Madaxweynaha Jabuuti Oo Siweyn Uga Gaabsadey Tacsidii Marxuum Axmed Xasan Cowke Oo Madaxda Soomaalidu Tacsiyadeeyeen Iyo Dareenka Shacbiga Reer Jabuuti Ka Bixiyeen!!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Jabuuti Oo Siweyn Uga Gaabsadey Tacsidii Marxuum Axmed Xasan Cowke Oo Madaxda Soomaalidu Tacsiyadeeyeen Iyo Dareenka Shacbiga Reer Jabuuti Ka Bixiyeen!!!
November 19, 2015 - Written by Editor:

Djbouti(Wajaalenews)-Madaxweynaha Dowlada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa, noqdey Masuulka Kaliya ee Soomaali ah ee ka gaabsadey Tacsidii Wariyihii Ruug cadaaga ahaa Marxuum Axmed Xasan Suufi Cilmi(Axmed Xasan-Cowke), oo shaley lagu aasey Magaalada Tog-Wajaale ee kutaala dhinaca Xuduuda Itoobiya oo hore loo odhan jirey bari samaadkii(Qarxabashi) kadib markii uu habeen hore ku geeriyooday Magaalada Jigjiga ee Xarunta Kililka Shanaad ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

geele

Madaxweynayaasha Dhulka Soomaalidu Degto ee Dowaladaha Somaliland Axmed Siilaanyo,Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,Kililka ShanaadCabdi Cumar Illey, Koonfurta Soomaaliya iyo meelo badan oo kale ayaa dhamaantood dhambaal tacsi ah u gudbiyay eheladii qaraabadii iyo Qoyskii Marxuum Axmed Xasan Suufi Cilmi(Axmed Xasan-Cowke), halka aanu Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele aanu Warbaahinta dalkiisa iyo ta Madax banaan iyo ta Caalamiga ah midna ku tacsiyeyn Marxuumka oo ay aqoon shakhsi ah isku lahaayeen mudo badan.

CAWKE 12

Lagama warqabo in uu uurka wax ugu hayay Marxuum Axmed Xasan Cowke Wariyihii caanka ka ahaa gayiga Soomaalidu degto oo dhan Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele haseyeeshee, Shacbiga Reer Jabuuti oo aad u jeclaa Shakhsiyada Marxuumka ayaa Dareen weyn ka qaatey iyagoo jaaliyadaha Qurbaha ku nool ee Reer Jabuuti aragtiyo kooban kaga bixiyeen bogaga ay ku leeyhiin facebook iyo Qeybaha kale ee internetka sida ay uga xun yihiin aamuska Geerida Cawke iyo Madaxweynaha Jabuuti halka ay qaarkood murti ku cabireen dareenkaasi.

Sikasta oo ay tahey waxa laga filayaa in Madaxweyne Geele Lamid noqon doono wakhti ay ahaataba in uu tacsi balaadhan ku sagootin doono Marxuum Axmed Xasan Cowke maadaama ay macruufad qadiimiya lahaayeen kana dareen celin doono aragtida Shacbigiisu ka qaateen Xiligan, aamuska Madaxweynahooda ee Tacsida Marxuumkaasi.

 

WAJAALENEWS

Djbouti Office

EMAILWAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS