Madaxweynaha jsl oo maanta ka Qaybgalay Xuska Sannad Guurada 22aad Ee Aas-aaska Ciidanka Booliska Jamhuuriyada Somaliland. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha jsl oo maanta ka Qaybgalay Xuska Sannad Guurada 22aad Ee Aas-aaska Ciidanka Booliska Jamhuuriyada Somaliland.
November 3, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa maanta ka qayb galay munaasibadda xuska sanad guurada 22-aad ee ciidanka booliska Jamhuuriyadda Somaliland. Madaxweynaha ayaa hambalyo u diray ciidamada booliska, kaalinta ay kaga jiraan ammaanka dalka.

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

Taliyaha guud ee ciidamada Booliska Sarreeye guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa sharaxay arrimaha ay sanadkan ciidamada boolisku qabteen “ Ciidanka boolisku waxay sanadkan gacanta ku dhigeen 3846 tahriiyeyaal ah, waxa kale oo ay qabteen 56 Mukhallasiin( Ma gafeyaal ah) kuwaasi oo dhammaantood sharciga la geeyay xukunno kala duwanna lagu riday. Waxa kale oo ciidamada boolisku gacanta ku dhigeen 1,780 qoomiyadda oromada Itoobiya ah kuwaas oo dalkooda dib loogu celiyay. Waxa kale oo arrimaha ammaanka khatarta ku ah ka mid ah muranka dhulka oo dhimasho iyo dhaawac u gaysta booliska, waanan kugu hambalyaynayaa madaxweyne guddida aad u magacawday. Waxa kale oo ay talaabo adag Boolisku ka qaadeen dhalinyarada kooxaha ah, waxaanay gacanta ku dhigeen 550 dhalinyaradaas ah, waxaana xukunno kala duwan iyo ganaaxyo ku dhaceen 450,” ayuu yidhi Taliye Fadal.

Wasiirka Daakhiliga Cali Warancadde, ayaa sidoo kale sheegay in Somaliland leedahay ciidan adag oo hanan kara ammaanka dalka “ Waxaanu madaxweyne gacanta ku haynaa ciidan dhisan oo hanan kara nabad galyada gudaha ee jamhuuriyadda Somaliland. Waxay awood u leeyihiin inay hantaan nabadda wadanka iyo daryeelka bulshada Somaliland. Waxay ku suntan yihiin naftood hureyaal aan ka gabanayn cid kasta oo isku dayda inay waxyeesho ammaanka qaranka Somaliland,” ayuu yidhi Wasiir Warancadde.

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa bogaadiyay dadaalka ciidanka booliska “Waxaan leeyahay aad iyo aad baan ciidanka booliska masuuliyiintiisa iyo mijihiisaba ugu bogaadinayaa sida fiican ee qarannimada leh ee ay xilkaas iyo hawsha loo igmaday u ilaaliyaan. Waxaan leeyahay hambalyo aad iyo aad u baaladhan ayaan idiin soo jeedinayaa. Siyaasadda waa la isku qabsanayaa oo laga iskaga hor imanayaa laakiin, cidna ka yeeli mayno intaynu ciidankeena booliska iyo ciidamada kale ammaanka suga haysanno in ciddana waxyeesho oo umaddaa iyo dalkaa nabad galyada haysta ku ciyaarto,” ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Dal dimuqraadi ah ayaynu nahay, dal wada jir ah ayaynu nahay, siyaasadda waa la iskaga hor imanayaa, danaa la kala leeyahay, qaab kala duwan ayaa wax loo arkaa laakiin, farsamo, aqoon iyo cilmi iyo nidaam baa lagu kala baxaa. Wixii nidaamkaas ka baxsan ee nabad galyada wax yeelaya cid laga yeelayaa ma jirto. Booliskani wuxuu u samaysan yahay inuu nabad galyada ilaaliyo cid kastaba ha noqotee,” ayuu yidhi madaxweynuhu.

 

 

COMMENTS
LINKS