in si wada jir aan sidaa u fahano.” Ayuu yiri Kenyatta oo ka soo muuqday Warbaahinta Kenya.

COMMENTS
LINKS